Jaamac-Shabeel iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maxay kaga Wadahadleen Kulanka Dhex-maray?.

0
Wednesday October 31, 2018 - 03:50:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamac-Shabeel iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maxay kaga Wadahadleen Kulanka Dhex-maray?.

    Jaamac-Shabeel iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maxay kaga Wadahadleen Kulanka Dhex-maray?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamac-Shabeel iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid Maxay kaga Wadahadleen Kulanka Dhex-maray?.
Hargeysa(Xogreebnews):- Jaamac Ismaaciil Cigaal (jAAMAC-Shabeel) oo ahaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Guddigiisa fulintu bilawgii bishii hore shaaciyeen inay xilkaas ka qaadeen iyo Ganacsadaha sida weyn uga dhex-muuqda Siyaasadda Xisbigaas ee Maxamed Aw Siciid Geeddi, ayaa gelinkii hore ee Salaasadii Maanta kulan ku yeeshay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulankan dhex-maray Jaamac-Shabeel iyo Maxamed Aw Siciid, ayaa la sheegay inuu salka ku hayey sidii loo dhammayn lahaa Khilaafka Jaamac-Shabeel iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ka dhex-jira ee Xilkiisii Guddoomiyennimo ee golaha dhexe galaaftay.
Inkasta oo ay Warbaahinta qaar isku dayday inay arrintaas Jaamac-Shabeel wax ka weydiiso, haddana wuu ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo. Hase-yeeshee, ila-wareedyo kulankaas si dhaw ula socday, ayaa tibaaxaya in Maxamed Aw Siciid kulanka soo abaabulay, isla markaana ujeedkiisu ahaa sidii uu u qancin lahaa Jaamac inuu ka tanaasulo khilaafka uu Xisbiga kaga maqan yahay wakhtigan, isuguna soo dhawayn lahaa Jaamac-Shabeel iyo Hoggaanka sare ee Xisbigas. Balse lama oga natiijada uu ku dhammaaday kulankaasi iyo waxay iskaga afgarteen waxay ka wadahadleen toona.
Jaamac-Shabeel, ayey xilkii Guddoomiyaha Golaha dhexe iyo Xubinnimadiiba ka qaadeen Guddiga Fulinta ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye 30-kii bishii sagaalaad ee sannadkan, iyaga oo sheegay inuu ka gudbay Xadkii u yaallay, talooyinkii iyo digniinihii la siiyeyna qaadan waayey.
Hayeeshee, Jaamac-Shabeel waxa uu xilka-qaadistiisa ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aanay Guddiga Fulintu xaq u lahayn waqdigan, isaga oo duray Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee Xisbigaas Axmed Cabdi Dheere oo ku saxeexnaa go’aanka Guddiga Fulintu xilka kaga qaadday, waxaanu markaa ku baaqay inuu Shir degdeg ah u qabanayo Xubnaha Golaha dhexe 5-tii bishan Aktoobber, balse waxa isaga iyo Xubno tiro yar oo yimi Xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa shantii Bishan iska hortaagay Ciidammo Boolis ah oo u diiday inay galaan Xarunta Kulmiye, isaga oo markaa sheegay inuu dib u dhigay muddo bil ku siman Shirkii maalintaas laga horjoogsaday, hadal dambena aan laga maqal.
Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida ay noqon doonto iyo halkay ku dambayn doonto Xaaladda Siyaasadeed ee Siyaasi Jaamac-Shabeel oo muddo dheer ka mid ahaa Kaaddiriinta Xisbiga Kulmiye, waxa la is-weydiinayaa inuu Xisbigaas Khilaafka Hoggaankiisa ka dhexeeyaa suuli doono oo xal ku dhammaan doono oo uu ka sii mid ahaan doono Xisbigaas iyo in xaaladdu sidaas ku dhammaan doonto oo uu dibedda ka ahaan doono Xisbiga uu muddada u soo halgamayey iyo Xukuumadda ka dhalatay Kulmiye ee hadda talada haysa iyo in uu meel kale u jihaysan doono toona, balse waxa la dhawrayaa is-bedbeddelka maalmaha iyo milayga soo socda meesha uu ka hillaaci doono.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured