Gaadiidka Waaweyn ee Waxka Qaada Dekedda oo Khaati-binafsi ka Taagan Urur Maafiyo ah Dhaqaale-baada ka Gurta, Ciidamo & Wasiir Gacan ku Siiya Tacadiyada lagula kaco Muwaadiniinta Gaadiidlayda Iyo Fariin Gurmad ah oo ku Socota Madaxweyne Muuse Biixi....

0
Tuesday September 18, 2018 - 03:39:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiidka Waaweyn ee Waxka Qaada Dekedda oo Khaati-binafsi ka Taagan Urur Maafiyo ah Dhaqaale-baada ka Gurta, Ciidamo & Wasiir Gacan ku Siiya Tacadiyada lagula kaco Muwaadiniinta Gaadiidlayda Iyo Fariin Gurmad ah oo ku Socota Madaxweyne Muuse Biixi....

    Gaadiidka Waaweyn ee Waxka Qaada Dekedda oo Khaati-binafsi ka Taagan Urur Maafiyo ah Dhaqaale-baada ka Gurta, Ciidamo & Wasiir Gacan ku Siiya Tacadiyada lagula kaco Muwaadiniinta Gaadiidlayda Iyo Fariin Gurmad ah oo ku Socota Madaxweyne Muuse Bii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidka Waaweyn ee Waxka Qaada Dekedda oo Khaati-binafsi ka Taagan Urur Maafiyo ah Dhaqaale-baada ka Gurta, Ciidamo & Wasiir Gacan ku Siiya Tacadiyada lagula kaco Muwaadiniinta Gaadiidlayda Iyo Fariin Gurmad ah oo ku Socota Madaxweyne Muuse Biixi....
Maafiyo isku magacowday inay yihiin Ururka Gaadiidlayda, ayaa dhibaato xoogan ku haya Muwaadiniinta Gaadiidlayda ah ee iyagu iska leh, Baabuurta waaweyn ee ka qaada badeecadaha kala duwan Dekedda Berbera.
Maafiyadan Ururka isku sheegtay, ayaa Magafayaal ku noqday Baabuurta Waaweyn ee waxka qaada Dekedda, kaddib markii ay Isbaaro hor dhigteen, kuwasoo Lacag badan oo dulmiya dul-dhigay Gaadhi kastoo badeecad ka qaadaya Dekedda iyo sidoo kale ganacsade kasta oo wax ku rarta Gaadiidkaa waaweyn ee Shacabku leeyahay.
Ma jirto wax sharciyad ah oo ay haystaan kooxdan Magafayaasha ah ee cunnaha u galay Gaadiidka Shacabka, isla markaana ku haya Hadidaad iyo dulmi joogto ah, waxanay sheegayaan sida laga helay xogo ka agdhow kooxdani, inuu qorshahan qaran jabka ah, ee Ururkan Maafiyadda uu kula shuraakoobay Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo sida la tibaaxay dhaqaalaha Baadh, ay u geeyaan Wasiir Cabdilahi Abokor.
Qaababka layaabka leh, ee Kooxdan Maafiyadda ahi, u dhibaateeyan Gaadiidka shacabka ee ay Baadda ka qaadayaan, ayaa ah in Gaadhigii ay doonaan u diidan inuu gudaha u galo dekedda oo wax ka qaado, Iyo sidoo kale inaanay Baabuurtu qaadin Alaabtiisa Ganacsadaha aan iyagga siinin Lacag gooniya, iyo weliba Hadii mid kamid ah Baabuurta waaweyn ee Tareelayaasha ama Waaradadu  uu gobolada kale rar ka helo, ay ka doonayaan rar kastaa oo aan dekedaba ahayn Lacag Baad ah, kuwasoo Gaadhiga diida Baadaasna aan u ogolaanayn inuu galo Dekada iyo inuu waxka qaadaba. Maadaama oo kooxdan Maafiyadda ahi, Baabuurtan waaweyn gaadhigii diida Lacagta Baadda ah ku balaminayaan Askarta Dekedda oo aanu geli karin, gaadhi aanay Lacag ka qaadin.
Hab-dhaqanka noocan Maafiyadda ah, ayaan hore uga jiri-jirin gaadiidka waaweyn ee waxka rara Dekedda Berbera, hase-yeeshee waxay Maafiyadani dilaacday tan iyo maalintii Wasaaradda Gaadiidka loo magacaabay Wasiir Cabdilahi Abokor, mana ah Urur dawliya oo diiwaan-gashan iyo sidoo kale Hayad dawladeed oo sharciya, balse waa dhaqan muddo hore ka suulay Somaliland, isla markaana ah dhaqamadii Daydaynimada ahaa ee jiri-jiray 1994-kii, markii Somaliland dawladnimadeeda la yagleelaayey.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Haayad kastaa oo ay khusayso arrimaha noocan ah, ayaa looga baahan yahay inay gacan-bir ah kaga hor-tagaan falalkan budh-cadnimada ah ee lagu hayo shacabka, gaar ahaana tacadiyada joogta noqday bilihii lasoo dhaafay ku bilaabmay Gaadiidlayda Muwaadiniinta ah, oo ay Ururkan Maafiyada ahi, kula kacaan boob dhaqaale. La soco qaybaha dambe oo ka waramaya dhibka laga dhaxlayo hadii aan degdeg wax looga qaban Maafiyadan iyo isku dhacyo amni darro sabaabi kara oo ka dhalan kara.
Saylacnews@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured