Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

0
Wednesday October 31, 2018 - 03:58:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hay,ada Shaqaalaha Dawlada Mudane: Sharmake Geelle, Shamac U Daaran Dhalinyarada Somaliland. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
Gudoomiyaha  hay,ada  shaqaalaha  Dawlada  Jamhuuriyada  Somaliland  waa  wiil  dhalinyaro  ah,  Oo  ku  sifoobey  dhiiranaan,  dhibirsanaan iyo  dheehasho  horumarineed  taasi  oo  la  xidhiidha koboca  ama  korodhka  hanaaneed  ee laga  dhugan  karo  maanta  hay,adaha  Shaqaalaha  Dawlada,  Inta  aanen  u  galin  mawduucayga  aan  kaga  hadlayo  maanta  Gudoonka  hay,ada  shaqaalaha  Somaliland  Mudane:  Sharmaarke  Axmed  Muxumed  Geele,  Hore  waxaan uga  qorey  maqaalo  afef  kala  duwan  ku  qoran  oo  talo  iyo  hoge-tusaaleyn  isugu  jira, Hadaba  waxaan  ka  marag  kici  doonaa  hadii  Eebe  Idmo  karaamooyinka  ama  kaalin-galka  masuuliyad  kasnimo  ee  aan  ku  arkey  mudadaan  is  naqaaney.


Sharmarke  geele  saaxiibkay  mid  waan  ku  hambalyeynayaayoo  waa  masuulkii  ugu  horeeyey  ee  abid  aan  ka  balano  dan guud  isagoo  sideediina  uga  soo  dhex  mudhay  amaba  aan  idhaahdee  gutey  waajibaadkii  kaga  beegnaa,  Waxa  uu  saaka  oo  ay  Salaasa  aheyd  munaasibad  nagala  soo  qayb  galey  jaamacada  Tima,ade  University  Gabiley,  Isaga  oo  ka  soo baxay  markaa  munaasibadii  machadka  shaqaalaha  dawladu  ay  ku  qalin-jabinayeen  oo uu  markuu  soo  dhamaystay  Gabileyna  Soo aadey,  Halkaa  waxa  kaaga  muuqda  culays  safar  iyo  xili  danbe  in  aad  soo  haahaabato  balse  waxaasi  maysan  dhibin,  Wuxuu  aad  u xusay  iney  ku  wayn  tahay  imaatinka  gabiley  jaamacadeeda  wax  walba  oo  la  soo  darsana  uu  yada  ka  horu-marinayo, Mr.geele  ayaa  isagoo  hadalkiisa  sii  wata  Ardeyda  la  wadaagey  qudbad  qiimo  badan  oo  ay  qiiro  ku  ladhan  tahay  dhinaca  nolosha  bani-aadamka.

Gudoomiye  geele  waxaan  marag  uga  nahay  inuu  soo  ajiibey  baaqii  iyo kalgacaylkii  dhalinyarada  reer gabiley  u  qabeen,  Uguna  han  weynaayeen  inuu  la  qaybsado  rumaynta  rajooyinka  ay  naadinayeen  dhalintu kuwaasi  oo  salka  ku  haya  isbaddelada  mustaqbalka,  Xaqiiqatan  waxaan  ku  arkey  hogaamiyahaa  dhalinyarada  ah  dhibsasho  la,aan  aan  dhayalsanayn  balamaha  dhalinta  lagu  dar-dar  galinayo, Sidoo  kale  waxa  uu  la  qaataa  mudo  fara-badan  la  joogida  dhalinta  iyo  qancinta  waxay  tabanayaan  waxaad  moodaa  naxariistana  hooyo  nuujinaysa  ubad  abaydin  ah  sida  ay u  damqato  ama  ay  ugu  darerto  ayuu  u  yahay  dhalinyarada  iyo  dhamaan  shacab-weynaha  reer  Somaliland  ee  xasaanada  masuuliyada  shaqada  u  huwan  yahay,  Waa  masuul  ku  suntan  ikhtiraacid  iyo  abuurid  sancooyin  kala  duwan  oo  la  xidhiidha  taaba-galinta  hay,ada  shaqaalaha  dawlada  Somaliland.

Gudoomiyaha  hay,ada  shaqaaluhu  waxa  uu  muunad  iyo  muraayadba  u  yahay  dhalinyarada  waana  masuulka  ugu  sareeya  dawlada  inta  magaca  dhalinyarada  sidata,  Hadaba  muga  ama  hal-beega  lagu  cabirayo   dhalinta  waxase  ifafaalihiisu  muuqataa  in  la  aaminay  dhalinta  marka  la  arko  bar-baarta  sida  sharmaarke  oo  kale  ah,  Isaga  oo  naftiisa  u  hurey  una  hagar-baxey  kor  u  qaadida  sumcada  da,yarta  ku  soo  foolka  leh  saaxada  isku  soo  wada  dabaaloo  gudoomiye  Sharmarke  Axmed  Muxumed  Geele  inuu  yahay  hogaan  suubaan  oo  sida  shamaca  uga  dhex  ifaya  dhamaan  masuuliyiinta  iyo  waliba  dhigiisa  qaranka  u adeega,  Waan  ku hambalyeynanaa  waanen  ku  garb  taagan  nahay  Waxaanen  leenahay  gudoomiye  ilaahey miisaan ka  xasanaadka  ha  kuugu  daro.

Guntiyo  gaba-gabada  waxaan  ku  af-meeri  Gudoomiyaha  Hay,ada  Shaqaalaha  Dawlada  Somaliland  laga  bilaabo  maanta  waan  ku  garab  taagan  nahay  hal-curin  kastoo  uu  dalka  ku  soo  kordhiyo,  Ka  markaan  aragnay  ama  aan  darisnay  kartidiisa qofnimo,  Keydkiisa  tamareed  iyo  waliba  tayeynta  uu  habeen  iyo  maalinba  la  hiigsanayo  hay,adiisa  iyo  bay.ada  ay  ka  shaqayso,  Runtii  waxaad  aragtey  ayuun  baa  muhiima  inaad qeexdo  waar  hooy  ninkaasi  waa  milic  inaga  dhex mudhaysee  yaan  laga   maagin,  Halyeyga  tiisa  sii  hasha  seegtayna  u hagaaji ,  Walee  masuul  talo  qaata  waliba  wax  ku  baddalo  isaga  ka  hor  lamaan  wadaagin  talo,  Taasaan  maanta  ku  bogaadinayaa  uguna  holadey  inaan  u  hindiso  qormo,  Guul iyo  gobanimo  ama  qumanaan  midho-dhala  ayaan  isu ognahay  Gudoomiye  Sharmarke geelle  abti  gobtu  ma  dhuumato.
Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax  (Jeesto).
Diplomatic  Annalism.
Gabiley/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured