Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee Shirkadda Telesom Maal-galisey....

0
Saturday September 22, 2018 - 04:08:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee Shirkadda Telesom Maal-galisey....

    Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee Shirkadda Telesom Maal-galisey....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeysa oo Ku Guuleystey Tartankii Koobka Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ee Shirkadda Telesom Maal-galisey....

Hargeysa(Xogreebnews) –  Xulka dawladda Hoose ee magaaladda Hargeysa ayaa ku guuleystey tartankii kooxaha heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee koobka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, tartankan oo ay gabi ahaantiisaba maal-galisay shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom.

Tartankan waxaa isku soo hadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd labada Naadi ee Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xulka Ciidamada Asluubta, waxaana ciyaartan daawashadeeda ka soo qayb-galey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Taliyaha Guud ee Ciidamada Asluubta Somaliland, Maayar ku-xigeenka Somaliland, masuuliyiinta Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, masuuliyiinta shirkadda Telesom, marti-sharaf kale oo kala duwan iyo dadweyne aad u tiro badan.

Ciyaartan kama dambaysta ah ayaa dhexmartay labada kooxood ee Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo xulka Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ciyaaryahanadoodu ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo aad u adkayd, ciyaartaasi oo labada kooxood isku hayeen weerar iyo weerar celin joogto ah. Ciyaarta ayaan qaybtii hore wax goolal ah la iska dhalin, balse qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa daqiiqadihii u dambeeyey waxaa xulka dawladda Hoose ee Hargeysa u suurto gashay inay la yimaadaan hal (1) gool, goolkaasi oo noqday kii ay guushu ku raacday.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Md. Maxamed Amiin ayaa sheegay in koobkan Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland ay maal-galisay shirkadda Telesom sanadkan 2018-ka sidoo kale ay maal-galin doonto sanadka dambe ee 2019. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in koobku bilaabmay 17 July, 2018, ayna ka soo qayb-galeen 29 naadi, tartakan ayaa kulmiyey 850 ciyaartoy iyo 58 tababare. Tartankan ayaa la ciyaaray 62 ciyaarood oo si toos ah looga daawan jiray Telafishanka HCTV.  Guddoomiye Maxamed Aamiin ayaa sheegtay in tartankani yahay tartankii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ah oo laga qabto gayiga Soomaalidu dagto, sidoo kalena uu tartankani ahaa kii loogu daawashadda badnaa.

Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay munaasibadda xafladda gunaanadka koobka xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay ka go’an tahay wax u qabashadda dhalinyaradda Somaliland. Md. Darbo ayaa sheegay in shirkaddu ay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha u maal-galisay qabsoomida koobkan ee sanadkan 2018, sidoo kalena wuxuu maamuluhu balan-qaaday in shirkadda Telesom ay sanadka dambena maal-galin doonto si dhalinyaradda looga jiheeyo: qabyaaladda, tahriibka iyo camal la’aanta. Md. Darbo ayaa ugu dambayn, tahniyadeeyey labadii kooxood ee tartankan isku soo hadhay iyo kooxda koobka ku guuleystay ee dawladda Hoose.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa ugu dambayn mahadnaq balaadhan u jeediyey dhamaan qaybihii ka qayb-galay tartankan ciyaaraha ee koobka xidhiidka Somaliland, Wasaaradda Arimaha gudaha, ciidamadda Amaanka, shirkadda Telesom, Telafishanka HCTV iyo hawl-wadeenadda wasaaradda ee soo qaban-qaabiyey tartankan, wasiirka ayaa sheegay in tartankani uu ku dhamaaday si nabad-galyo ah.

Ugu dambayn, xafladda waxaa soo gunaanaday Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici waxaanu yidhi, "Waxaan runtii aad iyo aad u bogaadinayaa Wasaaradda Ciyaaraha, Xidhiidhka Kubadda Cagta iyo dhamaanba intii ka gacan gaysatay eey ka mid tahay Shirkadda Telesom  iyo HCTV iyo intii kale ee ka gacan geysatay aad iyo aad baan dhamaantood u bogaadinayaa, waxaanay qabteen runtii waajib weyn oo iska xil saareen hawl qaran, waxaanan wax ku gaadhi karnaa oo aynu caruurteena wax kaga saari karnaa waxyaalaha aan loo baahnayn ee ay ku mashquulsan yihii. Ciyaaruhu sidaa la sheegay waa wax maskaxda u wanaagsan, caafimaad ahaanna jidhka u wanaagsan, ilmahana ka jeedinayaa waxyaalo badan oo maanta dhib inagu haya oo jaadka, balwaddaha iyo tahriibku ka mid yahay. Maadaama aanu aragnay sharaf iyo quruxda ay leedahay in aanu halkaa ka sii xoojino ka xukuumad ahaan diyaar baanu u nahay”.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici ayaa koobab iyo billaddo guddoonsiiyey ciyaartoydii, ugu wanaagsanaa ciyaaraha xagga gool dhalinta, tababarihii ugu fiicnaa, garsoorihii ugu fiicnaa, calan-wadihii ugu fiicnaa iyo labadii koxood ee ku guuleystay kaalinta koowaad iyo labaad ee ciyaarta kama dambaysta isu haleelay Jimcihii. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sidoo kale shahaadooyin guddoonsiiyey shirkadda Telesom, HCTV iyo shirkadda xayeysiisyadda  ee COLORZONE .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured