Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro; "Haddaanad noqonayn Hoggaamiye lagu Ururo, Adeer waxa wanaagsan inaad Bakhaar iska furato.. Xukuumadda Waxaan Leenahay, Hantida Ku Bixiya Wanaajinta Ummadda Dhexdeeda.." 

0
Saturday October 06, 2018 - 00:48:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro; "Haddaanad noqonayn Hoggaamiye lagu Ururo, Adeer waxa wanaagsan inaad Bakhaar iska furato.. Xukuumadda Waxaan Leenahay, Hantida Ku Bixiya Wanaajinta Ummadda Dhexdeeda.." 

    Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro; "Haddaanad noqonayn Hoggaamiye lagu Ururo, Adeer waxa wanaagsan inaad Bakhaar iska furato.. Xukuumadda Waxaan Leenahay, Hantida Ku Bixiya Wanaajinta Ummadda Dhexdeeda.." 

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: Sheekh Aadan-Siiro; "Haddaanad noqonayn Hoggaamiye lagu Ururo, Adeer waxa wanaagsan inaad Bakhaar iska furato.. Xukuumadda Waxaan Leenahay, Hantida Ku Bixiya Wanaajinta Ummadda Dhexdeeda.." 

Hargeysa(Xogreebnews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay ahmiyadda uu Islaamku siiyey in Madaxdu ay ururriyaan isla-markaana Islaaxiyaan Ummadaha ay Hoggaamiyaan.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrintan kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Maanta, ayaa sidoo kale Hoga-tusaaleeyay Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay Midnimada Ummadda reer Somaliland u xoojin lahaayeen.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya dhibaatooyinka ka jira Waddamada Muslimiinta ayaa yidhi "Waddamada Muslimiinta ah waxa haysta Khilaaf Qof sameeyo, khilaaf Xisbi sameeyo, Khilaaf ay sameeyaan Dad wax isku og oo dan gaar ah leh, iyadoo Dadka Khilaafkaa samaynaya ujeeddadoodu tahay inay xaqiijiyaan Maslaxad Qof leeyahay, ama Koox leedahay ama deegaan leeyahay. Dagaaladaa ka socda waddamada Muslimiintu waa dagaallo aan waddo lahayn oo ka dhashay khilaaf aan waddo lahayn, ama loo soo raray ama in dan lihi abuurayso, iyagoo u adeegaya masaaliixda kuwa Dunida haysta. Markaad Dalkaaga burburinayso ee aad ka abuurayso Dagaal aan waddo lahayn, ama Madaxweyne ahoow, ama ha noqdo mid ka soo horjeeda, Magacuu doono ha sitee, markaad sababteeda leedahay Shaydaan baad u istaadhan tahay.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu tilmaamay dhibaatooyinka ka dhalan kara in Talada Ummadda loo dhiibo Cid aan ehel ahayn, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ku dabaqaya Xadiis Saxeex ah "Xadiis uu Imaamu Muslim soo weriyey, ayaa odhanaya (Waxa iman doonta) ‘Aakhru-samaanka waxa iman doonta wakhti la doorto ka beenaalaha ah, ka Runta sheegayana la odhanayo waa beenaale, ka Aaminka ah ayaa la odhan doonaa ha ii keenina, ka khaa’inka ahna waalla aamini doonaa, waxa Ummadda Afhayeen u noqon doona Mid wax uu yahay aanu jirin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu xusay inay muhiim tahay in Hoggaamiyaha Ummaddu noqdo Qof dabacsan  "Markaad doonayso inaad Ummad hoggaamiso, waa inaad tahay Qof garabkiisu dabacsan yahay, hadalkiisu dabacsan yahay oo Dadka ururriya, Dadkuna ku ururro, haddii kale adeer waxa kuu wanaagsan inaad iska furato Bakhaar marka aad doonto iska xidhato, markaad doonto iibiso, Qof kaad doonto ka xidhato, kaad doonto soo geliso.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey, waxa kale oo uu ka hadlay "Xukuumadda waxaanu leenahay waar Dadka hala islaaxiyo oo hala heshiisiiyo, wixii fidmo keenaya ha laga dhawrsado. Dastuurka inoo qoran Qofka ugu awoodda badan waa Madaxweynaha, wuxuu awood u leeyahay inuu Miisaaniyadda intuu doono ka saaro oo uu Dadka ku heshiisiiyo, sidaa darteed Madaxweynaha iyo Xukuumadda waxaanu faraynaa waar Dadka hala heshiisiiyo, Waayo? Waxa guulaysta Ninka inta uu meesha joogo intii horena isku haya, in kalena ku soo dara. Haddii taa la waayo jiri maayo Wadaad (Xidhan) Khamiis qurux badan oo Masaajidka Dadka wax uga sheegaa, Madaxweyne jiri maayo, Wasiir jiri maayo, Baayac-mushtarna jiri maayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Xukuumaddu dhayalsanayso colaad ka dhalan karta Midnimo la’aanta Shacabka xilligan ka dhex jirta "Xukuumaddu way fududaydsanaysaa Colaadda, laakiin markay wax dhacaan waalla arki doonaa, Tujaartii way dhalaysanaysaa, laakiin marka ay wax dhacaan Cidna is haleeli mayso. Annagu Qof qori qaata waanu ka soo horjeednaa Magacuu doono ha yeesho, Cidduu doono ha noqdo, haddana waxaanu leenahay Ummadda hala heshiisiiyo.

Madaxweynaha waxaanu leenahay, maalintaad Ummaddaa oo dhan masuulka ka noqotay, ayaa waxa ku fuushay Dadka oo dhan Masuuliyaddoodii. Dul-qaad baa kow ah, Ururin baa laba ah, waxooga oo aad caddaalad ugu qaybiso ayaa Saddex ah, inaad Dadka u Caqli celiso ayaa Afar ah.”

Sheekhu wuxuu farriin u diray Xukuumadda "Xukuumadda waxaanu leenahay Dadka heshiisiiya, Hantida Ummadda ku bixiya inaad Dadka heshiisiisaan, Gogosha fidiya, Dul-qaad muujiya, laakiin Dadka kalena waxa saaran inay hawshaa ka shaqeeyaan.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka hadlay doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada Somaliland oo qorshuhu yahay inay sannadka dambe dhacaan, waxaanu Shacabka u soo jeediyey inay ka fikiraan Dadka ay soo Sharraxayaan "Intaad iska deysaan Hebel baa reer badan ka dhashay iyo Hebel baa Dadka ugu af-dheer, reer walba Inan wanaagsan ha soo saaro haddaad doonaysaan in Dalkani inuu wax noqdo, yaa inoogu wanaagsan oo toosan ha lagu soo saaro Golahayaasha deegaanka iyo Baarlamaankaba, Maanta ayaynu fursad haysanaaye..” ayuu yidhi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured