"Ku Dhawaad Kun Macalin Ayaa Fursadan Ka Helaya Shaqaalayn Halka Si Buuxda Loo Soo Ogaan Doono Baahida Dhabta Ee Dugsiyada Dalka" Md Sharmarke Geelle

0
Wednesday October 17, 2018 - 04:05:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ku Dhawaad Kun Macalin Ayaa Fursadan Ka Helaya Shaqaalayn Halka Si Buuxda Loo Soo Ogaan Doono Baahida Dhabta Ee Dugsiyada Dalka" Md Sharmarke Geelle

    "Ku Dhawaad Kun Macalin Ayaa Fursadan Ka Helaya Shaqaalayn Halka Si Buuxda Loo Soo Ogaan Doono Baahida Dhabta Ee Dugsiyada Dalka" Md Sharmarke Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ku Dhawaad Kun Macalin Ayaa Fursadan Ka Helaya Shaqaalayn Halka Si Buuxda Loo Soo Ogaan Doono Baahida Dhabta Ee Dugsiyada Dalka" Md Sharmarke Geelle

Hay’adda shaqaalaha Dawladda ee Somaliland iyo wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayneyska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kormeer xog ururin oo ay si wada jira uga soo fuliyeen Macalimiinta Dugsiyadda dawliga ee dalka ka hawlgala oo xaaladooda mushahaar iyo shaqaalenimo ay ku sugan yihiin la baadhayey, ayaa si buuxda hay’adda shaqaaluhu u soo xaqiijisay in la soo ogaaday 954 ka mida macalimiin dugsiyadda dawliga ee dalka ka hawlgali jiray balse aan wax mushaar, guno ama dheef kale qarankooda ka qaadan jirin, kuwaasi oo fursad loo siiyey inay ku biiraan shaqaalaha dawladda rasmiga ah ee hada ka dib gelay Liiska shaqaalenimo iyo mushahaar qaadashada qaranka Somaliland.

 

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey Kormeerka Xogta shaqaalenimo iyo duruufaha ay ku sugan yihiin ay hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda waxbarashadu ku soo sugeen macalimiinta goboladda iyo deegaanadda Somaliland ku kala sugan ee dugsiyada dawliga ah ka hawli jiray hadana ka hawlgala, waxaanu hoosta ka xariiqay inay kala hufeen tirade, tayada iyo baahiyaha rasmiga ee macalimiinta dugsiyadda dawliga ee dalka ka hawlgala fursad muhiim ahna heleen macalimiintii dulmanayaasha ahaa ee aan Miisaaniyadda iyo shaqaalenimada dawladda hore ugu jirin balse qaranka sannado badan bilaa mushahar ugu soo shaqeeyey oo si rasmi ah loo shaqaalaysiiyey.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo faahfaahin iyo xog waran ka bixinaya kormeerka ay wasaaradda waxbarashadu kala soo fulisay macalimiinta dugsiyada dalka ka hawlgala iyo wixii ay ku soo ogaadeen waxa u qoraalkiisa ku yidhi.

-Todobaadkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku gudo jiray kormeerka iyo  kuur-galka xaalada dugsiyada iyo bareyaasha dalka 

-           Kormeerkan ayaa lagu soo ogaanayaa  inta macalin ee dheef la’aan qaranka ugu adeegayey sanadahii  badnaa ee la soo dhaafay  iyaga oo fursadan dahabiga ah ku helay  shaqaalayn buuxda kadib markii  la hubiyey  kartidooda iyo heerkooda aqooneed

-           Fursadan Shaqaalaynta ah oo lagu shaqaalaynayo in ku dhaw kun macalin "954” oo aan horay ugu jirin diiwaanka mushahar bixinta ayaa u socota si habsami leh.

-           Dhanka kale, Wasaaradda Waxbarashada ayaa dhankooda si waafi ah u samaynaysa xog-ururin buuxda oo ku aadan;  xaalada dugsiyada, xirfada baraha , adeegyada ka maqan dugsiyada, baahiyaha aasaasiga ah  ee baraha  iyo guud ahaanba inta baylah ama barkhad ay qabaan barayaasha iyo goobaha waxbarasho ee dalku.

-           Intii kulankan lagu gudo jiray waxa la marayey dhamaan-ba gobolada iyo goobaha waxbarashada ee dalka iyada oo maalmaha soo socdana ay sii socon doonto shaqadan baaxada balaadhan.



-           Tallaabadan ayaa dalka u horseedi doonta in lasoo ogaado guud ahaan inta macalin ee dalka dheef la’aan ugu adeega iyada oo dhanka kalena Wasaaradda Waxbarashadu si dhab u heli doonto dhinacyada goob walba oo waxbarasho u baahan tahay in laga tiiriyo.

Shaandhayn, shaqaalayn iyo sharfida bareyaal mudo badan codkooga la maqli waayey waa shaqada mudooyinkii u dambeeyey dalku ku gudo jiro. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured