Wararkii u Dambeeyey ee Dagaal Qadhaadh oo Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Kornayl Gamaal Baaxad ku Dhex-maray Buuralayda Hal-dhagan Iyo Khasaaraha dhinacyada dagaalku u dhexeeyo....

0
Sunday September 23, 2018 - 02:03:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u Dambeeyey ee Dagaal Qadhaadh oo Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Kornayl Gamaal Baaxad ku Dhex-maray Buuralayda Hal-dhagan Iyo Khasaaraha dhinacyada dagaalku u dhexeeyo....

    Wararkii u Dambeeyey ee Dagaal Qadhaadh oo Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Kornayl Gamaal Baaxad ku Dhex-maray Buuralayda Hal-dhagan Iyo Khasaaraha dhinacyada dagaalku u dhexeeyo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii u Dambeeyey ee Dagaal Qadhaadh oo Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Kornayl Gamaal Baaxad ku Dhex-maray Buuralayda Hal-dhagan Iyo Khasaaraha dhinacyada dagaalku u dhexeeyo....
Ceerigaabo(Xogreebnews)- Wararkii u Dambeeyey ee laga helaayo dagaal Galabta Ciidamada qaranka Somaliland ku qaadeen Maleeshiyad hubaysan oo fadhiyey Deegaanka Buuralayda bariga Sanaag ee Hal-dhaagan,  oo u watay Kornayl Jamaal Baaxad, ayaa lagu soo waramayaa inuu Istaagay caawa.
Wariyaal kala duwan oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo oo ay shabakada Xogreebnews.com la samaysay xidhiidh, ayaa sheegay inuu dagaalkaasi sababay khasaare dhaawacyo soo kala gaadhay labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanka Hal-dhaagan, walow ay wararka qaarkoodna sheegayan inay jirto dhimasho. 
Waxanay wararku intaa raaciyeen in Ciidamada qaranku guul kasoo hooyeen dagaalkaas, isla markaana Maleeshiyaadka Kornayl Jamaal Baaxad ka qabsadeen laba kamid ah Gaadiidka dagaalka oo ay wateen Maleeshiyaadka Kornayl Jamaal Baaxad.
Sidoo kale waxay xogguhu intaa raaciyeen inay Ciidamada qaranku qabsadeen Saldhig halkaas maleeshiyaadku ka samaysteen. Hase-yeeshee wararku waxay sheegeen in aanay Ciidamada Somaliland gacanta kusoo dhigin Kornayl Jamaal, balse uu fakaday iyo Ciidamadiisi qayb kamid ahi..
Col. Jamaal Baaxad, ayaa hore u ahaa abaan-duulihii saldhiga saddexaad ee ciidammada Somaliland ee Gobolka Sanaag, balse dhawaan  ayaa ka daba goostay Jabhada Kornayl Caare, hase-yeeshee haddana waxa uu mar kale kasoo goostay isla Jabhada Caare, ee fadhigeedu yahay deegaanka Qardho ee dawlad  gobeleedka Puntland.
Waxanu saldhig ka samaystay Kornayl Jamaal baaxad Deegaanka Hal-dhagan ee duleedka magaalada Ceerigaabo. 
Si kastaba ha ahaatee guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo dhawaan ka hadlay garabka Jabhadda Caarre ee ku sugan deegaanka Hal-dhaadan ayaa sheegay in aanu agtooda wax weyn ka ahayn Korneyl Baaxad oo ay si fudud u soo qaban karaan, balse ay u tudhayaan. Xogreebnews.com.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured