Dufcadii 10aad Oo Ka Kooban 607 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Admas Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey

0
Monday October 08, 2018 - 19:21:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dufcadii 10aad Oo Ka Kooban 607 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Admas Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey

    Dufcadii 10aad Oo Ka Kooban 607 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Admas Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dufcadii 10aad Oo Ka Kooban 607 Arday Oo Ka Qalinjabiyay Jaamacada Admas Iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey

Hargeysa, (Xogreebnews.com) – Dufcadii 10aad oo ka kooban 607 Arday ayaa ka qalinjabiyey jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan Qalinjabinta Dufcada 10aad ee jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Ardayda qalinjabinaysay, waalidiin, maamulka jaamacada Admas, Masuuliyiinta xisbiyada qaranka iyo Martisharaf kale.

Ardaydan ka Qalinjabisay Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa ayaa dhamaystay waxbarashada 11 kulliyadood oo jaamacada Admas ay bixiso oo isugu jira shahaadada heerka koowaad ee (undergraduate) iyo shahaadada labaad ee (Postgraduate) oo kala ah Public health, Accounting, Economics, ICT, Management, Development Studies, Health Sciences (Nursing), Acitechure Urban Planning, Social Work, Rural Development Human Resource Management, Project Planning.

Munaasibada Qalinjabinta ee Jaamacada Admas oo ay hadalo iyo khudbado lagula sii dardaarmayey ardayda dhamaystay waxbarashada ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. Molla Tsegay oo halkaasi ka hadlay ayaa u hambalyeeyey ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in maalintani ay tahay maalin weyn oo ay si weyn u sugayeen.

Dr Molla Tsegay ayaa sidoo kale tilmaamay in jaamacada Admas ay balaadhin xoog leh ay ku samaysay kulliyadaha ay bixiso oo ay ka mid yihiin Waxbarashada loo yaqaano Distance Courses, isla markaana ay dalka Ethiopia ku leedahay Campus-yo aad u farabadan oo ay wax ka dhigtaan kumanaan arday.

Dhinaca kale Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil oo halkaasi khudbad dheer oo dar-daaran, waano iskugu jirta halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu xusay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si cadaalad ah ay ugu adeegi doonto ardayda kasoo baxaysa Jaamacadaha dalka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku inaanay jiri doonin qof waji ku shaqo tagga balse qof walba oo dawladda Somaliland ay shaqaale nimo u qaadanayso uu ku shaqayn doono waxbarashadiisa iyo aqoonta uu leeyahay, waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyneku-xigeenka "Waxaan u hambalyaynayaa ardayda jaamacadda Admas, aad ayaanan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaago farxada, waxaan idiin rajaynayaa aqoonta aad barateen inay noqoto mid aad dadka iyo dalka ku anfacdaan, mid waxtar yeelata, annaguna inshalaahu waxaanu ballan qaadaynaa cadaalad, ma jiri doono qof waji lagu shaqaalaysiiyaa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Ugu danbayna waxa uu madaxweyne ku-xigeenku gudoonsiiyey qaar kamida ardayda maanta qalin-jebisay bilado iyo koobab ay ku mutaysteen dhibcaha wanaaga ay kaga hormareen ardaydii ay wax soo wada baranayeen iyadoo ay dadkii xaflada ka qalinjebiyey soo jiidatay kaalinta koowaad oo ay wada galeen laba hablood oo jaamacada u qaaday koobabkii koowaad iyadoo hore ay u dhici jirtay in hal qof koobka jaamacada qaado.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in wasaaradda waxbarashadu doorkeeda ka qaadan doonto ardayda sanadkani kasoo baxaysa jaamacaadka kala duwan ee dalka isagoo wasiir ku-xigeenku xusay in si cadaalad ah ay u qaybiyeen deeqaha waxbarashada dibadeed ee wasaaradda soo gaadha.

Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi oo ka mid ah Guddida doorashooyinka Qaranka oo halkaasi ka hadashay ayaa si balaadhan ugu hambalyeysay Ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabiyey iyo waalidiintii Aardaydaasi tacabka badan ku bixisay sidii ay maanta halkaasi ay joogaan ay usoo gaadhi lahaayeen.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Mr Axmed Muuse Abyan oo hadal qiimo leh ujeediyey Ardaydaasi ayaa tilmaamay in Tacliintu ay tahay maalgashiga ugu qiimaha badan ee qofku uu maalgashado isla markaana ay ka mid tahay waxyaabaha aan qofka si fudud looga qaadan karin.

Waxaanu ugu baaqay ardaydii qalinjabisay in cilmigii ay barteen ay  shaqo ku abuurtaan, maadaama oo ay wax badan soo kordhin karaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo u diray Ardayda ka qalinjabisay jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa, isagoo halkaasi uga soo jeediyey hadalo dardaarin iyo dhiirigalin ah.

Sidoo kale waxa iyaguna madasha joogay Jamaal Cali Xuseen, Wasiirka Technologyada C/wali Sheekh Cabdilaahi Yuusuf, Gudoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Geelle iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo halkaasi kaga qaybgalay gudoonsiinta shahaadooyinka Ardayda Jaamacada Admas ka qalinjabiyey ee tiradoodu dhamayd 607 Arday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured