Safiir Baashe Morgan oo Diidan Inuu Safiirka Cusub ee Imaaraadka ku Wareejiyo Xilka Safaraada + Ex Madaxweyne Siilaanyo oo u Ergo ugu Kaxaystay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo kala Khabbaynta Saamiyadii uu ku Qarsaday Dp World...

0
Thursday August 30, 2018 - 01:52:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiir Baashe Morgan oo Diidan Inuu Safiirka Cusub ee Imaaraadka ku Wareejiyo Xilka Safaraada + Ex Madaxweyne Siilaanyo oo u Ergo ugu Kaxaystay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo kala Khabbaynta Saamiyadii uu ku Qarsaday Dp World...

    Safiir Baashe Morgan oo Diidan Inuu Safiirka Cusub ee Imaaraadka ku Wareejiyo Xilka Safaraada + Ex Madaxweyne Siilaanyo oo u Ergo ugu Kaxaystay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo kala Khabbaynta Saamiyadii uu ku Qarsaday Dp World...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir Baashe Morgan oo Diidan Inuu Safiirka Cusub ee Imaaraadka ku Wareejiyo Xilka Safaraada + Ex Madaxweyne Siilaanyo oo u Ergo ugu Kaxaystay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo kala Khabbaynta Saamiyadii uu ku Qarsaday Dp World...
Hargeysa(Xogreebnews)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Imaaraadka carabta oo dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, u bedelay dalka Kenya Baashe Cawil (Morgan), ayaa ka warwareegaya inuu Safiirka cusub ee Imaaraadka loo magacaabay ku wareejiyo xafiiskii uu Somaliland uga Wakiilka ahaa ee Dubai.
Ma jiro War si rasmiya uga soo baxay dhinacyada ay khusayso, hase-yeeshee Ilo-wareedyo looga qaateen ah oo ku dhow-dhow labada Safiir ee xilalka la kala wareegaya, ayaa Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com, u sheegay inuu Safiirkii hore ee Imaaraadku aanu diyaar u ahayn inuu sameeyo xil-wareejinta, waxanay xoggaha la xidhiidha Warkani tibaaxeen in Safiir Baashe muddo bil ka badan qabsaday In dib loogu dhigo Xil kala wareegintiisa.
Dhinaca kale, Warar u dhuun-daloola Madaxtooyadda, ayaa Shabakada Xogreebnews.com u sheegay in Safiir Baashe ergo usoo Kaxaystay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo isagga Sodog u ah, kaasoo Madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay bedelka wiilka uu sodogga u yahay, wallow aakhirkii Axmed Siilaanyo sida illuhu tibaaxeen dal baday ilaa laba bilood in laga sugo Xil wareejinta safiir baashe, waxanay xoguhu tilmaameen inuu Ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo, sheegay inaanu jirin shaqsi buuxin kara arrimaha uu Imaaraadka u joogay Safiir Baashe, sidaad daraadeedna codsaday muddo kaddib inuu ku celiyo safaarada Imaaraadka.
Wararka laga helay Safiir Baashe, ayaa intaa ku daray inuu si weyn uga xumaaday Bedelka Madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey, isagoo saluugsan inuu qabto xilka safiirnimada Kenya ee loo bedelay, hase-yeeshee waxa uu Amb. Baashe Cawil labadii todobaad u dambeeyey uu ku mashquulsanaa kala meelayntii hawlo qarsoon oo u dhaqaale badani kasoo geli jiray.
Si kastaba ha ahaatee, Safiir Baashe Cawil, ayaa Kamid ahaa Shoofeeradii Xukuumadii Sodoggii Madaxweynaha ka ahaa, isagoo ku suntanaa Dilaalista iyo keenistii Dp World Xukuumadii hore ugu gacan-gelisay Dekeda Berbera. Waxana lala xidhiidhiyaa inuu wakiilka yahay Saamiyo qarsoon oo lå sheego inay dhinaca Dp World ku qarsadeen qoyska Madaxweynihii hore oo u la xidid yahay, sidoo kale Safiirkii hore Imaaraadka Baashe Morgan, ayaa si weyn loogu eedeeya inay jeebkiisa ku dhacdo lacagayow badan oo Dawladda Imaaraadku Somaliland siiso. Xogreebnews.com Office London.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured