Qaab Dhismeedkii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, dheeliga, Dhaqaale-gariirka Iyo Dhagaraha Qarsoona Ilaha dakhli ee la Iska dhaxlay. Qore Cali Xuseen Jaamac

0
Friday September 21, 2018 - 18:33:12 in Wararka by
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaab Dhismeedkii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, dheeliga, Dhaqaale-gariirka Iyo Dhagaraha Qarsoona Ilaha dakhli ee la Iska dhaxlay. Qore Cali Xuseen Jaamac

    Qaab Dhismeedkii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, dheeliga, Dhaqaale-gariirka Iyo Dhagaraha Qarsoona Ilaha dakhli ee la Iska dhaxlay. Qore Cali Xuseen Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaab Dhismeedkii Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, dheeliga, Dhaqaale-gariirka Iyo Dhagaraha Qarsoona Ilaha dakhli ee la Iska dhaxlay. Qore Cali Xuseen Jaamac
Waxan jecelahay Maanta inaad bal inaan idiin sawiro ama hal picture aan idinka siiyo dalka markuu qabsaday Madaxweyne muuse biixi Xaalada uu taagnaa, waxa kale oo aan iyana sawir kale idinka siinayaa Talaabooyinka uu qaaday Madaxweynaha maanta jiraa iyo saamaynta ay lahaayeen maxaa positive maxaa negitive ahaa.
Haddii aan is yara dul taago sidee ayuu ahaa wadabku markuu qabsaday
1, wixii dakhli ahaa ee xerooday waa la sii cunay
2. Dakhligii soo socday ee soo xeroon lahaa isna 50%  wuu cunaa oo 180,000,000  usd dayn ah ayaa lagu wareejiyey.
3. Hantidii ma guurtada ahayd ee lagu dayn bixi lahaa iyana waa la sii iibiyey
4. Ilihii dakhligu ka soo xeroon lahaa iyana waxaa lagu wareejiyey ganacsato kala duwan,sida dekeda,haamaha , tigidhada cashuuraha , ariportka iwm 
Dalka xaaladiisu sidaas ayey ahayd sawirkaas markaad eegto waxaa la odhan karaa wadanku comma ayuu ku jiray.
Haddaba aan eegno madaxweyne muuse iyo talaabooyinka uu qaaday 
1. Wuxuu qaaday dagaalka tukaraq,
2. Wuxuu magacaabay wasiiro junior ah oo aan haba yaratee war iyo wacaal u hayn halka xaal taagan yahay
3. Waxaa laysku shaandheeyey wasaarado dhisna oo wasaarado kale laysku daray dhaman hay ado badan oo dhisna aya candhada laysu geliyey oo dib u dhis cusub lagu celiyey macne ku jirayna aanu jirin aan ka ahayn magacii wasaarada ayaa la bedelay shaqo cusub oo dib loogu noqday.
4. Waxaa kale  iyana beenawday madaxweyne muuse wadanku halkuu maraayo waa u xogogaal, talaabooyinkani waxay cadaynayaan inaanu waxba kala socon xaalada wadanka.
Kuwaas ayaan ka soo qaadanayaa talaabooyin ugu waaweyn ee madaxweynuhu qaaday waxaana la odhan karaa sadexdan qodob waxay sii huriyeen dhibaatooyinkii hore ee dawlada hore ka tagtay manay ahayn kuwo positive oo xaggii saxda ahayd loo qaaday .
Sidaa daraadeed todobadan qodob ee kala dambeeyey ee aan kor ku soo xusay waxay ahaayeen kuwo waxyeelo ahaa, mudadan dambe madaxweynuhu wuxuu ku dhaqaaqay talaabooyin dab damis u noqon kara 30% ka mid ah dhibaatooyinka aan soo sheegay, laakiin aan marnaba ma kefaynayaan baahida jirta waxaa ka mid ah kuwan
1.  Soo celinta ilaha dhaqaalaha dawlada , intii laga gaadhayo
2. Dakhligii soo galay oo si fiican loo ilaaliyey.
Waxaan ku soo gebegebaynayaa talo aan usoo jeedinaayo madaxweynaha markaan ka shidaal qaato halka xaalku maraayo, marka madaweyne xaalka wadanku caynkan oo kale noqdo lagagama baxo shilimaad cashuuraad ah oo wadanka ka soo baxa waxa lagaga baxa gacan caalamiya oo la helo iska fadhiga aad fadhido madaxtooyadu inama dhaqayso feker , ikhtiraac & hal abuur baa loo baahan yahay aynu kaga baxno asmada dhaqaale ee jirta ,talada aad isku koobtay iyo inamada yaryar ee aan waxba kordhinayn aad cugutay dalku markuu xaaladahan marayo looma dooro junior ee waxaa loo doortaa dad wax dhalin kara, waxna soo saari kara.
Waan kugu bogaadinayaa in waxa wadanka soo galaya loo kantrolo in kastoo ay iyana siyaasad ahaan ay waxyeeladeeda leedahay oo loo baahan marka wax aad loo cantrolo in xag kale wax laga sii daayo sida mushaharka shaqaalaha oo la kordhiyo ,wax qabad kale oo indhaha bulshada soo jiita loo la  sameeyo, sida iminka ay wasaarada beeruhu samaysay oo kale , isku miisaan ayey u baahan tahay. 
Gebagebadii madaxweyne fadhiga ka kaca oo dhaqdhaqaaq ha la sameeyo, dadka wax kordhin karana la tasho. 
W/ Q
Cali Xuseen Jaamac.
Hargeysa/ Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured