Neefkaynu Gawracnaba Maxaa Qulaan-qulshaha... Sideebaynu u Helnaa Madaxweyne Go' aanku Gacantiisa ku Jirto... Quman baan ka qaylinayee Ma hadaan galay qaaba qawseen.W/Q Farxaan Cali Khayre.

0
Saturday September 29, 2018 - 20:05:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neefkaynu Gawracnaba Maxaa Qulaan-qulshaha... Sideebaynu u Helnaa Madaxweyne Go' aanku Gacantiisa ku Jirto... Quman baan ka qaylinayee Ma hadaan galay qaaba qawseen.W/Q Farxaan Cali Khayre.

    Neefkaynu Gawracnaba Maxaa Qulaan-qulshaha... Sideebaynu u Helnaa Madaxweyne Go' aanku Gacantiisa ku Jirto... Quman baan ka qaylinayee Ma hadaan galay qaaba qawseen.W/Q Farxaan Cali Khayre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neefkaynu Gawracnaba Maxaa Qulaan-qulshaha... Sideebaynu u Helnaa Madaxweyne Go' aanku Gacantiisa ku Jirto... Quman baan ka qaylinayee Ma hadaan galay qaaba qawseen.W/Q Farxaan Cali Khayre.
Waayadii Maamulkii M/weyne Siilaanyo bulshada reer Somaliland intooda badani oo uu muuse biixi kow ka ahaa waxay u arkayeen, in maamulkii dalku gacanta ugu  galay koox yar oo ay hormuud u ahaayeen xirsi, Amina weris, & Maxuud Xaashi iyagunu go' aanada gaadhaan , si looga baxo arrintan oo loo helo Madaxweyne go' aanku gacantiisa ku jiro, waxay ahayd qodobka ugu weyn ee salka u ahaa in la doorto Madaxweyne  muuse biixi, oomanaanta bulshadu u qabtay Madaxweyne aan shaadhkiisa iyo karaamadiisa cid kale ku shaqaysan ayaa loogala soo dhex baxay M/weyne Muuse Biixi Musharaxiin farabadan oo isusoo taagay hogaaminta dalka sida Samaale, Maxed biixi yoonis , Ciro ,Jamaal cali xuseen, & faysal Cali waraabe , si looga fogaado cid aan la dooran oo wadanka ka talisa ayaa ahayd Sababta ugu weyn  uguna muhiimsanayd in la doorto Madaxweyne Muuse biixi, waxaa shaqsi kasta oo bulshada ka mid ahi ka dheregsan yahay in xaalku taagan yahay ka daroo dibi dhal, iyo qardho oo quman baan ka qaylinayee Ma hadaan galay qaaba qawseen, oo maanta la galay geerash cusub  in laga baxo daaye , waxaa  hubaal ah in M/weynaha xog, hayntiisa iyo kooxdiisu ay 60% kaga saamayn badan yihiin muuse ,saamayntii xirsi ku lahaa Siilaanyo , sida ay ilo lagu kalsoon yahay tibaaxayaan Mudada sanadka ah ee madaxweynuhu wadanka maamulayey shaqaalaha hay'adaha kala duwan ee dawlada uu ku qoray ee aanu waxba kala socon madaxweynuhu waxay gaadhayaan  100 iyo siyaado , waxaa ayaandaro ah waxa neefka aynu qaloba qulaanqulshaha xagga hore raacinaya, gebgebadii iyo gunaanadkii  waxan halkan idiinku soo gudbinayaa maalintii la caleemasaarayey m/weynaha Maanta khudbad qiimo badan lahayd oo uu madaxweynihii hore ee Daahir riyaale ka jeediyey Goobta kana turjumaysay dareenka dadku madaxweynaha ku doorteen ee    fulinteeda laga rabo waana tane ila dhegaysta.
W/Q
Farxaan Cali Khayre.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured