Siyaasi Faysal Cabdiraxmaan oo Falanqayn ku Sameeyey laba Qodob oo Kamid ahaa Waraysigii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

0
Wednesday September 05, 2018 - 04:46:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Faysal Cabdiraxmaan oo Falanqayn ku Sameeyey laba Qodob oo Kamid ahaa Waraysigii Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

    "... Jamaal Cali Xuseen isagoo raacaya Dhabadii Marxuum Cigaal jeexay oo uu iska soo sharaxay Xisbiga UDUB oo ay garabka weyn iyo cudud u ahaayeen beesha H.Y inkastoo oo uu ahaa xisbi bahweyn ah, laakiin taasi way suurto gali wayday markii Siyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"... Jamaal Cali Xuseen isagoo raacaya Dhabadii Marxuum Cigaal jeexay oo uu iska soo sharaxay Xisbiga UDUB oo ay garabka weyn iyo cudud u ahaayeen beesha H.Y inkastoo oo uu ahaa xisbi bahweyn ah, laakiin taasi way suurto gali wayday markii Siyaasi Cali Warancade uu xisbiga isku garbo duubay aakhirkiina uu isagu dumiyey,isla mar labaad Jamaal waxa uu iska soo sharaxay Xisbiga Ucid oo uu jaanis labaad oo wada shaqayneed tusay isla beesha Garxajis,taasina way u suurto gali wayday markii uu Eng faysal cali waraabe uu isku garbo duubay xisbigii". Eng Faysal Cabdiraxmaan.
Jamaal cali xuseen Barnaamijkii Horn cable oo sifiican xalay u daawaday waxa uu siyaasigu falanqeeyay xaalada dalku maraayo oo uu meelo badan ka taabtaabtay, runtii hadaan soo qaado laba qodob oo siyaasigu ka hadlay waxa ka midaa in markii hore ee uu siyaasada uu soo galay uu rabay inuu sii wado  dhabadii Marxuum Cigaal jeexay taas oo uu iska soo sharaxay Xisbiga UDUB oo ay garabka weyn iyo cudud u ahaayeen beesha H.Y inkastoo oo uu ahaa xisbi bahweyn ah, laakiin taasi way suurto gali wayday markii Siyaasi Cali Warancade uu xisbiga isku garbo duubay aakhirkiina uu isagu dumiyey,isla mar labaad Jamaal waxa uu iska soo sharaxay Xisbiga Ucid oo uu jaanis labaad oo wada shaqayneed tusay isla beesha Garxajis,taasina way u suurto gali wayday markii uu Eng faysal cali waraabe uu isku garbo duubay xisbigii ,isagoo ka si fiican wax u fahansiinaya dadka waxgaradkaa ee dhaliila siyaasadiisa ayey duurxulidiisu ahayd, horeba waan iska soo sharaxay Udub iyo Ucidba muuse qabyaalad kuma raacin ee waxaan u arkay qof kaliyee maanta loo baahan yahay markaan sadexda xisbi ee tartamaayey eegay ayuu yidhi hadal sidaa u eeg,waxa uu hadalkaa Aqoonyahanku u yidhi in uu wax fahansiiyo dad maangaab ah oo ku dhagay hadal uu Jamaal ka yidhi beeritaankii uu ku biirayey xisbiga Kulmiye oo ahaa muuse Geelyaga baa iskugukay jira,taas oo siyaasigu ugu jeeday doorkan muuse baanu isku mamda nahay oo aanu wax wadan karnaa,siyaasuguna mamda iyo interest buu wax ku doortaa ee qabyaalad waxba kuma jaro,Soomalidu waxay tidhaahdaa qof kastaaba wuxuu yahay buu ku moodaa.
Jamaal isagoo Caare Xaqdarada uu sheeganayo u garaabaya ayuu hadana tusaale fogba muu dooninee waxa u Caare hawada u mariyey in Jago madaxweynanimo oo uu xaq u lahaa cadaalad daro awgeed laga faro maroojiyey isla markaana cadaalad daroweyn loo raaciyey laakiin uu eegay danta weyn iyo in hore loo socdo ay ka wanaagsan tahay wax uu shaqsi helo.
Ugu danbay Jamaal waxa uu waraysigiisa kaga hadlay hadalo ay dhibsadeen raga qaar oo ah in madaxweynuhu sanadkiina la xisaabtamo golahiisa wasiirada oo uu qiimiiyo wixii qiimaha ku dhaca ee shaqada qaranka ka soo bixi waaya uu badalo,arinkaasina waxay cabaad kaga siidaysay  rag aqoontooda iyo qalinkooguba liito oo doonayn in arinkaa laysku taabtaabto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured