"Codka Madaxweynaha ayaa Suuqa lagu iibin hadday Bilawdo is-dhageysiga.." Aadan Dhoollayare

0
Wednesday October 31, 2018 - 03:45:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Codka Madaxweynaha ayaa Suuqa lagu iibin hadday Bilawdo is-dhageysiga.." Aadan Dhoollayare

    "Codka Madaxweynaha ayaa Suuqa lagu iibin hadday Bilawdo is-dhageysiga.." Aadan Dhoollayare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Codka Madaxweynaha ayaa Suuqa lagu iibin hadday Bilawdo is-dhageysiga.." Aadan Dhoollayare

Hargeysa(Xogreebnews):- Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Md. Daahir Rayaale, ayaa ka digay halis uu sheegay inuu dalka iyo dadkaba ku yeelan karo Qalabka dhegaysiga Xogta Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Adeegyada ay bixiyaan ee Taleefannadu ku jiraan, haddii la hirgeliyo Qalabka wax lagu dhegaysto ee Xukuumadda Somaliland shaacisay inay hirgelinayso.

AADAN AXMED CILMI DHOOLLAYARE

AADAN AXMED CILMI DHOOLLAYARE

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Aadan-Dhoollayare, waxa uu sheegay inuu Qalabkaasi halis ku yahay aamminka iyo xog-dahsoonaanta Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda, Madaxda Dawladda iyo Shacabka-ba haddii la hirgeliyo, isla markaana la arki doono Qalabkaas oo suurageliyey in Xogta Madaxweyne Biixi Suuqyada lagu iibiyo haddii qaab is-basaasid ah loo adeegsado Qalabkaas uu dhawaan shaaciyey Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland inay hirgelinayaan oo ay keensadeen, si ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ugula socdaan.

Dhoollayare, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka taagan Guddiga doorashooyinka ee wakhtigan jooga ee u dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga Talada haya iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah. Sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaal-beeleedka toddobaadkii hore ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool iyo qodobbo kale.

Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo Wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Waraysigan uu siiyey Saab TV ee uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured