Hambalyo Waxqabadka Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Qalab Baahi-weyn loo Qabay Keenay Dekedda Berbera. W/Q Saki Saleeban Xasan

0
Sunday September 02, 2018 - 03:07:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Waxqabadka Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Qalab Baahi-weyn loo Qabay Keenay Dekedda Berbera. W/Q Saki Saleeban Xasan

    Hambalyo Waxqabadka Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Qalab Baahi-weyn loo Qabay Keenay Dekedda Berbera. W/Q Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo Waxqabadka Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Qalab Baahi-weyn loo Qabay Keenay Dekedda Berbera. W/Q Saki Saleeban Xasan
Bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay, waxan qaybaha Warbaahinta Somaliland ka daalacday guulo waaweyn oo aynu qaran ahaan u gaadhnay, waxana darajadaasi tahay mid dheefteeda aynu wada leenahay.
Waxan Bishii Hore daawaday Taag casriya oo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi usoo iibisay Dekeda Berbera, kaasoo wata qalabyo dheeraada. Sidoo kale waxan jimcihii Ina dhaafay isna daawaday, warbixin ka hadlaysay Markabkii ugu weynaa Taarikhda Somaliland abid oo kusoo xidhay Dekedda Caalamiga åh ee Berbera. Labadaa qodoba waxan odhan karaa waa guul iyo horumar balaadhan oo aynu wada leenahay, waana taarikh Iyo diiwaan u qormaaya waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi, oo nasiib u yeeshay.
Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, waxa uu ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun.  Markabkii jimcihii kusoo xidhay dekedduna waxa saarnaa 50,000 oo tan badeecad gaadhaysa. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya. Iyadoo aanay Dekedda Berbera kusoo xidhan jirin maraakiibtan xajmigoodu gaadhayo halkan aan sheegnay.
Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dab-demiska (Syma boats). Sidoo kale, Pilot boat oo casri ah, kaasoo qadaya pilots Somaliland si ay u so xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.
W/Q
Aqoonyahan 
Saki Saleeban Xasan
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured