Madaxweyne Muuse Biixi oo La Filaayo Inuu Safar Diyaaradeed ku Tago Magaalada Ceerigaabo Iyo Xubno Wasiiro ah oo Abaabul Soo dhoweyn ah ku Mashquulsan....

0
Wednesday September 05, 2018 - 04:58:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo La Filaayo Inuu Safar Diyaaradeed ku Tago Magaalada Ceerigaabo Iyo Xubno Wasiiro ah oo Abaabul Soo dhoweyn ah ku Mashquulsan....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo La Filaayo Inuu Safar Diyaaradeed ku Tago Magaalada Ceerigaabo Iyo Xubno Wasiiro ah oo Abaabul Soo dhoweyn ah ku Mashquulsan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo La Filaayo Inuu Safar Diyaaradeed ku Tago Magaalada Ceerigaabo Iyo Xubno Wasiiro ah oo Abaabul Soo dhoweyn ah ku Mashquulsan....
Hargeysa(Xogreebnews- Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo laga helay qarsiga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in la filaayo Madaxweyne Muuse Biixi inuu maalmaha soo socda Safar ugu bixi doono magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.
Wararku waxay tibaaxeen in Madaxweyne Muuse Biixi, Safarkiisu noqon doono mid ka duwan safaaradii lagu yaqaanay Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray iyo qababkii ay ku tagi-jireen markay safar ugu baxayaan gobolada gudaha, waxanay xogguhuu sheegeen inuu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Safarkiisan Ceerigaabo noqon doono mid xaga cirka.
Wararku waxay intaa raaciyeen Diyaarada Madaxweynaha u qaaday Degmda Ceerigaabo inay tahay mid uu wakiilka yahay Wiil uu Abti u yahay oo lagu Magacaabo Cabdiqafaar. Kaasoo sida xogguhu tibaaxeen soo diyaariyey Barnaamijka safarka Ceerigaabo ee Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana xubin firfircoon oo nusdambeednimo ah ku leh tallada uu qaranka u hayo Abtigii, kaasoo door weyn ku leh qaabka magacaabista xilalka Xukuumadiisa.
Si kastaba ha-ahaatee Safarkan la filaayo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ku tago xarunta gobolka Sanaag, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo xaaladaha amni daro iyo tabashooyinka is-daba tuulan ee dadweynaha deegaanadaasi ka tirsanayaan Xukuumadiisa iyo weliba Jabhada Cor Caaree oo gobolkaas saameyn xoogan ku yeelatay, sidoo kale waxa todobaadkan Xukuumadu Ciidamo tiro badan ay kusii daabulaysaa Magaalada Ceerigaabo boqolaal Ciidamada qaranka ah lagu daad-gureeyey, wallow la sheegay in xubno wasiiro ah oo u dhashay Sanaag inay diyaariyeen soo dhoweyn dhoola-tus ah oo lagu qaabili doono Madaxweynaha iyo Waftigiisa.
Saylacnews
Saylacnews@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured