Godkuu Daggay Cabdi, Garanwaa Coomay. W/Q Hassan Garnayl

0
Saturday October 20, 2018 - 03:46:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godkuu Daggay Cabdi, Garanwaa Coomay. W/Q Hassan Garnayl

    Godkuu Daggay Cabdi, Garanwaa Coomay. W/Q Hassan Garnayl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Godkuu Daggay Cabdi, Garanwaa Coomay. W/Q Hassan Garnayl
Marka laga taggo arrimaha si shakhsi ah u dhex maray Madaxweyne Muuse Biixi iyo
Prof Cabdi Cali, maqaaladii profku waxay gudbinayeen laba aragtiyood oo aan ula kala magac baxay " Is-addoonsiga Siyaasadda & Maskax Ku Qufulnaanta Qabiilka " profku waxay doodiisu daarnayd in aanu la shaqayn karayn cid walba oo aaminsan habdhaqankaas.  Maqaalka Qoraa Cali Coomay isna wuxuu ka hadlaayey aragtida hore ee aan u la baxay " Is addoonsiga siyaasadda ", Cali wuxuu sheegay in la samro oo la dulqaato. Profku laftiisu jawaabtiisa wuxuu ku qiray in la samro oo la dulqaato laakiin waxay ku kale taggeen shayga, wacyiga iyo qofka loo dul-qaadanaaya kuu yahay ? Prof Cabdi shuruud buu ku xidhay, Qoraa Coomay se kuma xidhin.


• Is Addoonsiga Siyaasadda:  

Madaxweynahu wuxuu Madaxweyne ku yahay sharci, intuu sharcigaas ku shaqaynaayo ayuun buu Madaxweyne yahay. masuulka kasta oo ka hooseeyana sharci ayuu ku magacaaban yahay, Madaxweynaha waxaa awood loo siiyey innuu cid booskaa u qalanta ka soo xulo ummadda, hadda ma aha mid isaga si shakhsi ah u raaligalinaaya; innuu hawshaa qaran ka soo bixi karaayo, ayey shuruudo tahay.

Wadda shaqayntoodu waa mid sharci iyo habraac leh, ma aha innuu Madaxweyne wax walba oo niyaddiisa ku soo dhaco ku amro dadka la shaqaynaaya siddii ay ugu shaqeeyaan bakhaar uu gaar u leeyahay. Gabadha xafiiska u xaadha iyo madaxweynahu ba, waa laba shaqaale oo ummadda u shaqeeya, mid ba shaqo ayeynu u dirsanay, innagaa mushaharka siina, isuma shaqeeyaan, mushahar na isma siiyaan, labaduba ummadda ayey u addeeggaan, laakiin wey kala sareeyaan oo hishiiska bulashadeena ( dastuurka ) ayaa kala saraysiiyey.

Siyaasadda madaxweynaha ee ay kula shaqaynayso xukumaddiisu, waa in ay ku qotantaa barnaamijkii xisbigooda, ma aha innuu Madaxweynaha aragti cusub jeebka dambe kala soo baxo. Saaxiib, yeyna ku hoos marin; innagu kaliya laba qof oo iska luggaynaaya maynaan dooran ee waxaynu dooranay xisbi iyo buuggii wax-qabadkiisa, wixii buugga ka qornaa ee ay balan-qaadeen fulintiisa ayeynu ku dooraney labada musharax ( xasuuso waraaqadii cod-bixinta doorashada waxaa ku yaallay astaanta seddaxda xisbi ee kumuu oollin magac ama sawir qof gaar ah ) haddii Madaxweynahu ku shaqayn waayo aragtidii xisbigiisa ee isaga lagu doortay waa  khiyaamo sidoo kale na wuu ka baxay xayndaabkii xisbiga mar haddii uu ka hor yimi aragtidii xisbiga lagu doortay.

Aan biyo dhacee, nuxurka dooda Coomay waxay ahyd: in loo shaqaynaayo qof gooniya sidda Madaxweyne X oo kale, in isaga la raali galiyo, loo samro xataa hadduu shaah kugu daadiyo, loo ciyaaro, wax walba na laga yeello ( yes man ). Coomay wuxuu aaminsanyahay in habkaas ku dhisan raali galinta ashkhaastu iyo is gamaarinta marka shaah lagagu daadiyo in darajo lagu gaadho. Laakiin prof CC wuxuu aaminsan yahay in loo samro, loo tabco oo loo dhinto aragti aad aaminsan tahay. Coomay wuxuu aragtidiisa ku soo koobay in xil sare uun la gaadho bi'ayi shuruud laakiin Prof ku, xil qabashada wuxuu ka horaysiiyey aragtida lagu shaqaynaayo nooca ay tahay. 

Tusaale ahaan haddii hammiga ugu sareeya ee Cabdi iyo Coomay uu yahay; in maamule looga dhigo goob lagu cibaadaysto, Coomay ma kala jecel in goobtaasi tahay tu ay ku cibaadaystaan dad islaami ah, Hindus ah, Christian ah ama Buudis ah. Isagu kaliya wuxuu rabaa in maamule uun looga dhigo goob lagu cibaadaysto laakiin Cabdi wuxuu rabaa in kaliya maamule looga dhigo goob ay ku cibaadaystaan dad ay isku diin yahiin. Kuwaa ay isku Diinta yahiin dhibaato walba oo kaga timaada wuu u samrayaa una dul-qaadanayaa laakiin haddii ay kala Diin yahiin farahuu ka qaadayaa, waayo profku caashaqiisa maamule jacaylka ah,  shuruud baa ku xidhnayd.

Maqaalka Coomay oo ay cadho badani ka muuqatay waxay dadka badankiisu u fahmaan inay baroortu Orgiga ka weyn tahay, oo uu Coomay adeerkii prof Cabdi Cali ku canaanaayo, oo aad Madaxweynaha ugu hor imanaysaa. Miyaad iska aamustid ama taageertid, oo u difaacdid sida Adeero Maxamed Xaashi, Boobe Yuusuf Ducaale,  Cali Guray, Yuusuf C Gaboobe iyo siyaasiyiinta kale oo dhammaantood isku xil qaamay difaaca Madaxweynaheena qaaliga ah Muddane Muuse Biixi Cabdi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured