Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Xidiga Ku Suntan Horumarka Dekedda Berbera!! Qore Saki Saleeban Xasan

0
Friday October 26, 2018 - 04:06:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Xidiga Ku Suntan Horumarka Dekedda Berbera!! Qore Saki Saleeban Xasan

    Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Xidiga Ku Suntan Horumarka Dekedda Berbera!! Qore Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi Xidiga Ku Suntan Horumarka Dekedda Berbera!! Qore Saki Saleeban Xasan
Dawlad ama xadaarad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una horumarayso ila heeda dhaqaale, isla markaana ka foggaata aragtiyaha gaaban ee dhadhamada iyo dannaha gaarka ku salaysan. Waxana lagu qiimayn karaa hoggaamiya umadiisa la jecel horumarku sida uu uga faaideeyo illaha dhaqaale ee u ku tiirsan yahay dal ahaan iyo inuu soo jiito xidhiidhada ganacsi ee dalalka uu la deriska yahay. Sidaas daraadeed waxa ila haboonaatay inaan Xukuumada kalsoonida shacabka Somaliland hantida ee Madaxweyne Muuse Biixi ku boggaadiyo waxqabadka iyo horu socodka ay gaadhsiisay Dekedda Berbera.
Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi waxay ku guuleystay hawl qabad aan hore loogu talaabsan, iyadoo Dekedda weyn ee Somaliland leedahay ee Berbera ka fulisay Taarikh hor leh, kaddib keenistii Taaga casriga ah iyo qalabyada kale lagu soo kordhiyey. Sidoo kale, waxa bilaha fooda inaggu soo haya la filayaa in la bilaabo dhismaha Dekedda cusub ee afarta boqol ah.
Madaxweyne kasta oo soo xukumay Dalkan yar ee bila aqoonsiga ah (Somaliland) waxa diiwaanka u gala, waxyaabihii uu dalka usoo kordhiyey iyo siduu u daboolay baahiyaha qaranku leeyahay intay doonta ha leekaatee. Waana taarikh qoran iyo dhaxal wanaagsan oo ay tahay in la xuso si diiwaanka bulshadu u galiso, kuna baraarugsanaato.
Haddaba, waxa ila qumanaatay inaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, oo nasiib u yeeshay, kuna guulaystay Taarikhda markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay iyo mudo dheer ka horba, inay Dekeda Berbera keenan qalab qiimo badan oo casri ah, kaasoo Dekeddu baahi-weyn u qabtay.
Haddaba isbedelka ku yimi Dekedda Berbera mudada kooban ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi jirtay, waxa waxqabadkan ku suntan Maareeyaha dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Dekedda Kala soo dabaashay mar xalad adag, waxanu noqday maareeyuhu ugu taarikhda wanaagsanaa ee soo Mara maamulka Dekedda, kaddib markii Maareeye Siciid noqday shaqsi Dahab ah oo ay heshay Dekedda Berbera iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, maadaama oo muddo kooban Dekedda kaga soo saaray duruufo lama ilaawaan ahaa oo loogu talo galay in lagula dagaalo Horumarka Dekeddu Ku talaabsanayso maalinba maalinta ka dambaysa.
Maareeyaha Dekedda waxqabadkiisu waa mid sida cadceeda ama dayashax u cad, waxanu caanku yahay Ka warqabka xaaladaha shaqaalaha iyo latashiga inta aqoonta iyo khibrada u leh, horumarinta Hayadda Dekedda, iyo inuu ka fekeraayo sidii dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Dekedda Berbera u kordhi lahaa, iyo weliba mustaqbalka inay Dekedda Berberi la tartanto Dekedda aduunka.
W/Q
Aqoonyahan 
Saki Saleeban Xasan
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured