Maareeyaha wadooyinka iyo Mukulaasha madow ee Madaxtooyada Joogta! Madaxweyne waxaanu kusoo jeedinaynaa inaad wax ka qabato Dulinkan Hoostaada ka Dilaacay...?. W/Q Faysal Cali Kayse.

0
Friday October 19, 2018 - 18:21:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha wadooyinka iyo Mukulaasha madow ee Madaxtooyada Joogta! Madaxweyne waxaanu kusoo jeedinaynaa inaad wax ka qabato Dulinkan Hoostaada ka Dilaacay...?. W/Q Faysal Cali Kayse.

    Maareeyaha wadooyinka iyo Mukulaasha madow ee Madaxtooyada Joogta! Madaxweyne waxaanu kusoo jeedinaynaa inaad wax ka qabato Dulinkan Hoostaada ka Dilaacay...?. W/Q Faysal Cali Kayse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha wadooyinka iyo Mukulaasha madow ee Madaxtooyada Joogta! Madaxweyne waxaanu kusoo jeedinaynaa inaad wax ka qabato Dulinkan Hoostaada ka Dilaacay...?. W/Q Faysal Cali Kayse.
Dhaaxaan jalaadee , dheg baan jalaq la  ii siine, Waxaa tan iyo waqti ay dawlada Muuse biixi hogaanka qabatay la kowsadaycabashooyin iyo dhawaaqyo isasoo taraaya     oo sheegaaya in Camadh iyo hadhka yaac cusubi ka dilaacay Madaxtooyadii kuna hareeraysan yihiin madaxweynihii dalka ka talinaayey, arrintaasoo sababtay markii mudan tii dalku meel ay maraan waayeen, dhex qaadina kari waayeen dadkan yaryar ee dhexda ku martay xaydaabkii talada loo maraayey inay dib uga fadhiisteen oo uu nin waliba ka dhursugay bal in ay tahay sidani wax muuse ka soo fulaaya iyo inuu madaxweynaha laftiisa lagu hareeraysan yahay oo gurmad u baahan yahay, marka agtiisa ka waayo taloqabeenkii bal inuu tabo aan sugno , waxa aad looga dheregsan yahay in xitaa maanta in wasiiradii xilka hayey ay meel ay u maraan waayeen madaxweynihii, iska daa qof shiciba , waxa aan shaki ku jirin in qofka la magacaabayo , iyo qandaraas qaadanayaaba noqdeen kuwo ay hoosta kaga lamaan yihiin mukulaal madawga madaxtooyada ka jirtaa , dad badan oo xeel dheereyaal ah baa qaba in markii muuse xilka lagu wareejiyey , waxaa kaloo madaxtooyada ka dhacday xil wareejin kale oo gusharkii hore meesha u haystay ay xilkii ku wareejiyeen mukulal madaw cusub , arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa soo if baxaaya khilaafkasta oo wasaaradaha ka jirtaa inay salka ku hayaa dheef raadiska ay wadaan kooxdan looga waashay madaxtooyadii, iyadoo aanay ahaynba wax qarsoon oo ay xaaladoodu tahay daahir yaa shamis haddana waxan tusaale u soo qaadan karnaa bedelaada uu sameeyey maareeyaha wadooyinku oo dhamaan qaar uu dabada ka riixaayo kaaba laadarka aan gabashada aqoon cid walba ka saydaray madaxtooyada.
Haddaba haddii xaalkeenu noqday marka koox laga baxoba in koox kale loo galayo miyaynaan  xaaalkeenu noqonayn facaayilka xunxun ee iminka inoo muuqda ee iskaba daa dalka intiisii kale ay marayso xaafado hargaysa ka mid ahi salaadii ka gosteen maamulkii magaalada hargaysa, oo wadajirkii hargaysi qiir qiir ku jiro.
Haddaba Madaxweyne waxaanu kuu soo jeedinaynaa inaad wax ka qabato dulinkan hoostaada ka dilaacay ee jaah wareerka geliyey maamulkaagii iyo kalsoonidii lagugu qabayba haddii kale waxaad arki madaxtooyadoo kal safan.
W/Q 
Faysal Cali Kayse.
Faysalkc008@gmail.com
London Uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured