Maxaa Sabab U Ah Burburinta Falaasada Shaaha Ee Bulshada Soomaaliyeed Bilaabeen

0
Friday September 21, 2018 - 04:05:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 925
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sabab U Ah Burburinta Falaasada Shaaha Ee Bulshada Soomaaliyeed Bilaabeen

    Maxaa Sabab U Ah Burburinta Falaasada Shaaha Ee Bulshada Soomaaliyeed Bilaabeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Sabab U Ah Burburinta Falaasada Shaaha Ee Bulshada Soomaaliyeed Bilaabeen
Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan Falaasadahooda Shaaha iyagoo sheegaaya in ay ku jiraan saddex xabo oo kiniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka qaar ayaa jejibiyay Falaasadahooda Shaaha a iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqoyi bari Kenya.
Weriyaha BBC ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah dadka markii ay tarmuusyadooda jabinayeen, waxayna u sheegeen in hadda wixii ka dambeeyo aysan adeegsan doonin tarmuus balse jalmad ama kirli ay isticmaali donaan.
”Waxaan arkay gabdho deriskeyga ah oo tarmuusyadooda jabiyay oo sheegaya in ay ku arkeen saddex kaniin oo cudurka kansarka laga qaado, aniga keyga hadda ayaan jabin rabaa oo waxaan fiirin rabaa waxa ku jiro, saaka shaah kuma shubanin” sidaasi waxaa tiri Xariiro Xassan oo magaalada Garisso ku nool.
Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegaya in ula jeedada flaska loo soo geliyay kaniiniga ay tahay in "iyaga lagu laayo”, waxayna ku doodayaan in cudurka Kansarka uusan xilliyadii hore jirin oo haddana soo batay.
Xariiro Xassan ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu saaka ku yiri ” Hooyo wixii hadda ka dambeeyo, shaaha waan iska dhaafayaa, subixii canjeerada waxaan ku cabi doonaa biyo”.
Hadda dadka qaar ayaa baraha buulshada soo dhigaaya sawirro muujinaayo iyagoo shaaha ka shubanaaya jalmad ama kirli.
Si kastaba ha’ahaatee, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa ku baaqaya in ay dadka is dajiyaan madaama uusan waxaasi oo dhan waxbo ka jirin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured