Mucaaridada Dhadhamo-doonka ah ee Faysal Cali Waraabe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Eryanaayo Iyo Kumanaan Dolar ah oo u Qoray Ex Wasiir Maxamuud Xaashi oo Bank Dhexe ka Joojiyey

0
Monday October 22, 2018 - 03:32:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridada Dhadhamo-doonka ah ee Faysal Cali Waraabe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Eryanaayo Iyo Kumanaan Dolar ah oo u Qoray Ex Wasiir Maxamuud Xaashi oo Bank Dhexe ka Joojiyey

    Mucaaridada Dhadhamo-doonka ah ee Faysal Cali Waraabe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Eryanaayo Iyo Kumanaan Dolar ah oo u Qoray Ex Wasiir Maxamuud Xaashi oo Bank Dhexe ka Joojiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucaaridada Dhadhamo-doonka ah ee Faysal Cali Waraabe Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Eryanaayo Iyo Kumanaan Dolar ah oo u Qoray Ex Wasiir Maxamuud Xaashi oo Bank Dhexe ka Joojiyey
Hargeysa(Xogreebnews)- Bilihii Jun iyo July ee sannaadkan 2018-ka ayaa uu Madaxweyne Muuse Biixi isbedel ku sameeyey Maamulka hore Banka dhexe Somaliland. Waxanay taasi keentay in maamulka cusub ee Baniggu sameeyo dardar iyo hanaan shaqo oo cusub, isla markaana waxa uu dib u eegis ku sameeyey Lacaga-yow tiro badan oo bixi jiray qasnada Banka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland, waxanu joojiyey kharashaad sharci daro ahaa oo siffooyin khaldan Ashkhaas Kala duwani uga qaadan jireen bil-walba.
Shaqsiyaadka laga joojiyey Lacagaha xaaraanta ah ee ay siffaha khaldan u qaadan jireen, waxa Kamid ah Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo mudo ku siman laba sanaadood laba lacagayow ka qaadan-jiray baanka dhexe. Kuwasoo Kala ahaa mid sharciya iyo mid sharci darro ah. Labadan lacagayow ayaa Kala ahaa Lacagta uu Xisbinimo Gudoomiyaha Ucid uga qaato dawlada oo ah mid Dastuuriyana oo dhan $13000, oo Dolar. Iyo sidoo kale, Lacag xaaraan ah oo u qoray Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi 2016-kii waqtigii uu Jamaal Cali Xuseen Xisbiga laga qaadayey oo iyanna cadaadkeedu yahay $8000, oo Dolar. Waxanay maamulka Banku joojiyeen Lacagta 8000, ee Dolar ah, oo ahayd mid xatooyo ah.
Ilo wareedyo rasmiya, oo la helay ayaa sheegay in Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe dhowr jeer Madaxweynaha uga ashkatooday Maamulka Banka dhexe, hase-yeeshee Madaxweynuhuu uu ka muquurtay inuu amarku bixiyo Lacagtaa siffaha khaldan Faysal Cali Waraabe bil walba ugala baxo qasnada qaranka. 
Waxanu arrinkaas uu Faysal Cali Waraabe kaga fal celiyey inuu labadii bilood ee u dambeeyey Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi kula kaco mucaaridad xoogan, waxanu si isdaba jooga Xukuumada ugu ekeeysiiyey weeraro xaga afka ah oo aan lahayn tudhaale wadaniyadeed, isagoo xulufo u noqday Xisbiga uu guuldarada dhaxalsiiyey ee Waddani. Walow uu Gudoomiye Faysal yahay shaqsi aan mabda ku mucaaradin Xukuumada, hase-yeeshee mucaaridadiisu ay tahay mid hadba sida Xukuumada jirtaa Jeebka Lacag ugu shubto, ayaa la filayaa hadii Lacagtaa dib loo siiyo inuu beri ka maalin dhabarka qaniini doono Xisbiga Aqlabiyada shacab leh ee Mucaaridka ah ee Waddani.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured