Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Si Cilmeyeysan uga faallooday arrimaha Sixir-barar Dalka Aafeeyey iyo Xalka Wax Lagaga Qaban-karo oo u Farta Ku Fiiqay....

0
Saturday September 01, 2018 - 22:07:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Si Cilmeyeysan uga faallooday arrimaha Sixir-barar Dalka Aafeeyey iyo Xalka Wax Lagaga Qaban-karo oo u Farta Ku Fiiqay....

    Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Si Cilmeyeysan uga faallooday arrimaha Sixir-barar Dalka Aafeeyey iyo Xalka Wax Lagaga Qaban-karo oo u Farta Ku Fiiqay....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Kayd Cabdilahi oo Si Cilmeyeysan uga faallooday arrimaha Sixir-barar Dalka Aafeeyey iyo Xalka Wax Lagaga Qaban-karo oo u Farta Ku Fiiqay....
Hargeysa(Xogreebnews) Siyaasi Kayd Cabdilahi, ayaa si cilmeyeysan uga faallooday arrimaha Sixir-barar dalka, waxanu soo saaray qoraalkan. 
"...Waxaan jecelahay inaad maanta wax yar ka idhaahdo sixir bararka, waxaa u sabab, waxa xalkiisu iila muuqdo, ama aan runta isu sheegno, ama lakala baqanee, waxaan is yara Guud taagayaa xaggee ayey lacagta adagi inaga soo geli jirtay :
1, lacagta inaga soo gasha iibka xoolaha nool & cashuuraadkooda waxaan ku qiyaasayaa inay tahay 55% doolerka wadanka soo gala.
2. Lacagta qurbaha ka timaada ee biilasha lagu qaato 25% doolerka wadanka soo gala
3. Lacagta hay'adaha somafalku wadanku soo geliyaan 15% doolerka wadanka soo gala
4. Cashuuraadka ka soo hoyda shidaalada & dekeda 5%
Inta aanan xusin halka uu ka baxo waxaan jecelahay inaan iftiimiyo doolerka ina soo gala ma inagu filan yahay, waxaan kaga jawaabayaa wuxuu baahideena kafayn karaa 70%: Marka aynu basrisano ee aynu cantrolano, haddaba xagguu ku baxaa Dakhligaasi;
1. 25% wuxuu ku baxayaa qaadka inaga soo gala dalkan aynu jaarka nahay Ethopia waxa kaliya ee inooga soo noqdaa waa commissions ka ay qaataan kuwa keena ay wadanka wax kaga dhistaan oo ka noqonaysa 3% inta kale way inaga wada baxdaa.
2. 30% waxay inagaga baxaan badeecadaha debeda laynooga keeno ee tijaarta iyo ganacsatadu iibiso, waxa keliya ee aynu helaa waa cuntooyinkaa aynu cuno iyo wax la mid ah
3. 25% waa lacagta ku jirta electroniga oo aan iyana wax yaala iyo wax maqan mid aanay cidna u xisaabsanayn waxaase lagu lagu qiyaasaa inay wax ka yar 10% ay wadanka ku dhex wareegayso, inta kalena ay wadanka ka baxsan tahay.
4. Xawaaladaha oo ah marinka ay soo maraan lacagta debedaha laga soo diraa, lacagtii la soo diray waxay taalaa debedaha oo wadanka wax yar baa ka soo gala ta ay bixiyaan waa wixii wadanka yaalay inkastoo ay debedaha ka bixiyaan wixii wadanka laga qaadi lahaa, taasi way isku wareegtaa uun waxba badan isma dhaafaan, waxayse khatar tahay marka xawaaladuna elecronic noqoto.
Haddaba guud ahaan lacagta inagu dhex wareegaysaa waa 20%% inooga baaqi ah iyo 3% da commission u qaataan qolada qaadka keenta iyo 10% ka mid lacagta electroniga ku jirta guud ahaan waa 33%, 67%na way inaga maqan tahay.
Marka ay xooluhu is taagan ee dakhligii xooluhu yarado waxaa meesha ka baxaysa ilaa 20% , haddii lacagihii debeda laga soo diri jiray ay is dhimaan iyana way sii yaraynaysa.
Markaas somalidu waxay ku maahmaahdaa naftaada Ceedhin looma qariyo, aduunkuna inaga oo keliya maaha dad sida aynu u nool nahay u nool oo leh maxaa sarrifku iigu kacay maxaa sidani sidaa u noqotay inaga mooye ma jiraan , Umaduhu xaqaaiqa ayey wajahan waxooda ayey cantrolan shilinka ka baxaya iyo ka soo gelaya ayey isu miisaamaan haddii meel wax ka dhimaan halkii ay ka kordhin lahaayeen ayey sameeyaan, dal nin waliba isagu dawlad yahay oo aan cidi la hadli karini meel ma ma gaadho, waxbana inoo tarimayso dawlad lagu eedeeyaa haani gunta ayey ka tolantaa, waxaad moodaa inaynu madax iyo minjo ku tashanay inaynu toobalcaaro ku noolaano.
Waxaan kusoo gebagebaynayaa inaynu sadex talaabo aynu qaadno ayaa muhiima:
1. Qaadka wadanka soo gelaya hala yareeyo oo inta 12ka horaysa yaanu qaad wadanka imanin, 5ta galabnimo waxa ka dambeeyana yaanuu soo gelin.
2 . Lacagta somaliland iyo lacagta birtu hays gooyaan oo qaadka marka lagu iibsado somaliland ,ha ku sarrifanto Birr si ay qaad u soo goyso.
2. Laf dhabar dhaqaalaha somalidu waa xoolaha nool awood hala saaro geed dheer iyo geed gaaban in xoolaha nool sidii ay u dhoofi jireen iyo si ka badan ay u dhoofaan, waxaad ogaataan badeecada ka soo degaysa dekeda berbera ee Continarada ku jirtaa inaanay ahayn dakhli ee ay yihiin kharash, waxaynu rabnaa inaynu kordhinana waa dakhliga .
3. Lacagta electroniga ku jirta inay accounada bananka ku jirto cashkoodu oo ama kuwooda banankooda ha noqoto ama ka dawlada ha noqotee lacag la taaban karaa ay accounada ku jirto oo xisaabteeda iyo controlkeedaba ay dawladu hayn karto.
Dadka muwaadinka ah dhibaatadu iyagay saamaynaysaaye waa inaanay qof taageerin ee ay dantooda taageeraan, dawladuna waa inay xooga saartaa inay bulshada u kala cadaato wixii dantooda ah, wixii aan dani ugu jirin. Kayd Cabdilahi Xandule.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured