Hadii uu Madaxweyne Biixi isku Shaandhayn ku Sameynayo Golaha Xukuumadiisa, Maxaa iska Bedeli kara Tabashooyin iyo dayaca shaqo ee Golihiisani dhaxal-siiyeen dalka,Mase dareensan yahay Xaalada halista ah u galay Waanku...?

0
Tuesday August 28, 2018 - 02:55:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadii uu Madaxweyne Biixi isku Shaandhayn ku Sameynayo Golaha Xukuumadiisa, Maxaa iska Bedeli kara Tabashooyin iyo dayaca shaqo ee Golihiisani dhaxal-siiyeen dalka,Mase dareensan yahay Xaalada halista ah u galay Waanku...?

    Hadii uu Madaxweyne Biixi isku Shaandhayn ku Sameynayo Golaha Xukuumadiisa, Maxaa iska Bedeli kara Tabashooyin iyo dayaca shaqo ee Golihiisani dhaxal-siiyeen dalka,Mase dareensan yahay Xaalada halista ah u galay Waanku...?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii uu Madaxweyne Biixi isku Shaandhayn ku Sameynayo Golaha Xukuumadiisa, Maxaa iska Bedeli kara Tabashooyin iyo dayaca shaqo ee Golihiisani dhaxal-siiyeen dalka,Mase dareensan yahay Xaalada halista ah u galay Waanku...?
Hargeysa(Xogreebnews)-Dad badan oo kamid ah Shacabka Somaliland ayaa inta badan kusoo celceliya in Madaxweynaha Xiligan haya talada dalka Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu isku Shaandheyn ku Sameynayo Golihiisa Xukuumadda ee uu horaantii soo Magacaabay Kadib markii Dareeno badani kaga soo noqdeen Dhinaca Saami qeybsiga Bulshada Somaliland oo Rayul-caamku u badan yahey in aaney aheyn mid ay iska wada dhex arkayaan Umadda Reer Somaliland laakiin Madaxweynuhu sadbursiimo ugu Sameeyay Beesha uu Kasoo jeedo iyo Beelo Kale oo ay Iskaashi Siyaasadeed Wada Dhigteen.
Inkastoo Shacbiga had iyo jeer hadalhaya in Madaxweyne Biixi isku Shaandhayn ku Sameynayo Golihiisa Xukuumaddu, aaney Marnaba Qaldaneyn islamarkaana, u
muuqdaan kuwa Wali lexejeclo ka Qaba Somaliland lawada leeyahey  iyo Sidii ay kusoo caana maashey Mudo dheer Geedi Socod kasta oo ay kaga Soo gudubtey Marxalado kala Duwan haddana marka hoos loogu dhaadhaco Xaqiiqda dhabta ah ee ka Shisheeya Humaaga Shacabku ka Bildhaansanayaan Xukuumadan Waxa ay Runtu tahey, in aaney marnaba dhaceynin xataa hadii u holado in uu Mar kale gacanta galiyo Golaha Xukuumadiisa Madaxweyne Biixi in uu soo dhiso Gole Xukuumadeed oo Guud ahaanba raali galisa Bulshada Somaliland dhinacyo badan oo ay ka qiimeeyaan Sida Siyaasiyiin Miisaan leh oo Wax ka dhaqaajin kara Doorka Xukuumaddu ku Leedahey Beelaha Somaliland,Doorka ay ku Yeelan karto dhaqdhaqaaqyada Arimaha Dibadda ee Dalalka Dariska iyo Beesha Caalamka, iyo Waliba Doorka Saamiga beelaha oo hadalheynteedu aad u badneyd ilaa bilawgii Xukuumada intaba.
Waxaana ay Dad badan oo Xogogaal u ah Habdhismeedka iyo hab Xulashada Xiligan ee Xubnaha Golaha Xukuumadu dhab ahaantii u baddan yahey in uu Madaxweynaha laf-ahaantiisu ku niyadsan yahey, in uu Muraayadda ka arko Xubno Gole Xukuumadeed ka Kooban Shakhsiyaad Waxa ay maqlaana Isaga u Sheega Waxa uu farona Si toos ah oo Bilaa Doc iyo Dareen ah u Qaata Waxaana taa Tusaale u noqon karra Sibinaarkii uu Kusiiyay Golihiisa Xukuumada Huteelka Royal ee Kuyaala Duleedka Tuulada Abaarso oo 20Km dhinaca Galbeef ka Xigta Caasimada Hargeysa, qodobkaas oo Dadka aragtida fog lihi ku qiyaaseen in uu asal ahaanba Xidhiidh la leeyahey Qaabka uu u Waajahayo Madaxweyne Biixi kalsoonidiisa nafsaaniga ah sidaa daraadeedna aanu Raali ka aheyn in Golihiisa Xukuumada ay Soo hor fadhiistaan Shakhsiyaad ama Siyaasiyiin Khibrad iyo Waayo aragnimo u leh Arimaha Maamulka iyo Nidaamka Dawliga ah.
Sikasta oo ay tahey Isweydiinta u Weyni Waxa ay taagan taheu hadiiba ay Dhacdo sida Shacbigu malamalahooda u badinayaan in uu Madaxweyne Biixi Isku Shaandheyn ku Sameeyo Golihiisa Xukuumadda ee hada soo dhisneyd mudo ku Siman Sideed bilood ma noqon Doontaa mid Shacbiweynaha Somaliland qancisa islamarkaana Wax ka badesha Saluugyadii laga Qabay dhinacyada Saamiga iyo Arimo Badan oo kale, bal aynu eegno hadiiba ay dhacdo Talaabooyinla Iska badela hab dhismeedkiisa Xukuumadeed ee Bilawgii laga arkey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured