Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Xilliguu Imanayo Qalabka lagu Dhismayo Dekedda Berbera. "...Dadkuu in badanbay iswaydiinayaan goormaa la bilaabayaa Dekedda?. Maalintii heshiisku dhacay ayey bilaabantay". Maareeyaha Dekedaha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

0
Sunday October 14, 2018 - 18:23:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Xilliguu Imanayo Qalabka lagu Dhismayo Dekedda Berbera. "...Dadkuu in badanbay iswaydiinayaan goormaa la bilaabayaa Dekedda?. Maalintii heshiisku dhacay ayey bilaabantay". Maareeyaha Dekedaha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

    Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Xilliguu Imanayo Qalabka lagu Dhismayo Dekedda Berbera. "...Dadkuu in badanbay iswaydiinayaan goormaa la bilaabayaa Dekedda?. Maalintii heshiisku dhacay ayey bilaabantay". Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Xilliguu Imanayo Qalabka lagu Dhismayo Dekedda Berbera. "...Dadkuu in badanbay iswaydiinayaan goormaa la bilaabayaa Dekedda?. Maalintii heshiisku dhacay ayey bilaabantay". Maareeyaha Dekedaha Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Berbera(Xogreebnews)-Guddida joogtada ah ee Wakiilada Somaliland, ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Dekedda Berbera, waxanay halkaa kulan iyo is xogwaraysi kula yeesheen Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo uga warbixiyey shaqada Dekedda Berbera. Maareeyaha Dekeda Berbera,  ayaa kulan kaddib Saxaafada uga warbixiyey xilliga la filayo in Dekeddu bilaabanto. Isagoo maareeyuhuu ka hadlayey arrimahaas waxa uu yidhi.
"... Aad iyo Aadbaan usoo dhoweynayaa, Xildhibanada golaha Wakiilada, Guddida joogta ah oo Maanta nagu soo booqday Dekedda Berbera, waxayna nala yeesheen xog-waraysi.
Sharaf dheerada ayey ii tahay in la isla xisaabtamo oo la isku daba-galo Nin walba xilka uu hayo, waa sunnaha dawladnimo. Guud ahaanba shaqada Dekeddu waa sidii aan idinka waramay shaqadeedu waa boqolkiiba, boqol. 11-keedii waynagii dhagax-dhignay, waxana la filayaa in la helo xilligii ay bilaabmayso, mudaday qaadanaaysaa waynagii hore u sheegnay oo waa 24-bilood.
Maalintii Saxeexa la bilaabay ayaa kow u ah, dhismaha Dekedda Berbera Insha Alla. 
Dadkuu in badanbay iswaydiinayaan goormaa la bilaabayaa, Maalintaa heshiisku dhacay ayey bilaabantay. Waxana filaynaa in agabkii Shirkadda dhismaha Dekedda Berbera ku guulaystay lasoo raaro sadex todobaad ilaa lix todobaad insha Allah. Waanu ku daba-galaynaa dhowaana waxa iimanaya wafti, waxanaanu u diyaarinaynaa meeshii ay degi lahaayeen, iyagga iyo qalabkoodu".
Ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured