Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Gudoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar oo si Rasmiya u wada-dhagax dhigay Dhismaha Deked casriya oo lagu kordhiyey Dekedda Berbera. Daawo Sawiirada

0
Wednesday October 10, 2018 - 14:57:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Gudoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar oo si Rasmiya u wada-dhagax dhigay Dhismaha Deked casriya oo lagu kordhiyey Dekedda Berbera. Daawo Sawiirada

    Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Gudoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar oo si Rasmiya u wada-dhagax dhigay Dhismaha Deked casriya oo lagu kordhiyey Dekedda Berbera. Daawo Sawiirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Gudoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar oo si Rasmiya u wada-dhagax dhigay Dhismaha Deked casriya oo lagu kordhiyey Dekedda Berbera. Daawo Sawiirada

Berbera(Xogreebnews)-Mashruuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa maanta munaasabadiisa dhagax dhigga lagu qabtay xarunta dekeadda waxaana munaasibadaas loogu xafladaynaayay dhagax dhiga ka soo qeyb galay Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo wafti kaloo uu hogaaminayo Gudoomiye Kuxigenka shirkada DP World Cadnaan Al Abar iyo sidoo kale warbaahin Calamiya oo lagu casuumay.

 

Waxaa si wadajir ah mashruuca u dhagax dhigay Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadd  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) iyo guddoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar iyo sidoo kale masuul kasocday shirkada dhismaha Dekedan dhiso doonta oo layidhaa Shafa Al Nahda heshiiskan ayay hore u wada saxiixdeen Somaliland iyo DP world, kaasoo wajigiisa hore iminka 400 oo mitir lagu kordhinayo dekedda Berbera, wuxuuna qaadan doonaa dhismuhu muddo laba sano ah sida la sheegay.

Wajiga labaad ayaa isna lagu kordhin doonaa dekedda Berbera 400 oo mitir, waxayna balaadhintu noqon doontaa 800 mitir sida uu dhigayo heshiiskii hore ay uwada galeen Somaliland iyo shirkada Dubai Ports World.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Seylici, wuxuu sheegay in dhismaha waddada Berbera iyo Wajaale ee Berbera Coridor oo dhererkeedu dhan yahay 240 KM ay dawladda Iimaaraadku billaabi doonto dabayaaqada sannadkan.

"Dhismaha waddadan waxay wax weyn ka tari doontaa ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya” ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici

Muddo shan sano ah ayaa la qiyaasayaa in dhismaha waddadaas uu qaato.

Dad badan waxay shaki ka qabeen in dhismaha waddadaas uu bilaaban karo, hase yeeshee aragtida dadku iminka way isa soo beddelaysa, ayagoo rajo wanaag ka muujinaya dhismaha jidkaasi hirgalo.

.

Balaadhinta dekedda Berbera ayaa ku soo beegmaysa ayadoo shirkadda DP World iyo jamhuuriyadda Jabuuti ay dacwad ka dhex socoto, ka dib markii Jabuuti ay laashay heshiiskii ay DP World ay ku maamulaysay marsada Dooraale taasina waa fursad ay Somaliland iyo dekeda Berbera ka faa,iidaysan karto 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured