Wasaaradda Maaliyada oo Gaadiidka Shacabku Wataan kusoo Rogtay Lacago Hor-leh oo aanay qaadi-karin iyo Qiimaha Gaadhi Kasta laga doonayo oo maraya $130...

0
Tuesday September 25, 2018 - 02:50:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Maaliyada oo Gaadiidka Shacabku Wataan kusoo Rogtay Lacago Hor-leh oo aanay qaadi-karin iyo Qiimaha Gaadhi Kasta laga doonayo oo maraya $130...

    Wasaaradda Maaliyada oo Gaadiidka Shacabku Wataan kusoo Rogtay Lacago Hor-leh oo aanay qaadi-karin iyo Qiimaha Gaadhi Kasta laga doonayo oo maraya $130...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Maaliyada oo Gaadiidka Shacabku Wataan kusoo Rogtay Lacago Hor-leh oo aanay qaadi-karin iyo Qiimaha Gaadhi Kasta laga doonayo oo maraya $130...
Hargeysa(Xogreebnews)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku laba kaclaysay Dadka Iska Leh Gaadiidka Kala Duwan ee iminka looga baahan yahay in ay bedeshaan Numbaradda Gaadiidkooda, ka dib markii La soo bandhigay Numbaro cusub.
Numbarada Cusub ee Baabuurta ayuu Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan uu sheegay in iminkaba ay bilaabeen bixinta, taas oo qofku uu bixin doono aduun lacageed oo dhan 600,000 somaliland shilling ah, hasayeeshee waxa jirta lacag kale oo dheeraad ah taas oo qofka laga qaadayo.
Buugaagta ayay iyadana u qorsheeyeen in qofka bedelaya numbarkiisa laga qaado lacag dhan $70, taas oo ah mid loogu bedelayo buugga Gaadhiga, waxaanay isu geyn noqonaysaa
lacagta laga doonayo dadka bedelaya numbarada iyo buugga gaadhigu $130.
Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Gaadiidka ayaan u faahfaahinin shacabka Lacagaha rasmiga ah ee laga doonayo Dadka Wata baabuurta ee iyagu bedelanaya Numbaradooda.
Arrintan ayay dadka qaarkood cadho ka muujiyeen, waxaanay ku tilmaameen in ay tahay mid aan laga fiirsanin.
Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa iyaguna Xukuumadda ku eedeeyay in ay waddo qorshe habaqle ah oo lagu doonayo in lagu Uruursado lacago aan la garanayn meel ay ku danbayn doonaan.
Goleyaasha sharci dejinta ayaa markii ay soo baxday lacagta lagu bedelayo Numbarku waxa ay ku sifeeyeen in ay tahay mid xaaraan ah, waxaana xildhibaano ka hadlay arrintaasi ay xuseen in ay ku qurux badnayd in la soo mariyo Goleyaasha, si loogu xalaaleeyo, hasayeeshee tan danbe ee ah $70 ee lagu bedelayo Buugga ayaan iyadu qorshahaba ugu jirin shacabka, isla markaana Wasiiradda Maaliyadda Iyo Gaadiidku aanay shacabka uga sheegin fageereyaashii ay ka hadleen, waxaana durba ka dhashay jaho wareer.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured