Aragtidayda iyo Warbixintii Wargeyska Foore Daabacay Ee Nadaafadda Saldhigyada iyo Fara-badnida Maxabiista. Akhriso: "Ajar iyo Xasanaad ayay FOORE iyo SONSAF Ku Helayaan Xogta Ay Faafiyeen" Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Sunday September 16, 2018 - 20:30:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aragtidayda iyo Warbixintii Wargeyska Foore Daabacay Ee Nadaafadda Saldhigyada iyo Fara-badnida Maxabiista. Akhriso: "Ajar iyo Xasanaad ayay FOORE iyo SONSAF Ku Helayaan Xogta Ay Faafiyeen" Siciid Maxamuud Gahayr.

    Aragtidayda iyo Warbixintii Wargeyska Foore Daabacay Ee Nadaafadda Saldhigyada iyo Fara-badnida Maxabiista. Akhriso: "Ajar iyo Xasanaad ayay FOORE iyo SONSAF Ku Helayaan Xogta Ay Faafiyeen" Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragtidayda iyo Warbixintii Wargeyska Foore Daabacay Ee Nadaafadda Saldhigyada iyo Fara-badnida Maxabiista. Akhriso: "Ajar iyo Xasanaad ayay FOORE iyo SONSAF Ku Helayaan Xogta Ay Faafiyeen" Siciid Maxamuud Gahayr.
Wargeyska Foore waxa uu shalay 15kii Sebtember 2018ka faafiyay warbixin uu ka xigtay qoraal ay diyaarisay dalladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, taas oo ku saabsanayd gol-daloolooyin ay leeyihiin ciidanka Boolisku. Judhiiba waxa ay boolisku eedo ku miiseen Wargeyska Foore, iyaga oo iska indha-tiray cidda diyaarisay ee SONSAF ah.

Waxa aan qirayaa in ay Foore iyo Dalladda SONSAFba xogtaas ay faafiyeen ay ku helayaan ajar iyo xasanaad. Ilaahay ha ugu dembi-dhaafo runta ay bandhigeen. Labada qodob ee ay ciidanka nabadgelyadu (bilaysku) ka warceliyeen waxa ay kala ahaayeen tira-badnida maxaabiista iyo nadaafad-xumada saldhigyada. Labaduba waxa ay run ku yihiin qoraalkii Foore iyo xogtii ay SONSAF faafisay. Yaa booqasho kugu geeya Saldhigyada Hargeysa sida Saldhigga Dhexe,  Gacanlibaax, Koodbuur, Qudhacdheer, Axmed-Dhagax, Daloodho, Xarunta Taraafikada  iyo C.I.D (Qaybta hore ee K”? Aniga ayaa huba inaad sanka is-qaban lahayd ama aad cabudhi lahayd. Gabadh baa tidhi "Ku kaaje ayaan nin u aqaannaa” car waa cidda indhaha loo saaro qudhunka la huursanayo.


Haayadaha xuquuqal-insaanka sida Somaliland Human Rights centre oo uu Guddoomiye ka yahay Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) waa laga mamnuucay inay gudaha u galaan ama arkaan xaaladda saldhigyada iyo maxaabiista, sida uu Garyaqaanku ii sheegay 2017ka oo aanu ka codsannay in uu soo booqdo Saldhigga lagu hoobanayo ee New Hargeysa.

Si aan marag uga furo warbixinta ay Foore daabacay, SONSAFna ay diyaarisay, booliskuna uu ka gubtay, waxa aan dul istaagi doonaa xaaladda nadaafadda iyo buux-dhaafka maxaabiista Saldhigga New Hargeysa oo ii jira wax u dhigma 500 tallaabo. Tan iyo 1999kii illaa 2017kii waxa la igu xidhay maalmo wadartoodu tahay 30 cisho. Xaaladdiisu 1999kii oo aan saddex saacadood ku xidhnaa ayay ugu fiicnayd, marba marka ka dambaysa way ka sii daraysaa. Maantana waxa uu marayaa heer lagu tilmaami karo geeri iyo god madaw.

Bal Akhri warbixintan ku saabsan caafimaad-darrada iyo ceeryoonka Saldhigga New Hargeysa:

Saldhigga New Hargeysa waxa uu ka kooban yahay lix qol oo raggu galaan iyo qol ay dumarku galaan. Waa xarunta ugu faya-dhawrka liidata Somaliland. Ciqaabta ka dhalata xorriyad-ka-qaadista waxa toban laab ka waxyeello badan hadimada ay sababayso nadaafad-xumadu. Toddobadaas qol waxa mararka qaarkood lagu daabulaa in ka badan boqol qof. Cidhiidhiga, buux-dhaafka iyo badnaanta maxaabiista awgeed waxa adkaata in la helo meel la jiifsado. Hawo-qaadashada ayaa liidata, qol walba waxa u bannaan wax taako ka yar oo cuntada iyo biyaha looga geliyo. Maadaama oo dadku badan yahay waxa qasab ah in kulaylku xadhkaha goosto. Dhididkii ka dareeray madaxayga ayaa hoos u dhaafay xundhurtayda.

Tiro-badnida maxaabiista waxa marag u ah in maalmaha qaarkood 43 ama 26 maxbuus subax qudha loo wada qaado maxkamadda. Buuqa iyo sawaxanka dadka sida xad-dhaafka ah qolku loogu cabbeeyay awgeed, dirqi ayaad il iyo baal isugu keenaysaa. Boqollaakaas waxa loo hayaa laba foosto oo biyo ah: cabitaan iyo maydhashaba, haddii ay maxaabiistu laastaan biyaha waxa lagu ganaaxaa harraad, uskag, weyso la’aan iyo istijo la’aan. Qolalka qaarkood ayay dhawr iyo labaatan qof ku jiraan, kuwo kale oo yaryarna dhawr ayaa isku dul raaran.

Qolka la igu xidhay iyo makhsin walba waxa dhex yaalla caagado lagu kaajo, heerka guddaafnimada waxa uu ka gaadhay mid aan la sheegi karin, maxaa qashin tuulan! Haash, garaabo, caagado iyo qudhun ayaa goglan. Marka ay dadka booqashada u soo socdaa albaabka ka soo galaan ayay sanka is-qabtaan "uf, meesha kaadi baa ka uraysa. Akhas, meeshu qadhmuunaa” ayay yidhaahdaan.

Intaas waxa ka sii daran dulinnada kala geddisan ee injirta, kaneecada, dukhaanka iyo takfida oo wehel kuu noqonaya. Malaha ilays habeenkii wax lagu arko, waxa la daaraa shamac muddo kooban shaqaynaya oo dema, maxaabiista ayaa qaba qarashkiisa. Haddii uu shamaco kaa demo waxa kugu soo degaya kumannaan kutaan/dukhaan, injir, kaneeco iyo kadeed-wade ah. Cayayaanku waa ay kaa hagaagaan, waxa lagu odhanayaa "dukhaanku waa askari loo qoondeeyay dhibta maxaabiista”. Waxa hawshan marag ka ahaa Shooki Madoobe-yare oo ahaa maxbuus nala xidhnaa, in aan markhaati uga dhigo hadimadan ayuu codsaday waayadii ay albaabbadu nalagu wada qufulay. Gidaarrada qolalka waxa dhalan-geddiyay qiiqa shamaca la shito. Guddaafad ayuu isu rogay guud ahaan.

Marka aad caagad ku taleejido waxa qasab ah in kaadidu kugu duusho, sidaas awgeedna waxa aad noqonaysaa nijaas. Maxaabiista laba jeer oo keliya ayaa suuliga loo sii daayaa. Haddii ay calooshu ku xanuunto waxa aad saxarada ku soo ridaysaa ‘bac’ kaddibna xaarka moorka ah oo afka maxaabiista loo yaqaanno ‘fiishtaanka’ waxa aad ka soo tuuraysaa daaqadda. Maalmihii aan caagadaha ku kaaji jiray oo dhanna waa aan gebagebaysan jiray marka aan tukanayo. Haa, ma nin uu duulduul gaadhay ayaa weyso lagu waajibiyay?

Halka ugu daran ee ay indhaha, maskaxda iyo sankuba ka didayaan waa suuliga. Waxa ku yaalla afar god oo buuxa, inta ay saxaradi xadka dhaaftay ayaa ay dibadda u soo baxday. Malaha biyo musqulaha lagu galo, haddii aad hal mirir ku jirto waxa aad ka baqaysaa in aad xanuunno ka qaaddo. Xilliyada qaar waxa lagu xaajo gutaa albaabka laga gelayo, malaha wax lagu xidho ee afar iyo labaatanka saacadoodba wuu furan yahay, qofka bannaanka maraya ayaa arka qofka fadhiya baytal-mayga silica ah.

Halkaas ayaa ay ragga iyo dumarku u kaltami jireen oo marba qolo loo hormeeyaa. Askariga ku ilaalinayaa waxa uu istaagayaa albaabka meel uu kaa arkayo, qofku xitaa ma qarsan karo cawradiisii uu xaqa u lahaa in uu asturo. Waxa ka dhalan kara xanuunno galaafta nolosha askarta iyo shacabka. Ma maqlayseen beryahan xanuun Eboola la odhan jiray? Waxa uu ka dhalanayaa nadaafad-xumada ka jirta Saldhigga Xaafaddayda New Hargeysa. Dhawaan ayaa haweenka loo sameeyay musqul gaar ah. 

Ciidanka Boolisku waxa ay il-duufeen in ay sameeyaan dad faya-dhawrka ka shaqeeya, oo hagaajiya meelaha mahuraanka u ah. Tani iyaga dhib kuma hayso, waxa ay askartu leeyihiin laba suuli oo gaar ah. Waa meel u baahan in la tuso Haayadaha ka shaqeeya Caafimaadka adduunka iyo damiirka nool ee rejada ka leh dadka iyo dadka Somaliland.

Wax yaab ah in nadaafadda xerada ay ka shaqeeyaan carruur kaba-caseeye (baalashleyaal) ah oo dibadda xoog lagaga soo ururiyo aroorta hore. Inta qasab lagu hawl-geliyo ayaa dhawr kun loo taagaa, waa addoonsi aan indhahayga ku arkay. 

Askartu waxa ay xerada xaadhaa marka ay maqlaan waxa imanaya Haayadaha Xuquuqal-insaanka, Saraakiisha Booliska iyo cid ay ka baqanayaan oo kale. Waxa aan arkayay wiil lagu qasbay in uu biyaha dhaamiyo oo gudaha la dhigay, ma qori-caaradii ayaa ummadda lagu adeegsanayaa?. Markii uu diiday in uu qabto shaqadaas aan dawga loogu lahaynna gudaha ayaa la dhigay, annaga ayaa ka ergaynnay in la sii daayo. Soo-jeedintaasna waa nalaga guddoomay/yeelay. Dadka qolalka ku jira waxa la odhanayaa "dharka ma maydhina”. Haddii ay biyuhu goaanna way adag tahay in askariga u xilsaarani uu mar labaad kuu soo dhaamiyo.

Maalmaha qaarkood bannaanka ayaan fadhiyay, dharaaro kalena waxa aan ku xidhnaa qol loo dhisay kaydka buugaagta oo aan sinaba ugu habboonayn in xabsi laga dhigo ama aadame lagu xareeyo, kuwo kalena waxa ay bilo iyo sannado ku xidhnaayeen dhismeyaal ahaa suuliyo/musqul, inta godkii la awday ayaa muwaaddiniin lagu cabbeeyay. Rugtii Kutubta Hargeysa ee garaadka lagu kobcin jiray Somaliland u geddiday goob dadka lagu ganaaxo. Halkii caqliga lagu korinayay ayaa ummadda lagu ciqaabaa.

Walaw ay ganacsatada deegaanku isku dayeen in ay iskood u qurxiyaan dhiska, waxa horjoogsaday Cabdillaahi Fadal Iimaan oo falkaas u arkaya mashruuc aanay isaga waxba ugu jirin. "Wuxuu ka biya-diiday in la fuliyo qorshe aanu maaliyaadda ku baxaysa wax ka dhex qadhaabsan karin” ayuu yidhi askari saacadaha dambe afka furtay.

Waxa la ii sheegay in qolalka la buufiyay maalmo aan hantaaqada ka jirta baahiyay, sidoo kale waxa marmar la dhigay daaradda dambe oo marka ay qoydo uskaggu is qabsan jiray. Buufintaasi ma ay tirtirin faya-darradii barada halaagga ah.

Habeennadii aan ka yaabay sida xaalkeedu yahay ayaan ku maaweelooday:
Samatare waddaniyaad
Seellada xabsiga iyo
Saldhiggii taxaabteen
Suuligu ma hoygiyo
Halka uunku seexdaa?
Haddii aan la sarakaco
Inaan suugga weyn rido
Ma sun baad u aragteen?
Sufuudhiyo qadhmuunkuu
Sanku urinta diidaa
Ma siraad la’aanbaa?
Dulinnada siqaayiyo
Injir suudalaysiyo
Kutaan dhiigga siibtiyo
Takfi sararta nuugtana
Saaxiib ma noqoteen?
Saxadana dhan laga dayo
Sagxaddaa u heego ah
Sikhraan iyo ma tuug baan
Sabo kula caweeyaa?
Anigoon sagsaag noqon
Saldhig iyo dar baa jeel
Sabo fiican moodee
Wakhtiyadu sirgacanaa!

Ugu dambayntii waxa aan ugu baaqayaa xeer-ilaalinta qaranka iyo golaha garsoorka in aanay dhegta u raaricin tiraabta indha-isku-qabadka ah ee ciidanka booliska, oo u muuqata ilmadii yaxaaska "crocodile tears”. Haddii loo baahdo in aan sii faalleeyo faya-xumada iyo fara-badnaanta maxaabiista saldhigyadana waan sii falaqayn doonaa idanka Alle.
Siciid Maxamuud Gahayr.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured