Wiilka Labaad ee u Sodogga u yahay Siilaanyo, Madaxweyne Muuse Biixi na u Magacaabay Hay'adda Dhawrista Tayada, oo Qandaraas lagu Siiyey inuu Dawooyinka keeno Cisbitaalka Berbera Ku Fashilmay iyo Daawo la'aan Bukaanka+ Fadeexado is-daba jooga oo Hadheeyey Hayadda SHIFAAT....

0
Friday October 26, 2018 - 04:03:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilka Labaad ee u Sodogga u yahay Siilaanyo, Madaxweyne Muuse Biixi na u Magacaabay Hay'adda Dhawrista Tayada, oo Qandaraas lagu Siiyey inuu Dawooyinka keeno Cisbitaalka Berbera Ku Fashilmay iyo Daawo la'aan Bukaanka+ Fadeexado is-daba jooga oo Hadheeyey Hayadda SHIFAAT....

    Wiilka Labaad ee u Sodogga u yahay Siilaanyo, Madaxweyne Muuse Biixi na u Magacaabay Hay'adda Dhawrista Tayada, oo Qandaraas lagu Siiyey inuu Dawooyinka keeno Cisbitaalka Berbera Ku Fashilmay iyo Daawo la'aan Bukaanka+ Fadeexado is-daba joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiilka Labaad ee u Sodogga u yahay Siilaanyo, Madaxweyne Muuse Biixi na u Magacaabay Hay'adda Dhawrista Tayada, oo Qandaraas lagu Siiyey inuu Dawooyinka keeno Cisbitaalka Berbera Ku Fashilmay iyo Daawo la'aan Bukaanka+ Fadeexado is-daba jooga oo Hadheeyey Hayadda SHIFAAT....
Berbera(Xogreebnews)-Wiilka labaad ee u Sodogga u yahay Madaxweynihii hore Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ee u Madaxweyne Muuse Biixi-na Gudoomiyaha uga dhigay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa la-la xidhiidhiyey inuu Lacag ka badan laba Milyan ku lunsaday horumarinta Caafimaadka Gobolka Saaxil.
Lacagtan, ayaa sida la sheegay waxa caafimaadka gobolka ugu deeqday Shirkadda Dp World, hase-yeeshee, waxan ilaayo hadda la garanayn meeshu maray dhaqaalahaasi.  Waxanay xogo iyo warar laga helay sheegayaan inuu Cisbitaalka weyn ee Magaalada Berbera uu qarka u saaran-yahay inuu xidhmo, kaddib Daawo laan soo foodsaartay iyo sidoo kale mushahar la'aan sadaxdii bilood ee u dambeeyey ku habsatay hawlwadeenada caafimaadka gobolka Saaxil.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf kamuu dhex muuqan jirin Xukuumadda Sodoggii Axmed Siilaanyo, oo Xil muuqda kamuu soo qaban balse waxa uu aasaasay isla wakhtigii uu Madaxtooyadda la xididay oo ku beegnayd horaantii Mudo xileedka Madaxweyne Siilaanyo Hay’ad illaa hadda shaqaysa oo lagu magacaabo SHIFAAT oo arimaha caafimaadka ka shaqaysa,taasi oo ay si gaar ah Madaxtooyaddii hore ugu naas-nuujin jirtay, isagoo shaadh dawladeed Mashaariicda kaga qaadan jiray Hay’addaha Caalamiga ah ee Xafiisyadda ku leh Magaalada Hargeysa islamarkaana Somaliland ka caawiya Dhinaca caafimaadka.
Muuse Xasan Xaaji Yuusuf ayaa waxa ay Xukuumaddii hore si gaar ah ugu wareejisay Maamulista Cisbitaalka weyn ee ay Dawladu ku lahayd Magaalada Ceerigaabo iyadoo ay illaa hadda Hay’addiisu maamusho waxa kale oo ay Xukuumaddaasi Hore ku wareejisay Cisbitaalka weyn ee Dawlada ee Magaalada Laascaanood ee Caasimada Gobolka Sool,isagoo sidoo kalena Qandaraas gaar ah ay Xukuumaddii hore ugu xidhay daawooyinka dawladu u baahato ee dalka Dibadiisa laga soo waarido. Shacabka Reer Ceerigaabo iyo reer Laascaanood ayaa si weyn uga qayliyay wakhtigaasi markii ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Cisbitaaladaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured