Ma Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye. Bye Xuseen Xasan Badmaax

0
Tuesday October 02, 2018 - 03:26:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye. Bye Xuseen Xasan Badmaax

    Ma Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye. Bye Xuseen Xasan Badmaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye. Bye Xuseen Xasan Badmaax Ma Xeerkii Kufsigaa Abuuray Khilaafka Kulmiye
Waxaan akhriyay warsaxaafadeed xilka lagaga qaaday Gudoomiyaha Golaha Dhexe Md.Jaamc Ismaaciil(Shabeel),kuna saxeexan yahay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga kulmiye Md.Axmed Cabdi Xuseen.
Bal hadaba aan eegno Xeerka xisbiga kulmiye cidda awooda u leh xil ka qaadista Gudoomiyaha Golaha Dhexe iyo qodobka loo cuskaday xil qaadis tiisa ee 56aad.
Ugu horayn hadaan lafo guro qodobka 56aad haba yaraatee ma jirto meel uu kaga hadlaayo inay Gudida Fulintu awood u leedahay xil ka qaadista Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye.Qodobkani waxuu ka hadlayaa Anshax Marinta xubinta.Hadaba ma tahay Gudida Fulintu Guddi Anshax Marin oo xeerku awood u siiyay? Waa maya,bal aan eegno qodobka 56aad sida uu u dhigan yahay:
Qodobka 56aad
ANSHAX-MARINTA
1.Marka laga reebo falalka kale ee dembi ciqaabeed ka dhalan karo,xubin kasta oo xisbiga ah waxaa la saari karaa talaabo anshax-marineed,haddii uu ku xad gudbo Dastuurka Xisbiga,xeer-hoosaad gole ama guddi oo ku dhaqnkiisu ku waajib yahay amaba go'aan gole ama guddi xisbi oo khuseeya.
2.Waxa awood u leh dhegaysiga iyo go'aan ka gaadhista gefka xubinta,Guddiga Fulinta ee heerka xisbi ee xubintu ka hawl gasho.
3.Waxa xubinta qoraal lagu siiyaa dacwadda gefka loo haysto,ugu yaraan 10 maalmood ka hor maalinta dacad qaadista.
4.Ganaaxa xubinta geftay la siinayaa wuxuu ahaan karaa:
b.canaan af ah
t.canaan qoraal ah
j.digniin qoraal ah
x.ganaax lacag boqol kun ilaa milyan oo Shillin Somaliland ah.
kh.ka soo celin shahaado,billad ama qiimayn.
d.ka qaadis xil fulineed ama xubinimo gole ama labadaba
r.ka saaris xisbiga.
Markaynu eegno macnaha sharci ee firqada 2aad wuxuu tilmaamayaa dhegaysiga iyo go'aan ka gaadhistu inaanu ahayn heer qaran ee uu yahay heer xisbi.Taas oo macnaheedu yahay heerarka xisbiga ee hoos taga heer qaran.
firqada 3aad sida ku cad xubnaha Guddida fulinta qoraal kumay siin 10 maalmood ka hor Gudoomiyaha Golaha dhexe ee ay xilka ka qaadeen.Firqada 4aad t,j midnaba kumay fulin xil ka qaadista.
Sida ku cad qodobka 19aad ee xeerka xisbiga firqadiisa x, Shirweynaha ayaa awood u leh doorashada xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga.
Dhinaca kale qodobka 30aad firqadiisa 4aad ee xeerka xisbiga waxa ku cad Golaha dhexe inuu dhexdiisa ka doorto Guddoomiyaha golaha dhexe.
Labadaa qodob waxaa ku cad inaanay Guddida Fulintu awood u lahayn xil ka qaadista Gudoomiyaha Golaha dhexe,lahayna awood ay xubinimadiisa golaha dhexe kaga qaadi karaan maadaama Shirweyne lagu doortay xubnaha Golaha dhexe.Sidaa darteed waxa awood u leh xil ka qaadista Gud/Golaha dhexe shir gole dhexe.
Waxa kale oo warsaxafadeedka ku cad inuu saxeexay Gud.kuxigeenka 2aad oo aan lagu dooran Shirweyne,xilkana ku hayo magacaabistii gudoomiyaha xisbiga,waxaanu jebiyay xeerka xisbiga maa-daama ay joogaan Gudoomiyaha,Gud.kuxigeenka 1aad ee xisbigu.
Hadaba ma la odhan karaa qardajeexa iyo xeer jebinta loo maray xil ka qaadista Gudoomiyaha Golaha dhexe xeerkii kufsiga ee uu sida adag ee xaqa ah uga hadlay!
Gabo-gabadii waxaan leeyahay(Qisaba la yaab lee bal qodo aan qodo xabaalaa).

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured