Professor Samatar: Bal Aan Eegno Uuraysataye, Waxay Umuli Doonto; Qore: Maxamad Cal Muuse (Canada)

0
Saturday June 08, 2013 - 20:34:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Professor Samatar: Bal Aan Eegno Uuraysataye, Waxay Umuli Doonto; Qore: Maxamad Cal Muuse (Canada)

    Shiki kuma jiro in professor Samatar u naftiisa taariikh balaadhan u leeyahay. Samatar waa indheer garad, waa aftahan, waa qoraa, waa khaadib, hase yeesh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiki kuma jiro in professor Samatar u naftiisa taariikh balaadhan u leeyahay. Samatar waa indheer garad, waa aftahan, waa qoraa, waa khaadib, hase yeesh

Shiki kuma jiro in professor Samatar u naftiisa taariikh balaadhan u leeyahay. Samatar waa indheer garad, waa aftahan, waa qoraa, waa khaadib, hase yeeshe muddada Somaliland jirtay wuxu ku soo kordhiyay lama hayo. Inta badan uu ka soo horjeeday in u ka hadlo Somaliland xoriyadeeda ay la soo noqotay. Wuxuu ahaa nin ku adag Somaalinimada, rabayna in Soomaaliya midowda. Wuxuu caam ku ahaa in una xataa ka hadlin qabiilkiisa.

Professor Samatar wuxuu ka mid yahay inta yare e Somaaliyeed ee ku xeel dheer aqoonta aduunka iyo siyaasada mujtimaca. Samatar isaga oo hogaaminaya wafti u madax ka yahay oo lagu magaabo Hiil Qaran ayuu socdaal ku tegay Konforta Soomaaliya isaga oo ku rajawayn in Somaalido u doorato Madaxwaynaha ummada Somaliyeed. In kasta oo Professorku uu yahay nin aad u fikir dheer, kuna xeeldheer siyaasada Soomaaliya, wuxuuna ogayn in nin reerkiisu daba socdo mooyi eh nin kale shaah ka cabin. Sidaas awgeed wuxuu ku soo hongoobay himiladiisii ku dhisnayd Somaaliwayn. Iska daa wax kale aqoontiisa iyo Somaalinimadiisa lama qadarin. Wuxuu ka soo noqday Muqdishu isagoo wax kale aaminsan.

Waxa Ummada reer Somaaliland u malaynaysaa in Professorku ka soo toosay riyadii u ku jiray 22kii sanadood ee Somaaliland xorta ahayd. Taas waxa u daliil ah dhulka uu dhunkaday markuu madaarka Berbera soo gaadhay. Lama garanayo muraadka uu u yimi in u yahay toobad keen oo u dambi dhaaf ka rabo caam ahaan Somaliland, gaar haana reerkiisa. Professor Samatar waa nin miisaan ku yeelan doona qadiyada Somaliland iyo ta reerkiisaba haddii u sidaas u socdo. Waa nin hormood u noqon kara indheer garadka kale ee reer Somaliland ee ku mashquulsan Somaaliwayn. Samatar waa nin Somaliland qadiyadeeda hormood ka noqon kara.

Ayadoo la wada ogayahay wuxuu professorku aaminsanaa, waxay ummada Somaaliland u hanqal taagaysaa wuxuu la shir iman doono iyo waxa uu ku qancin doono Somaliland. Somaliland uma baahna suuba-salaax, waxay u baahantahay Samatar iyo kuwa la mid ah oo caalamka tusa in Somaliland ayna ku noqon doonin Somaliweyn oo ictiraaf iyo ictiraaf la’aanba ay halkeeda joogi doonto.

Professorka Safarkiisu waxa uu dhali doono ayay Soomaliland ka sugaysaa. Waxa lagu rejowayn yahay in uu Samatar ku soo waaya arkay tartankii u ka galay Muqdhisho. Waxa Dadwaynaha Somaliland sugayaan ajandaha u la shir imandoono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured