Garaadka ama Caqliga Hoggaamiyaha Waxaa Laga Gartaa Dadka La Taliya Ee Uu Isku Xeero. Qalinkii: Kamaal Marjaan.

0
Saturday September 29, 2018 - 21:16:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 465
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garaadka ama Caqliga Hoggaamiyaha Waxaa Laga Gartaa Dadka La Taliya Ee Uu Isku Xeero. Qalinkii: Kamaal Marjaan.

    Garaadka ama Caqliga Hoggaamiyaha Waxaa Laga Gartaa Dadka La Taliya Ee Uu Isku Xeero. Qalinkii: Kamaal Marjaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garaadka ama Caqliga Hoggaamiyaha Waxaa Laga Gartaa Dadka La Taliya Ee Uu Isku Xeero. Qalinkii: Kamaal Marjaan.
Niccollo Machiavelli oo ahaa qoraa iyo faylasuuf loogu yeero aabihii cilmiga siyaasadda ee casriga ah ayaa laga hayaa, "Habka ugu horreeya ee lagu qiimeeyo garaadka ama caqliga ruuxa xukunka hayaa waa in la eego dadka uu isku xeeray ee la taliyeyaasha u ah”
Waxaana marar badan dhacda in hoggaamiyaha oo niyad wanaag iyo samaan ka talinaya, waxqabadna diyaar u ahi uu ka tallaabsan kari waayo, dadka ku xeeran oo aanu dareensanayn in ay dabar ku yihiin doonistiisaas fiican.
Sulaymaan Bin Cabdalmalik oo ahaa hoggaamiyihii toddobaad ee dawladdii Umawiyiinta, ayaa inkasta oo uu ahaa hoggaamiye caddaaladda iyo maamul wanaagga lagu arkay awgeed, jacaylka ay dadkiisu u qabeen uu gaaray in ay ku naanaysaan ‘Furihii khayrka’, haddana ay weli jirtay in laga cabanayey dadka uu isku xeeray. Waxa se uu noqday hoggaamiye garaad ama caqli badan oo dhegeystay dhaliisha kuwa ku xeeran loo jeedinayo, kana feejignaaday.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa nin reer miyi ama reer baadiye ahaa oo la kulmay hoggaamiye Sulaymaan Bin Cabdalmalik, waxa uu fursaddii uga faa’iidaystay in uu amiirka u sheego dhaliisha dadka ku xeeran iyo khatarta ay leedahay haddii aanu ka feejignaan, "Amiirkii muuminiintoow, hadal baan ku oranayaa, ee haddii uu kula xumaado, jirka is-geli oo adkaysi u yeelo. Ogowna oo, si kasta ha u qaraaraado ee, haddii aad warkaygaas ogolaato, wax aad jeclaato ayaa aad ka dheefi doontaa.”


Amiirku markii uu ninkii u fasaxay hadalkii, waxa uu ninkii reer baadiyaha ahaa yiri, "Waxa aad isku xeertay rag, diintoodii dhaafsaday adduunyada aad adigu u hayso, si ay adiga ku raalli geliyaanna Alle caradiisa u bareeray. Waa rag aakhiradoodii xumeeyey oo adduunyadooda camirtay…” 
Xikmad badanahan reer baadiyaha ahaa marka uu Amiirka u sheegay ceebta ay leeyihiin ragga uu isku xeeray. Waxa kale oo uu uga digay khatarta ay ku keenayso amiirka, haddii aanu wax ka qaban, isaga oo arrinkaas ka waaninayana waxa uu yiri, "Raggaas ha ku aaminin waxa Alle adiga kugu aaminay (Madaxnimada). Waa rag aan dan ka gelayn in amaanada ku saarani dayacanto, iyo in ummadda khasaare iyo burbur ku dhaco. Waxa aad ogaataa in aad adigu ka masuul tahay dembiga ay galeen kuwaa kugu xeerani. Laakiin iyagu aanay ka masuul ahayn debmiga adigu aad gashay, oo uu adiga keli kugu yahay. Dadna waxaa ugu doqonsan ruux aakhiradiisii u xumeeyey adduunyo dad kale helayaan darteed.”
Haddaba, hoggaamiye kasta waxaa ku xeeran dad ay taladooda iyo sheekadoodu saamayn ku yeelato go’aamada iyo fikirka uu dalka ku hagayo. Nasiibdarro waxaa in badan dhacda in dadkaas hoggaamiyeyaasha ku xeerani ay noqdaan kuwo fursadaas uga faa’iidaysta danahooda gaarka ah oo keliya iyo dad u samaysan marin habaabinta hoggaamiyaha iyo in ay mansabyada loo dhiibo ka hodmaan. Dadkaasi qaranka waxa ay ku yihiin hagardaamo, waa se haddii aanu hoggaamiyuhu noqon ruux baraarugsan oo cidda uu diranayo iyo cidda warka u keenaysaba uga xogogaalsan waxa uu u diranayo, ama aanu lahayn tabo uu ku hubin karo xogtooda iyo dabeecadda ah in wax kasta oo soo gaadha uu maankiisa la kaashado.
Dhibta ay leedahay marka uu hoggaamiyuhu dhegeysto talada dadka xun ee uu isku xeeray, iyo marka uu warkooda iyo taladooda maankiisa la kaashado waxaan soo qaadan karnaa sheekada kelitaliyihii dunida ugu weynaa ee Fircoon iyo Nebi Muuse (CS). Waxa uu Qur’aanku inooga warramay Fircoon oo ahaa boqor, Ilaah sheegtay iyo sida ay u marin habaabinayeen labadiisii gacanyare ee midina milateriga u qaabilsanaa, waa Haamaan ee, ka kale oo Qaaruun ahaana maaliyadda u hayey.
Waxa ay ahaayeen rag aan xumaanta ka qaban, talada ay siiyaanna mar kasta ahayd mid sii fogeysa uun dembiga iyo kelitalisnimadii uu ku jiray Fircoon. Ka soo bilow sheegashadii uu Alle sheeganayey, taladii uu reer Bani Israa’iil wiilashooda ku laynayey, diidmadii nebinimada Muuse. Xitaa kama ay joojin tallaabooyinkii iyo go’aamadii uu qaadanayey ee ay caddayd in uu ku guuldarraysanayo xukunkiisana taasi khatar gelinayso.
Tartankii sixirka ee Muuse ay la galayeen sixiroolayaashiisu waa mid ka mid ah, tii ugu darnaydna waa markii u dambaysay ee uu Fircoon baacsanayey Muuse iyo intii raacday, go’aankaas oo ay ku wehelinayeen, laakiin noqday kii soo afmeeray xukunkii Fircoon iyo noloshiisiiba.
Muhiimadda waxa ay tahay in hoggaamiye kastaa wanaag iyo xumaan waxa uu yeelanayo, sida uu xukunkiisu noqonayo iyo taariikhda u qormaysaaba ay noqonayso mid ku jaango’an hadba nooca ay yihiin dadka ku xeeran, ee uu talada ka qaato, sirtana u dhiibto, iyo sida uu ka yeelo talooyinka iyo aragtiyaha uga imanaya dadkaas.
Qalinkii:  Kamaal Marjaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured