"Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad Dhegaysan" Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal)

0
Tuesday October 30, 2018 - 02:57:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad Dhegaysan" Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal)

    "Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad Dhegaysan" Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweyne Hal Caare Ayeynu U Taag Lanahay Ee Boqol Caare Ayaa Iman Doona, Hadii Aanad Dadka U Soo Joogsan Oo Talada Lagu La Eegin Oo Wixii Macquula Aanad Dhegaysan" Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud (Dhunkaal)

Hargeysa(Xogreebnews)- Xildhibaan Cabdiqaadir  Xaamud (Dhunkaal) oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ahna mudane ugu jira golahaasi Bariga Gobolka Sanaag, ayaa ka hadlay dhalinyar ay deegaanka YUBE ee Sanaag ka soo wada jeedaan oo raacay Jabhadda Kornayl Caare ee Somaliland dagaalka kula jirta, waxaanu ugu baaqay inay dhalinyartaasi Guryahoodii dib ugu soo laabtaan dagaalna aanu xal ahayn ee wixii ay deegaan ahaan ka tabanayaan dawladda Somaliland wada hadal loo baahan yahay in lagu xaliyo.

Md Cabdiqaadir  Xaamud (Dhunkaal) oo shalay Saxaafadda kula hadlaayey Xarunta Baarlamaanka ee Hargeysa, ayaa dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi ku canaantay hadii aanu  talooyinka shacabka iyo mucaaridka dhegaysan oo aanu wixii suurta gal ah qaranka talooyinka loogu lexejecleeyo qaadan ay iman doonaan Boqol Taliye Caare oo kale oo Jabhado la mid ah, loona baahan yahay in imika uu Madaxweyne Muuse Biixi dadkiisa talooyinka fiican siinaaya ka dhegaysto.

Xildhibaan Cabdiqaadir  Xaamud (Dhunkaal)  oo ugu horeyntii ka soo horjeestay  dhaq dhaqaaqa colaadeed ee Jabhadda uu hormuudka u yahay Kornayl Xasan Caare ay Bariga Somaliland ka wado waxaanu yidhi "Ma filayn maanta in gobolka Sanaag inay  Jabhadi ka abuuranto metelan Caare oo kale , Caare aniga oo aad u Ixtiraamaya markii aan eegay markii aan qeexay markii aan wax badan ka war helay , Caare balaayo ayuumba ka maqnayd umalayn maayo wax kale inuu ka maqnaa , laakiin dhalinyaradda deegaanka YUBE ka raacday wax badan oo Xuquuq ah ayaa ka maqnaa oo Dereyskoodii ciidanimo ayaa ka maqnaa Derejooyinkii ayaa ka maqnaa oo dhaqaalihii ayaa ka maqnaa iyagana waxaan leeyahay  waar wixii inaga maqnaa  Qori ku heli mayno ee Qalin Caaradii ayeynu ku helaynaaye oo isdejiya oo wada hadal aynu iskugu nimaadno, bil Axsaanag Caare-na waxaan leeyahay Gobolkeenu maanta dagaal uma baahna , hadii ay wax guddaha ka khaldameen , xaga Ciidanka iyo sharciyadiisa arimahaasi taasi waa wax gaara oo idinka idiin taala, laakiin sabab maanta aad banaanka ugu baxdo anigu ma qabo”

Cabdiqaadir  Xaamud (Dhunkaal)  ugu dambeyntii isaga oo talo canaan ah u diray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu yidhi "Madaxweynahana waxaan leeyahay  Madaxweyne Hal Caare ayeynu u taag lanahay ee Boqol Caare ayaa iman doona, hadii aanad dadka u soo joogsan oo talada lagu la eegin oo wixii macquula aanad dhegaysan, shalay wuxu madaxweynuhu ka hadlaayey Xisbiyadda mucaaridka ah, waa runtii oo soo jeedin ayaa lagu leeyahay oo go’aanka ugu dambeeyana isaga ayaa leh, laakiin dadku inay wada tashadaan oo wax wada habeeyaan waa mid loo baahan yahay , runtiina gobolkana madaxweynuhu waa tegay oo ilaa Hadaftinimo ayuu tegay ilaa deegaanka Yube ayuu tegay , cabasho badan ayaana loo la yimid cabashadaasina ilaa hada wali jawaab madaxweynuhu kama bixinin tabashadii dadka reer Yube, laakiin wali Sannadkii uma buuxsamin oo waa la sugayaa oo jawaabtana waa laga sugayaa, dhalinyaradda Yube ee Caare raacayna waxaan leeyahay waar guryihiina ku soo noqda hadii kale hadhaw ayaa meesha laydinka yaaci doona”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured