"... HALKII AYNU IRBAD MARINO ,WAA INAYNU AWR MARINAA... Xukuumad, Xisbiyo,& Aqoonyahanba, Sidee aanu inooga xidhmin Albaabkaas inoo furmay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
"... HALKII AYNU IRBAD MARINO ,WAA INAYNU AWR MARINAA... Xukuumad, Xisbiyo,& Aqoonyahanba, Sidee aanu inooga xidhmin Albaabkaas inoo furmay". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule
Waxaan wax lagu diirsado aan ku tilmaamayaa fursadaha qaaliga ah ee ay ka soo hooyeen dalka Sucuudi Areebiya M/kuxigeenka jamhuuriyada Somaliland iyo Waftigii Qiimaha Badnaa ee isugu jiray Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee Gudanaayey waajibaadkii sanadkan,kuwaasoo ku talaabsaday guulo muhiima, furayna Albaab ay jamhuuriyada Somaliland aad ugu oomanayd, oo inaga xidhnaa tan iyo intii xoriyadeena la soo noqonay.
Somalidu waxay ku maahmaahdaa in rag karo ayaa reer u dhintaa, fursada waxaa ka shaqeeyey rag Somaliland u dhashay wadanka sucuudi areebiya degan, waxaan iyana leeyahay alle hadin barakeeyo wax wanaagsan baa samayseene, kolkay sidaa tahay waxay is waydiintu tahay Maxaa inala gudboon xukuumad, Xisbiyo,& aqoon yahanba, Sidee aanu inooga xidhmin Albaabkaas inoo furmay ?
Waxay iila muuqataa inay wasaarada arrimaha debedu dardar geliso, sidii si balaadhan loo geli lahaa intaas inoo furan tay iyadoo ka faa iidaysanaysa dadka wadanka u dhashay ee dhalashooyinka sucuudiga ah haysta oo ah tirada ugu badan ee somaliyeed ee wadankaas degan, & ganacsatadeena waxaa loo baahan inaynu dadaalkeena duldhigno inaanu inaga xidhmin mar dambe balse aynu aad u faadhfaadhno xidhiidhkeenii, ganacsigeenii iyo isku xidhnaanshihii inaga dhaxayn jiray sucuudi areebiya
Waxaa hubaal ah xidhiidhka somali iyo sucuudiga ka dhaxayn jiray waxaa bud dhig u ahaa amaba unug u ahaa bulshada ka soo jeeda Somaliland.waxaa arrinkeenu yahay halkii irbadi inoo marto inaynu awr raran marino.
Gebegebadii xidhiidhka Sucuudigu wuxuu inooga muhiimsan yahay xidhiidhkasta oo aynu samayno, xidhiidhka ka bilowda meesha ay ugxan hore kuu taalo, wuxuu ka muhiimsan yahay xidhiidh cusub oo yabyab ah, waxaan kaga baxaya waxaa inala gudboon nin irbadkeena, nin awrkeena , nin arrinkeena ,& nin aduunkeena waa inaynu gurmad galaa, oo ka hadhnaa dhaleecaynta aan wax kasoo kordhayaa jirin, xukuumaduna waa inay noqotaa hooyadii wax waloo la keeno halkii lagu ururinaayey ee qaabaynaysay.
Leave a comment |
|