"..Waan Aqaanaa Noocaagaas Oo kale Waan ku garaacayaa ,Walaahay maxaanan Diridaas Sabaaxad Dabada kuu Qaban Waxba Iska Celin mayside"Wasiirka Maaliyada Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo faro Cididood Lagu Kala Jiiday...

0
Tuesday September 25, 2018 - 19:32:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1539
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "..Waan Aqaanaa Noocaagaas Oo kale Waan ku garaacayaa ,Walaahay maxaanan Diridaas Sabaaxad Dabada kuu Qaban Waxba Iska Celin mayside"Wasiirka Maaliyada Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo faro Cididood Lagu Kala Jiiday...

    "..Waan Aqaanaa Noocaagaas Oo kale Waan ku garaacayaa ,Walaahay maxaanan Diridaas Sabaaxad Dabada kuu Qaban Waxba Iska Celin mayside"Wasiirka Maaliyada Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo faro Cididood Lagu Kala Jiiday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Waan Aqaanaa Noocaagaas Oo kale Waan ku garaacayaa ,Walaahay maxaanan Diridaas Sabaaxad Dabada kuu Qaban Waxba Iska Celin mayside"Wasiirka Maaliyada Iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo faro Cididood Lagu Kala Jiiday...
Hargaysa(Xogreebnews) Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa maalintii Shalay hortagay Golaha Wakiilada Somaliland Gaar ahaana Gudida Joogta Ee Golahaasi Oo ka Waraysanayay wasiirka Habsami u Socodka Shaqada uu Qaranka u Hayo Iyo qorshaha Ay wasaaradu Wado ee Lambarada Looga Bedelaayo Gaadiidka Dalka
Kulankaasi Markii uusoo dhamaaday waxaa uu Dhanka kale Wasiirka Maaliyadu La Kulmay Isla Xiligaasi la Kulmay Gudida Joogtada ah ee Wakiilada iyadoo Warbaahintu Ay Labada Kulanba Dibada ka joogtay Waxaana Markii uusoo Dhamaaday Uu wasiirku Warbaahinta u Sheegay waxaan Ahayn Wixii Ay ku Wada hadleen Waxaana uu Yidhi "Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan manta La kulmo labada Gudi ee Joogtada ah ee Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Waxaana aan Idiin Sheegayaa inaanu Isla Afgaranay Dhamaanba Wixii Aanu ku Wada Hadalnay "
Hadaba xogo ay warbaahin Heshay Xogo ka Duwan kuwan Wasiirku Sheegay Waxaana Lagu Kala Kacay Dhamaanba Kulankii Uu wasiirku la yeeshay Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada oo Ku Amray Wasiirka inuu Ka Laabto Goaanka Taarikada Cusub ee Gaadiidka ee Ay Wasaaradiisu Dabada Ka Riixayso kaasi oo Ay ku Sheegeen in Lacago Lagaga Urursanayo Shacabka Somaliland ee manta uu Aafeeyey Sixir Bararka iyo Dhaqaale Daraanta baahsani kuwaasi oo ay u dheer tahay In aanay Haysan Lacag Qiime leh oo Wax u goynaysa isla Markaana Ay wasaarada Maaliyada,Baanka Dhexe iyo Xukuumaduba ku fashilmeen Inay Wax Ka qabtaan.
Wasiirka Maaliayada Ayaa Sheegay inaanay ka Noqon Doonin Goaankaasi oo uu sheegay inuu hirgalay Isla markaana Gobolada Qaar Laga Fuliyayba oo Gaadiidku Ay Iska Bedeleen Lambaradii Hore Waxaana Arintaasi ka cadhooday Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye NACNAC oo Wasiirka Aflagaadeeyey Wuxuun Yidhi "Waan Aqaanaa Noocaagaas Oo kale Waan ku garaacayaa ,Walaahay maxaanan Diridaas Sabaaxad Dabada kuu Qaban Waxba Iska Celin maysideā€¯
Wasiirka Ayaa ugu Jawaabay maadigoo Arab Ah Ayaa Hargaysa Iigu Hanjabaya Sownigii Is Naqaanay Maxaa Dhacay Xildhibaan
Xigasho 
http://somalifree.com/waan-aqaanaa-noocaagaas-oo-kale-waan-ku-garaacayaa-walaahay-maxaanan-diridaas-sabaaxad-dabada-kuu-qaban-waxba-iska-celin-maysidewasiirka-maaliyada-iyo-xildhibaanada-golaha-wakiilada/.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured