"Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa inuu samaysto La-taliye Sharci oo ah Culimada Takhasuska ku ah Shareecada Islaamka, waxaanu kula talinayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) inay samaystaan la-taliyeyaal Culimo ". Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday September 22, 2018 - 03:08:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa inuu samaysto La-taliye Sharci oo ah Culimada Takhasuska ku ah Shareecada Islaamka, waxaanu kula talinayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) inay samaystaan la-taliyeyaal Culimo ". Sheekh Aadan Siiro

    "Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa inuu samaysto La-taliye Sharci oo ah Culimada Takhasuska ku ah Shareecada Islaamka, waxaanu kula talinayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) inay samaystaan la-taliyeyaal Culimo ". Sheekh Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa inuu samaysto La-taliye Sharci oo ah Culimada Takhasuska ku ah Shareecada Islaamka, waxaanu kula talinayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) inay samaystaan la-taliyeyaal Culimo ". Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Xogreebnews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xeerka Kufsiga oo Muran badan ka dhashay, ka dib markii la ogaaday inay ku jiraan Qodobbo aan Shareecada Islaamka Waaqafsanayn.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Muranka ka taagan Xeerka Kufsiga oo Baarlamaanku ansixiyey isla-markaana Madaxweynuhu uu dhawaan dhaqan-geliyey, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga feejignaado wax kasta oo Hay’adaha Ajaanibka ahi ku lug-leeyihiin, maaddaama oo Dadka aan Muslimka ahayn dedaal ugu jiraan inay jidka saxda ka leexiyaan Ummadaha Muslimiinta ah ee reer Somaliland ka mid yihiin.

Sheekh Aadan oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Waxaan si kooban uga hadlayaa Xeerka Kufsiga oo in badan muran ka dhex dhaliyey Bulshada, kaasi oo la leeyahay waxa ansixiyey Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida, sidoo kalena  la leeyahay Madaxweynaha ayaa Xeerkaa Saxeexay, intaas oo ah Golayaashii Qaranka ee Ummadda hoggaaminayey.”

Sheekhu wuxuu ka hadlay in Dadku u baahan yihiin ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo sida ay muhiimka u tahay in wixii Bulshadu isku khilaafto xukunkeeda ILLAAHAY (SW) loo celiyo "Marka koowaad, Shareecada in la raacaa waa waajib Farad ah oo aan doorasho lahayn, waana wax Qofka bani-aadamka ahi u baahan yahay in Shareecada lagu hoggaamiyo. Maaha Shareecada in la raaco oo keliya marka ay duruuftaada waafaqdo, ee waa Farad Sharci ah, sida ku sugan Aayadaha qur’aanka ah ee ku sugan ‘Suuratul A Nisaa iyo Suurath A Shuraa’, Ilaahay wuxuu yidhi ‘Waxaad isku khilaaftaan Xukunkiisa u celiya Ilaahay’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Hay’adaha Dalka joogaa ay ka shaqeeyaan wax khatar ku ah Ummadda Muslimiinta ah "Wax Alaale iyo waxaa Hay’ado ah ee aad arkaysaa waa Safiirro, wax Alaale iyo waxa Koondhamo ah Hay’ado ayaa keena, kuwaas ayaa leh waxaanu ka hadlaynaa Sino, kuwaas ayaa leh Sino ayaanu la dagaalamaynaa, kuwaasi ayaa ku odhanaya waxaanu doonaynaa inaanu idinka caawimo Xeerarka idin khuseeya.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay in Dawladaha Masiixiyiinta ahi ay ku heshiiyeen inay karkaarka waydaariyaan Dadka Muslimiinta ah "Waxan aynu Maanta ka hadlaynaa waa Qorshe la dejiyey 3 Qarci ka hor, Qorshahaas oo ah in la helo Dad Muslim ah oo Ashahaadanyaa, haddana Diinta la dagaalamaya, markaa mar walba waxay ku xidhan tahay Dadkaa hoggaaminaya Dadka Caqligooda iyo Shaandhada ay haystaan, Waayo? Nimankani Dunidii ayay haystaan, waa inaad keentaa Caqligii aad Sharkoodana iskaga bedbaadin lahayd, kagana faa’idaysan lahayd, Adigoo Diintaadana ilaashanaya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay wax laga xumaado tahay in Madaxweynaha Somaliland uu saxeexay Xeerka Kufsiga oo ay ku jiraan qodobbo Shareecada khilaafsan "Qodobka 5-aad ee Dastuurka JSL waxa ku qoran, wax kasta oo Shareecada Islaamka ka hor-imanaya Dalkan laguma dhaqi karo, markaa waxa wax aad looga murugoodo ah in Xeerkaa (Kufsiga) uu Madaxweynuhu saxeexay, Wakiilladu ansixiyeen, Golaha Guurtida maray, iyagoo oo intaas oo la-taliye Sharci ah ku qaataan Lacag, haddana ay Maanta Xukuumaddu tidhaahdo (Khaladka ku jira waa laga saarayaa).”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Goleyaasha kale Qaranka Somaliland "Madaxweynaha waxaanu kula talinaynaa inuu samaysto La-taliye Sharci oo ah Culimada Takhasuska ku ah Shareecada Islaamka, waxaanu kula talinayaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada) inay samaystaan la-taliyeyaal Culimo ah oo Takhasus ku sita Cilmiga Shareecada iyo Fiqiga. Xukuumadda ayaanu u sheegaynaa, Golayaasha Qaranka oo dhan ayaanu u sheegaynaa, Waar Shareecadu waatii aad Xaqaaga ku heli lahayd, waana wax aynu u baahan nahay.”

Sheekhu wuxuu sheegay oo kale in xeerka Kufsiga ay ku lug-leeyihiin Hay’ado Ajaanib ah "Xeerka Kufsiga ee la leeyahay wax Gacan ku leh Hay’ado Qarsoon, wax la yeeli karayo oo la aqbali karayana maaha, aad baynu uga xunnahay in la yidhaahdo illaa Madaxweynihii ayaa Saxeexay (Xeerka Kufsiga), iyadoo Culimadii wada joogaan, inkasta oo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu uu ka garaabay inuu khalad dhacay, waxaanu yidhi waa laga saarayaa wixii Shareecada Khilaafsan.”ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Sheekhu wuxuu u Mahad-celiyey Xisbiyada Qaranka oo ka hor-yimid Xeerka Kufsiga "Waxaan u Mahad-celinayaa Xisbiyada Qaranka ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE oo ka hor-yimid (Xeerka Kufsiga)…” ayuu yidhi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured