Xuska 27-aad Saxaafada Somaliland: Sanad Jidka Loo Xaadhayo Sidii Loo Cabudhin Lahaa Madaxbanaanida Saxaafada!

0
Wednesday October 24, 2018 - 00:30:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 27-aad Saxaafada Somaliland: Sanad Jidka Loo Xaadhayo Sidii Loo Cabudhin Lahaa Madaxbanaanida Saxaafada!

    Xuska 27-aad Saxaafada Somaliland: Sanad Jidka Loo Xaadhayo Sidii Loo Cabudhin Lahaa Madaxbanaanida Saxaafada!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuska 27-aad Saxaafada Somaliland: Sanad Jidka Loo Xaadhayo Sidii Loo Cabudhin Lahaa Madaxbanaanida Saxaafada!

Hargeysa,(Xogreebnews) - Tan iyo xiligii Jamhuuriyada Somaliland ay ka hanaqaaday warbaahin Madaxbanaan iyo saxaafad waajibaadkeeda u gudata si xor ah ayaa laga joogaa 27 sanadood oo la xusi doono dhawaan.

Saxaafada Somaliland waxay marxalado iyo duruufo adag oo kala gadisan ay usoo martay sidii aan loo waxyeelayn lahayn madaxbanaanidaasi oo dastuurka Somaliland iyo xeerka saxaafada dalku uu damaanad qaaday, walow xukuumadihii dalka soo maray ay kala kulmayeen xadgudubyo iyo gaboodfalo lidi ku ah xoriyatul qawlka.

Sanadkan 2018-ka oo dhawaan ay saxaafada Somaliland ay u dabaal degi dooaan Maalinta Saxaafada Somaliland markii ugu horaysay ee xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay talada dalka hayso,

ayaa waxa jira walaac farabadan oo ku saabsan faragalin lagu sameeyo Madaxbanaanida iyo in faaf-reeb farabadan ay xukuumada Muuse Biixi la maagan tahay, gaar ahaana sidii wax looga badali lahaa Xeerka dhaqangalka ah ee Saxaafada Somaliland 27/2004.

Horaantii bishan October ayay ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdirahman Cabdullahi Faarax ‘Guri-Barwaaqo’ uu soo saaray degreeto uu digniino ugu jeedinayey Saxaafada, iyo talaabooyin lagu yaraynayo waxa ay ka warbixin karto saxaafadu iyo waxa aanay ka warbixin karin.

Degreetada Mr Guri-barwaaqo ayaa loo qaadan karaa inay tahay fariin uu saxaafada u dirayo oo uu wadada ugu xaadhayo qorshaha xukuumadiisu ay ku faaf-reebayso warbaahinta.

Hase ahaatee may jirin cid digreetadaasi ka falcelisay, balse waxa intaasi kaba sii daran ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo isagu dhawaan isla bishan October shir uu u qabtay saxaafada uu qayb kaga noqday qorshaha qoolka qoorta loogu xidhayo Saxaafada iyo sidii loo wiiqi lahaa madaxbanaanida warbaahinta Somaliland ee jidka dheer loo soo maray, loona hor istaagi lahaa saxafiyiinta duruufaha iyo dayaca haysta intay iska iloobeen dalkooda habeen iyo maalin ugu tabinaya wararka iyo warbixinada si war loo helo.

Warbaahinta Somaliland iyagoo waxbadan tudhaya ma sameeyaan warbixino baadhid ah oo lagu dabagalayo xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee xaaladaha amaan daro iyo kala taga bulshadii midaysnayd ay dalawga ka sii dhacayaan, wax ka qabashada arimahaasina ay kaga mashquushay sidii wax looga badali lahaa xeerka Saxaafada Somaliland.

Waxa xusid mudan in Wargeyska Foore uu xiligan dhibane u yahay Xukuumada Muuse Biixi, gaar ahaana Bileyska oo uu cagajulayn iyo cabudhin joogto ah ku haya Masuuliyiinta Wargeyska Foore.

Hadaba saxaafada Somaliland oo xiligan xukuumada Madaxweyne Muuuse Biixi ku jirta wakhtigii ugu adkaa ee soo mara madaxbanaanideeda taariikhda 27-ka sanadood ah ayaa dhawaan Saxaafada Somaliland ay Sanadkan 2018 u Dabaal Degi Doonaan, Xili Jalaafooyin Badan Ay U Maleegayaan Gudoomiyaha SOLJA, Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo Iyo Madaxweyne Biixi Cabdi.?





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured