Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Ceelgardi Isaga Oo Wata Mashruuc Kaluumaysi Oo Foodsaaro Ah Iyo Deegaameyn Reereysan Uu Halkaas Ka Qorsheynayo

0
Monday October 01, 2018 - 05:04:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Ceelgardi Isaga Oo Wata Mashruuc Kaluumaysi Oo Foodsaaro Ah Iyo Deegaameyn Reereysan Uu Halkaas Ka Qorsheynayo

    Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Ceelgardi Isaga Oo Wata Mashruuc Kaluumaysi Oo Foodsaaro Ah Iyo Deegaameyn Reereysan Uu Halkaas Ka Qorsheynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Xasan Gaafaadhi Oo Socdaal Dhuumasho Ah Ku Tagay Ceelgardi Isaga Oo Wata Mashruuc Kaluumaysi Oo Foodsaaro Ah Iyo Deegaameyn Reereysan Uu Halkaas Ka Qorsheynayo
Wasiirka Wasarada Xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Maxamed Cali ayaa shalay si kadis ah u tagay Xeebta Ceel garde oo Berbera u Jirta 20km wasiirka iyo saraakiil la Socday oo ka tirsan wasaarada xanaanada Xoolaha ayaa safarkoodaa ku Indha indheeyay xaalada dekad yar oo mac mac mal ahayd oo khilaaf badan ka dhex dhalisay bulshaad kuwada dhaqan Gobolka Saaxil sanadkii 2016 , Wararka xog ogaalka ah ee booqashadan laga helayo ayaa ku salaysan in Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Gafaadhi damcay in uu dib u dhiso dekada yare ee macmalka ah isagoo u food saaraya in uu ka hirgalinayo degaankaa mashaariic kaluumaysi oo dad shaqo loogu abuurayo,
Wasiir Xasan Gaafaadhi ayaa illo wareedyadu sheegayaan in uu damcay in uu xooga saaro sidii uu degaankaa ceel Garde dibu dejin ugu samayn lahaa boqolaal qoys oo aan degaankaa aan u dhalan reer Saaxilna Aan ahayn oo laga soo daabulayo meelo kale,
Arinkan wasiir gaafaadhi ayaa noqon doona hadii uu ku talaabsado mid halis badan oo dib usoo noolayn doonaa mushkilado iska hor imaad oo dib uga curta Gobolka Saaxil, Sida la ogyahayna xaruntii kaluumaystada ee berbera ayaa u baahan in laga hirgaliyo dhiirigalinta kaluumaysiga waayo waxay u diyaarsantahy xaruntani in lagu shaqaysto maadaama qaboojiyayashii waawaynaa ku rakiban yihiin leedahayna dekada qadiimiya oo doonyaha kaluumaystadu kusoo xidhaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured