Madashii Dhagax Dhiga Dekeda Berbera: Wufuudii Caalamka Ka Socotay Iyo Weedhihii Wan-qasha Dekedda Cusub

0
Wednesday October 10, 2018 - 19:09:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madashii Dhagax Dhiga Dekeda Berbera: Wufuudii Caalamka Ka Socotay Iyo Weedhihii Wan-qasha Dekedda Cusub

    "Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Saaxil Waa Inay Soo Dhaweeyaan Cid Kasta Oo Maalgashanaysa Iyadoo Ah Xuduntii Dhaqaalaha Qaranka Somaliland" Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici. "Maanta Waa Maalin Farxadeed, Waxanan Id

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Saaxil Waa Inay Soo Dhaweeyaan Cid Kasta Oo Maalgashanaysa Iyadoo Ah Xuduntii Dhaqaalaha Qaranka Somaliland" Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici. "Maanta Waa Maalin Farxadeed, Waxanan Idinka Codsanaya Inaad Ku Ducaysan Dhismaha Dekedda Cusub, Waxanan Ilahay Ka Rajeynayaa Inuu Ka Dhiggo Mid Barwaaqo Iyo Bash-Bash Inoo Horseedo". Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi "Shirkadd Ahaan Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Dhisno Dekeda Cusub Si Aanu U Kordhino Containers-Ka Aadka U Tirada Badan Ee Soo Galaya Dekeda Berbera" Madaxa Mashaariicda DP World, Adnaan Al-Abaari

Berbera, (Xogreebnews) – Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil (Saylici), ayaa ka qaybgalay munaasibad balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu dhagax dhigayey dekeda cusub Berbera, munaasibadan ayaa ka dhacday gudaha dekeda Berbera, sidoo kalena waxa kasoo qaybgalay wufuud iyo Suxufiyiin caalamiya oo uu ugu horeeyey ku xigeenka madaxa mashaariicda ee shirkadda DP World, dalka Itoobiya, Siyaasiyiin, Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, maamulka gobolka iyo degmada Berbera, Salaadiin Cuqaal iyo xildhibaano ka kala socday golayaasha qaranka Somaliland iyo dadweyne ka kala socday Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaana ugu horayn halkaasi hadal ka jeediyey maareeyaha dekeda Magaalada Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo si weyn usoo dhaweeyey dhagax-dhiga 400-miter ee lagu kordhinayo dekeda Berbera, waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaareeyey in si rasmi ah loo bilaabi doono dhismaha cusub ee dekeda Somaliland.

"Dhagax dhiga maanta ee 400m ee dekeda Berbera ee Container Terminal-ka ah ayaa si rasmi ah loo dhisayaasha insha allaahu, waa horumar weyn in badan ayaynu saadaalinaynay, in badan ayay dadku isweydiiyeen oo dadka qaarna ay lahaayeen laba sanadood ayaa dib loo dhigayaa.

Laakiin muhiimada ugu weyn ee aynu maanta halkan isugu nimid ayaa ah in aynu markhaati ka ahaano in dakadii la dhagax dhigay oo la dhisayo.

Waxa kale oo halkan fadhiya oo aan ku soo dhaweynayaa shirkadii dhismaha bilaabaysay oo masuulkii ugu sareeyey uu halkan inala fadhiyo. Runtii muddo dheerbaynu sugaynayn, maantana mashruucani waa horumarkii u horareeyey ee aynu bilownay. Maanta waa Maalin Farxadeed, ee hadii uu hadalki iga kala baydh-baydho raali iga ahaada, waayo? Waxan ahayn masuulkii ugu sareeyey ee dakadda, waxanan idinka Codsanaya inaad ku ducaysan, waxanan ilahay ka rajeynayaa inuu dekedan cusub ka dhiggo mid barwaaqo iyo bash-bash inoo horseedo, waxa kaloo aan halkan mahad-dheerada uga celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo beri insha allah u wan-qali doono dekedda Cusub Hargeysa. Sidoo kale waxan halkan uga mahad-celinayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo inoo dhagax-dhigay Dhismaha dekedda Cusub”. ayuu yidhi Maareeyaha dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi.

Sidoo kale ku xigeenka madaxa mashaariicda shirkadda DP World Adnaan Al Abaari oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirkadd ahaan ay dhisi doonaan dekedan maanta la dhagax dhigayo, waxaanu tilmaamay in tan iyo intii shirkadda DP World ay dekeda Berbera timid ay wax weyn ka badashay, sidoo kalena ay si weyn u taageertay adeegyada ay bulshadu u baahan tahay ee dhinaca biyaha caafimaadka iyo kuwo kale oo badan.

Waxaanu balanqaaday masuulkan ka socday shirkadda DP World in si degdeg ah loo hirgalin doono dhismmaha 400m ee lagu kordhinayo dekeda Berbera.

"Shirkadd ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu dhisno dekeda cusub si aanu u kordhino Containers-ka aadka u tirada badan ee soo galaya dekeda Berbera iyo goobihii la dhigi lahaa.

Waxaanu Somaliland mudoba ka wadashaqaynaynay sidii ay u dhismi lahayd dekedaasi, diyaar ayaanu u nahay deked ahaan inaanu dhisno mashruucaasi maanta la dhagax dhigay.” Ayuu yidhi ku xigeenka madaxa mashaariicda shirkadda DP World Adnaan Al Abaari.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Seylici, wuxuu sheegay in dhismaha waddada Berbera iyo Wajaale ee Berbera Corridor oo dhererkeedu dhan yahay 240 KM ay dawladda Iimaaraadku billaabi doonto dabayaaqada sannadkan.

"Marka hore waxaan Illaahay ugu mahadnaqaynaa Subxaana Watacaalaa inagu kulansiiyey xafladan qiimaha leh, inoona suuragaliyey mid ka mid ah himilooyinkeenii waaweynaa oo ah maalgashi dibadeed oo Somaliland hesho.

Waxa kale oo aanu halkan uga mahadnaqaynaa dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee isku taga Imaaraadka Carabta iyo Shirkadda DP World oo uu inaga dhexeeyo xidhiidhka walaaltinimo ee qotoda dheer eek u soo dhiiraday maalgalinta inaa leeg ee uu helo qaranka Somaliland.

Maanta waa maalin weyn oo runtii leh mudnaanteeda iyo qadarinteeda waa maalintii dadka reer Somaliland ay sugayeen, maantana waxa aynu halkan u joognaa inaynu dhagax dhigno balaadhintii dekeda Berbera wajigii 1aad oo ay dhisayso Shirkadda Shaffa Al-Nahda Company oo maamuleheedii Cabdo Shabakh uu inala joogo, waxa kale oo aynu u mahadnaqaynaa Cadnaan Al-Cabaar oo inagala jooga madaxdii sare ee DP World oo runtii maanta dhul dheer usoo maray oo ilaa xalay soo guuraynayey ayaanu si aad iyo aad ah ugu mahadnaqaynaa waananu soo dhaweynaynaa.

Balaadhinta iyo Casriyeynta dekeda Berberi waxay ahmiyad weyn u leedahay kobcinta dhaqaalaha wadanka iyo Geeska Afrikaba, waxay soo kordhin doontaa insha allaah horumar, shaqo abuur iyo isku xidhka mandaqada Geeska Afrika.

Waxaanu rajaynayaa dhismaha dekeda Berbera, waxaanu rajaynaynaa dhismaha Free Zone-ka, Madaarka cusub iyo waliba Waddada Berbera Corridor inay noqon doonaan bilawga wanaagsan ee maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Sidaa darteed waxaan dardaaran halkan uga jeedinayaa ummadda reer Somaliland, guud ahaan shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan fursadan dahabiga ah, soo dhaweeyaan cid kasta oo dalkan aamintay si ay u maalgashadaan, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil waa inay soo dhaweeyaan cid kasta oo maalgashanaysa iyadoo ah(Dekeda Berbera) xuduntii dhaqaalaha qaranka Somaliland si gaar ah waxaan u leeyahay reer Berbera waa inay soo dhaweeyaan maalgashigan qiimaha leh oo isbadal weyn ku samayn doona guud ahaan qaranka Somaliland.

Sida aynu la socono taariikhda iyo bilawgii heshiiska dekeda Berbera wax kasta oo cusub kolow dadka ama bani’aadamku ku adag isbadalku waxoogaa wuu inoo keenay buuq ah, laakiinse waxa aynu maanta garanaynaa qiimaha ay leedahay maalgashigaasi.

Sidaa darteed waxa uu maanta kani inoo yahay tijaabo hor leh oo soo jiidan doonta dhamaan maalgashadayaasha kala duwan ee caalamka oo si gaar ah u danaynaya mandaqada uu Illaahay ina dhigay ee geeska Afrika.

Gabagabadii waxaan rajaynayaa shacabka Somaliland iyo xukuumadd ahaanba inaynu gacmaha isku qabsano sidii aynu dalka u dhisi lahayn sidii cadowga aynu wadajir uga soo horjeedsan lahayn, sidii aynu dalkan horumarkiisa uga shaqayn lahayn.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured