"..Xisbiyada Mucaaridku waxay noqdeen Caana-qub". Siyaasi Xuseen Xasan Badmaax

0
Friday October 26, 2018 - 18:03:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Xisbiyada Mucaaridku waxay noqdeen Caana-qub". Siyaasi Xuseen Xasan Badmaax

    "..Xisbiyada Mucaaridku waxay noqdeen Caana-qub". Siyaasi Xuseen Xasan Badmaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Xisbiyada Mucaaridku waxay noqdeen Caana-qub". Siyaasi Xuseen Xasan Badmaax
Bahasha la yidhaa Caana-qubta(Procupine) waxay oogada sare ku leedahay waramo ama qodxo dhaadheer.Akeeduna hoos ayuu u jeedaa,mana aragto waxii ka durugsan.Markay wax iska caabi yayso ayay jiho kasta u saydhisaa warmahaa,waana difaaceeda ilayn waa kan madaxeedii iyo indhaheediiba hoos u fooraraane.
Akhriste,waxaan uga socdaa xisbiyadeena mucaaridku waa sida bahashaa Caana-qubta la yidhaa oo kale.Bal u fiirso marka shacabku ka dareen celiyo qalad ama qalooc xukuumadu ku kacday ayuun bay xisbiyada mucaarid kuna afka furtaan oo halkay doonaan weeraraan,iyagoon u aabo dayayn haday tahay eedaymo huwan wax yeelo arrimaha dibadaa,hadalo banaanka soo dhigaya arrimo xasaasi ah oo nabadgelyada gudaha iyo hadalo boog u yeelaya hab socodka dawladnimo.Mararka qaar waxay ku hadlaan arrigtiyo lid ku ah jiritaanka qaranka jsl.Mararka qaarna waxaa bay meesha ka saaraan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala.Hada ogow hadaladaas oo dhan waxay ka soo gudbiyaan warbaahinta oo aduunka oo dhan laga dhegaysto,weliba afaf qalaad lagu tarjumo.Dhaqanka noocan ah ee xisbiyada mucaaridku macnahiisu waxuu muujinayaa inaanay haba yaraatee uga oolin wax qorshe ah oo ku saabsan siyaasada mucaaridnimo,waana hab ka sii durki naaya shacabka ay hanan lahaayeen.Mana ahaToosin,tilmaan iyo talo midnaba.
Akhriste,dhinaca kale hadaynu ka bidhaamino,xisbiyada mucaaridku mar walba waxay ku doodaan dalka ha la wada yeesho,xukuumada ha loo sinaado,shuruucda ha lagu dhaqmo,doorashadu ha la qabto.Waa hadalo wanaagsan balse horta iyagu ku ma ku dhaqmaan ama fuliyaan arrimahaa carrabku kaga dhegay.Hadaan tusaale dhow ka soo qaato habawga xisbiyada mucaaridku ay ku jiraan waxa ka mid ahaa 2da xisbi mucaarid dulmigii ay kula kaceen musharaxii ucid Md.Jamaal Cali Xuseen iyo musharax kuxigeenkii Waddani Md.Axmed Muumin Seed kuna duudsiyeen musharaxnimadii sharciga ku fadhiday.Talaaboo-yinkaa loo adeegsaday waxay cadayn u yahiin xisbiyada mucaaridku inaanay ku dhaqmin xeerarkooda,xeerka ururada siyaasada iyo xisbiyada(Xeer Lr.14) iyo dastuurka midniba.Taasina waa ta ka dhigtay xisbiyada mucaaridka inaan la wada yeelan,loona sinaan hogaanka,noqdaana xisbiyada mucaaridku kuwo ragg iska leeyihiin lagana bedeli karin,adeeg sadaana hab qoys.Tusaale kale aan soo qaadano,waxaynu ogayn doorashadii dhowayd ee madaxtooyada inay muddo dhaaftay lana kordhiyay,doorashada soo socota ee G/wakiilada iyo G/degaanka iyana dib loo riixay.Waxaynu ogayn murankii ka dhex dhashay xisbiyada qaranka,waxaanay soo jeediyeen xisbiyada mucaaridkii in dib loo dhigo doorashada,toodii ayay noqotay oo waa tii dib loogu riixay inay qabsoonto Sept 2017,labadii gole ee wakiilada iyo degaan kana dib loogu dhigay March 2019.Waxa marag ma doon ah xisbiyada mucaaridku inay sabab u ahaa yeen labada korodhsiimo.Maantana xisbiyada mucaaridka ayaa dabar baal  marsan shuruucda dalka ku xidhaaya doorashadu inay waqtigeeda ku qabsoonto.Waxaanay diidan yihiin in xeerka doorashada lagu dhaqmo oo la fuliyo shuruucdu waxay inna farayso.Taa bedel keeda,xisbiyada mucaaridku sida caadada u noqotay inay xeerar kooda gaarka u ah ka talaab sadaan waxay qabatimeen ku tagri falka awoodeed.Taasina waa ta keentay xisbiyadu mucaaridku inay shuruucda doorashada laalaan,cuskadaana wada tashi ha lagu saleeyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo fool leh.Ka darane intay haykal kii dawladnimo ka leex deen ayaa bay ku dhawaaqeen shirweyne qaran in la qabto,hada garoo iyagaa hor taagan doorashada oo leh taayada oo la qaato mooyee doorasho qabsoomi mayso hadana xukuumada kulmiye ayay ku eeday nayaan.Waxa la yidhi (Sakaaro saalo muuqata ayay aas-aastaa).Waxa kale oo ay iska indha tirayaan xaq ay boqolaal muwaadiniyiin u leeyihiin inay golayaasha u tartamaan!,umana haystaan inay dulmi ka gelayaan musharaxiintaa weliba u badan xisbiyada mucaaridkaa.Waxa la yidhi(Ninna caadadii ma baajo..bahalna caydhin ma daayo).
Akhriste,xisbiyada mucaaridku iyagoo dhex jiifa balli dhoobo ah oo aan xisbiyada dhexdooda kaga dhaqmin xeer iyo shuruucda dalka midnaba,loona sinayn talada iyo hogaaminta xisbiyada mucaaridkaa,weliba indho adkaan tooda shacabka la soo hor taagan ha laga baydho dastuurka iyo shuruucda dalka oo sharci darro iyo wada hadal ha lagu dhameeyo qabashada doorashooyinka.
Akhriste,waxaan ku soo gabo-gabay nayaa xisbiyada mucaaridku waxay noqdeen caana-qub foorarta oo markay wax dareento gantaalaha dhinac walba u saydhisa,waxaana u sabab ah sharci darrada ay dhexdooda kaga dhaqmaan ee markay iyagu isa soo saxaan ayaa shacab kuna wax ka dhegaysan karaa.


Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured