Wasiirka Maaliyadda Oo Sameeyay Wax-ka-beddel, 4 Jeerna Kor U Qaaday Cashuurta Numberka Gawaadhida Iyo Shacabka oo Indhaha ku Haya Fal-celinta Baarlamaanka ee Cashuuraha Qayrul-sharciga ah...

0
Friday September 14, 2018 - 02:29:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Oo Sameeyay Wax-ka-beddel, 4 Jeerna Kor U Qaaday Cashuurta Numberka Gawaadhida Iyo Shacabka oo Indhaha ku Haya Fal-celinta Baarlamaanka ee Cashuuraha Qayrul-sharciga ah...

    Wasiirka Maaliyadda Oo Sameeyay Wax-ka-beddel, 4 Jeerna Kor U Qaaday Cashuurta Numberka Gawaadhida Iyo Shacabka oo Indhaha ku Haya Fal-celinta Baarlamaanka ee Cashuuraha Qayrul-sharciga ah...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Oo Sameeyay Wax-ka-beddel, 4 Jeerna Kor U Qaaday Cashuurta Numberka Gawaadhida Iyo Shacabka oo Indhaha ku Haya Fal-celinta Baarlamaanka ee Cashuuraha Qayrul-sharciga ah...
Hargeysa(Xogreebnews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa 13-kii Sembtember 2018-ka soo saaray warqad ciwaankeedu yahay "Wax-ka-beddelka tacriifadda numberada cusub ee gaadiidka”. Waxa uu kordhiyay afar laab qaarkood, Tusaale ahaan gaadiidka afar taayirleyaasha oo ahaa 285 kun waxa uu ka dhigay hal mliyan oo lacagta shilinka Somaliland ah.
Waxa uu sidoo kale jideeyay in gaadhi kasta tirsiga lagu beddelayo lacag dhan 600,000 SL/SH. Taasina waxa ay culays ku tahay guud ahaan ummadda Somaliland ee gaadiidledya ah. 
Waxa ayaan-darro ah in wasiirku waxqabad u arko cashuurta oo lagu kordhiyo gaadiidleyda kala geddisan ee Somaliland iyo shacabka danyarta ah oo u 6 bilood gudahood afar jeer cashuuro kala duwan ku kordhiyey, haday badeecado tahay Iyo hadii ay waxyaabaha baahiya aas-aasiga ah tahayba.
Waxana hore gaadiidleyda loo saaray cashuuro ay ka mid yihiin cashuurta gaadhiga, cashuurta liisanka, beddelka liisanka iyo beddelka buugga gaadhiga, waxa mar kale laga rabaa lacag xaddigeedu badan yahay oo lagu siinayo numberada cusub ee gawaadhida. Waxa sidoo kale la kordhiyay lacagta cashuurta ah ee laga qaado gawaadhida cusub ee ka soo degaya dekedda Berbera, taasina waxa ay sababtay in kala go’ ku yimaaddo baabuurtii ay muwaaddiniintu dibadda ka keensan lahaayeen iyo in guud ahaan qiimaha gawaadhidu kor u kaco.
Lama oga tallaabada ay tan kaga falcelin doonaan ganacsatada soo dejiya gawaadhida ee macradyada oo sannadkii 2015-ka ka qayliyay bir la sheegay in la dhigay dekedda Berbera oo hubinaysa tayada baabuurta. Waxa aan sidoo kale caddayn tallaabada ay kaga jawaabi doonaan Golaha Wakiillada Somaliland oo saamayn ku leh sharci ahaan ansixinta cashuuraha iyo waxka bedelkooda, kuwasoo oo hadda shacabku indhaha ku hayaan inay waxka qabtaan arrimaha noocan oo kale ah.
Shabakada Warbaahinta Xogreebnews.com 
Office Hargeysa/ Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured