Dugsiga European Collage oo Munaasibad Ku Sabootiyey 21 Arday oo Ka Qalin-jebiyey Cilmiga Madaarada iyo Dekedaha, Dhowaana Shaqooyin ka Bilaabaya Dekedda iyo Madaarada dalka, Maamule Cumar Muuse Kaahin oo noqday Aqoonyahankii ugu horeeyey ee dalkiisa keena dugsi aqoontu dadka baray deg-deg loogu shaqo tago...

0
Monday October 08, 2018 - 19:02:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga European Collage oo Munaasibad Ku Sabootiyey 21 Arday oo Ka Qalin-jebiyey Cilmiga Madaarada iyo Dekedaha, Dhowaana Shaqooyin ka Bilaabaya Dekedda iyo Madaarada dalka, Maamule Cumar Muuse Kaahin oo noqday Aqoonyahankii ugu horeeyey ee dalkiisa keena dugsi aqoontu dadka baray deg-deg loogu shaqo tago...

    Dugsiga European Collage oo Munaasibad Ku Sabootiyey 21 Arday oo Ka Qalin-jebiyey Cilmiga Madaarada iyo Dekedaha, Dhowaana Shaqooyin ka Bilaabaya Dekedda iyo Madaarada dalka, Maamule Cumar Muuse Kaahin oo noqday Aqoonyahankii ugu horeeyey ee dalkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugsiga European Collage oo Munaasibad Ku Sabootiyey 21 Arday oo Ka Qalin-jebiyey Cilmiga Madaarada iyo Dekedaha, Dhowaana Shaqooyin ka Bilaabaya Dekedda iyo Madaarada dalka, Maamule Cumar Muuse Kaahin oo noqday Aqoonyahankii ugu horeeyey ee dalkiisa keena dugsi aqoontu dadka baray deg-deg loogu shaqo tago...
Hargeysa(Xogreebnews)-Dugsiga European Collage, ayaa Maanta Munaasibada heer Caalamiya u qabtay 21 Arday oo bartay Cilmi noociisu ku cusub yahay dalka, kaasoo ah cilmiga ama Xirfada lagaga shaqeeyo Madaarada iyo Dekeddaha Caalamiga ahba.
Munaasibadan Dugsiga European Collage, u qabtay Ardayda, ayaa ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Sadexda Xisbi qaran, Wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire, Marwo Rooda Axmed Yaasin oo kamid ah guddida xaquuqal insaanka Somaliland, agaasimihii hore ee Wasaaradda Duulista iyo hawada, iyo weliba aqoonyahano kaloo tiro badan.
Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Wasiir arrimaha dibada Sacad Cali Shire, kaasoo dugsiga European Collage, Ku amaanaya dufcada Ardayda uu soo baray xirfadan dhif iyo naadirka ah ee Cilmiga aviation, iyo Dekedaha, waxanu sheegay in Ardayda hada qalinjebisay, isla hadana helayaan shaqo, maadaama Cilmigoodu saamaxayo in la shaqaalaysiyo. Wasiir Sacad Cali Shire, waxa kaloo uu tilmaamay in Dhalinyaradu ka waynaato qabyaalada.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Maamulaha guud ee Dugsiga European Collage, Cumar Muuse Kaahin oo Ku dheeraaday ahmiyada weyn ee u qaranka Somaliland ugu fadhiyo dugsiga European Collage, oo ah mid ka tayo iyo Cilmi badan. Maamulaha dugsiga European Collage, waxa uu Ku dheeraaday oo sharaxaad ka bixiyey baahida Ku keliftay inuu dalkiisa hooyo kusoo kordhiyo xirfad markuu qofku bartoba uu Ku shaqo tagaayo. Maamule Cumar Muuse Kaahin, waxa uu ugu bushaareeyey Adrayda uu xirfada Madaarada iyo Dekedaha weliba dalxiiska baray inay Dhowaan ka qaybgalayaan Shaqaalaha cusub ee Dekedda Berber, siday u balan-qaaday Shirkada Dp World. Waxanu sheegay Maamule Cumar Muuse Kaahin in dhamaan Ardayda ay wax bareen ay ka shaqayso Huteelada waaweyn ee Hargeysa, isla markaana xirfadda ay bareen Ku Dhowaad 200 oo Ardayda ay Ku guulaysteen inay noloshooda kafeeyaan.
Sidoo kale, waxa hadalka is kaga kala dambeeyey Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan kuwasoo kala ahaa marwo Rooda Axmed Yaasin, kamid ah Guddida xuquuqal insaanka Somaliland iyo agaasimihii hore ee Wasaarada Duulista Maxamed Dalal Farax iyo hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi X Cali Xasan  iyo sidoo kale Maxamuud Raage oo kamid ah madaxda Xisbiga Kulmiye, kuwasoo dhaantood boggaadiyey Cilmiga aviation iyo Madaarada ee Dugsiga European Collage, baray Ardayda dalka, Cilmiga oo ah mid qofku markuu barto degdeg ugu shaqaynaayo. Waxana aakhirkii halkaa lagu gudoonsiiyey 21-kii Arday ee Dhamaystay Cilmiga Aviation iyo Dekedaha  shahaadooyin heer caalamiya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured