Mashruucii Somaliland ugu weyna ee Dhismaha Dekedda Berbera oo beri la Dhagax-dhigaayo Iyo Qaban-qaabada Xaflada dhagax-dhiga oo Maareeyaha Dekeddu u Shaxeeyey Hab Maamus Heer Caalamiya...

0
Tuesday October 09, 2018 - 14:30:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruucii Somaliland ugu weyna ee Dhismaha Dekedda Berbera oo beri la Dhagax-dhigaayo Iyo Qaban-qaabada Xaflada dhagax-dhiga oo Maareeyaha Dekeddu u Shaxeeyey Hab Maamus Heer Caalamiya...

    Mashruucii Somaliland ugu weyna ee Dhismaha Dekedda Berbera oo beri la Dhagax-dhigaayo Iyo Qaban-qaabada Xaflada dhagax-dhiga oo Maareeyaha Dekeddu u Shaxeeyey Hab Maamus Heer Caalamiya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruucii Somaliland ugu weyna ee Dhismaha Dekedda Berbera oo beri la Dhagax-dhigaayo Iyo Qaban-qaabada Xaflada dhagax-dhiga oo Maareeyaha Dekeddu u Shaxeeyey Hab Maamus Heer Caalamiya...
Berbera(Xogreebnews)- Iyaddoo ay shacabka reer Somaliland muddo dheer sugayeen dhismaha Dekedda cusub ee Berbera, ayaa hadda waxa Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil si weyn looga dareemaya, qaban-qaabada iyo isku dubba-ridka munaasibada dhagax-dhiga Dhismaha Dekeda casriga ee Berbera oo la bilaabayo, waxana loo asteeyey inay dhacdo Xafladu Arbacada beri, waxana lagu qaban doona gudaha Dekedda Berbera.
Munaasibadaas oo sida wararku sheegeen ah mid heer-sare ah loo qaabeeyey ayaa waxa qaban-qaabadeeda si weyn ugu mashquulsan Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, kaasoo shaxeeyey, goobta Xaflada dhagax-dhiga dhismaha Dekeddu ka dhacayso, oo loo diyaariyey hab ugu maamuska sareeya ee loo yaqaano V. I. P-da
Dhismaha Dekedda cusub, ayaa waxa hirgelin doona Shirkada Gacanta ku haysa maamulka Dekedda Berbera ee Dp World, oo iyaddu dhisi-doonta Deked casriya oo laga garab-yagleelo Dekedda hada jirta oo lagu kordhinaayo Deked kale iyo casriyey si ay ula talaabsato Dekeddaha kale ee ku yaala dalalka Geeska Africa.
Wararku waxay sheegeen inay Wada-jir dhismaha Dekedda cusub ay u wada dhagax-dhigi doonaan Madaxweyne ku-xigeenka Qaranka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiinta ugu saraysa Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, kuwasoo dhagax dhigaya goobta loo asteeyey in laga bilaabo dhismaha dekedan casriga ah.
Sidoo kale, waxay xogguhu intaa ku dareen inay jirto munaasibad kale oo miisaankeedu Wayn yahay oo lagu qaban-doono qasriga Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana si rasmiya loogu saxeexi doono heshiiska fulinta dhismaha Dekedda Berbera. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured