Khilaafka Ragaadiyey Hay'adihii Dawlada iyo Dhabar taabashooyinka Qarsoon. W/Q Farxan Cali Ismacil.

0
Monday October 15, 2018 - 17:12:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Ragaadiyey Hay'adihii Dawlada iyo Dhabar taabashooyinka Qarsoon. W/Q Farxan Cali Ismacil.

    Khilaafka Ragaadiyey Hay'adihii Dawlada iyo Dhabar taabashooyinka Qarsoon. W/Q Farxan Cali Ismacil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Ragaadiyey Hay'adihii Dawlada iyo Dhabar taabashooyinka Qarsoon. W/Q Farxan Cali Ismacil.
Dawladnimadu sidaadaba waa silsilad iyo jaranjaro maamul oo sida qofka bani aadamka ah xubnaha jidhkiisu u wada shaqeeyeen, una kala amar qaataan , mid walibana shaqada qayb ka mid ah u fulinaayo  oo kale ah 
haddii laba walba inta meel laysugu xereeyo mid mar dhabarka la taabto la yiraahdo wada shaqeeya , markay is qabtana la kala jihayn waayo, waxaa ku dhex baaba' adeegii maxsuulkii ay bulshadu ka sugaysay, 
Maanta waxaa inoo muuqata khilaafaad aad u farabadan oo hay'ad kasta oo dawlada ah hadheeyey,  qaar soo shaac baxay iyo kuwo badan oo hursan mana jirto wasaarad iyo hay ad ka fayow maanta arrintaas , waxaan tusaale inoogu filan gudoomiyaha banka , iyo agaasimaha guud , wasaarada caafimaadka iyo agaaaimaha guud , wasarada gaadiidka iyo wadooyinka, beeraha  iyo aafooyinka dabiiciga ah ,  waxaa kale oo iyana jira inay wasaarad walba iyo hay ad kastaa la ciirciirayso  khilaafaad iyo kala jihayn la, aan sida ay ilo xogogaal ahi tibaaxayaan halkii laysla tegaayey mid walba sidiisa ayey kitaab qumane ah qoorta ugu gelinaysaa, taasina waa ayaandaro weyn , dawladuhu lacag ma kala dhaxlaan ee waxay kala dhaxlaan maamul iyo nidaam 
27 ka sano ee aynu kasoo gudubnay waxay ka haynaa waxaa weeyaan maamul qofba in ku sii darayey.
Haddaba waxaa haboon inaanu madaxweynuhu odhan laba walba halkaa isugu baxoo , soo kala adkaadee sidii xero geesha eh , waa inuu nidaamka ku dabakhaa oo ku kala jiheeyaa sida sharcigu yahay masuuliyiinta maamulka gacanta ku haya , dad badan ayey guul ugu muuqataa markuu maamulka hayo in lays haysto oo midba mid ka soo horjeedo  oo la kala laalaado uun , iyagoo ujeedadoodu tahay yaan laguu heshiin, waxan leeyahay taasi waa waxba la, aan , nidaamkuna  isagaa leh inuu is kaantrolo , iyo inuu is ilaaliyoba,  waxaana haboon in qof waliba masuuliyadiisa sharci qaato oo laga gudbo wadwadaynta shaqada qaribta. Wa bilaahi tawfiiq.
W/Q
Farxan Cali Ismacil.
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured