Madaxweyne Muuse Biixi oo Indhaha ka Laaliyey Raxan Safiiro ah oo Ay Isku Raas-hoose yihiin oo Kasoo Hadhay Xukuumadii Siilaanyo iyo Dhaqaale Xad-dhaafa oo lagu naas-nuujiyo + Magacyadooda...

0
Sunday August 26, 2018 - 03:19:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Indhaha ka Laaliyey Raxan Safiiro ah oo Ay Isku Raas-hoose yihiin oo Kasoo Hadhay Xukuumadii Siilaanyo iyo Dhaqaale Xad-dhaafa oo lagu naas-nuujiyo + Magacyadooda...

    Madaxweyne Muuse Biixi oo Indhaha ka Laaliyey Raxan Safiiro ah oo Ay Isku Raas-hoose yihiin oo Kasoo Hadhay Xukuumadii Siilaanyo iyo Dhaqaale Xad-dhaafa oo lagu naas-nuujiyo + Magacyadooda...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo Indhaha ka Laaliyey Raxan Safiiro ah oo Ay Isku Raas-hoose yihiin oo Kasoo Hadhay Xukuumadii Siilaanyo iyo Dhaqaale Xad-dhaafa oo lagu naas-nuujiyo + Magacyadooda...
Hargeysa(Xogreebnews)- Iyaddoo Badi-bulshada Somaliland Markhaati yihiin inuu jiro dhinac ka rar-naansho Xukuumada Kulmiye ee u Hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, kaasoo ah Saami-qaybsiga Mansabyada qaranka, ayaa waxa soo ifbaxaaya fadeexado kala duwan, oo tilmaamaya qababka cadaalada ka fog ee u Madaxweyne Muuse Biixi caanka ugu noqday qabyaalada, isla markaana masuuliyiin tiro badan oo ka tirsanaa Xukuumadii hore ay weli sidoodii u hayaan xilalka Madaxweynuhuna qabyaalad ku daayey. 
Mdaxaweyne Muuse Biixi oo hadda xilka Madaxtimada Somaliland hayey waqti ka yar sannaad, ayaa xilalkii ugu badnaa ku taxay Beeshiisa Sacad Muuse, isagoo boos walba oo u magacaabay reerkiisa ka dhigay kan koowaad ama ku xigeenka, Tusaale ahaan badi Hayadaha Xukuumadiisa waxa uu ka dhigaa Hadii uu wasiirku noqdo beelaha kale, wasiirku xigeenka ama agaasimaha guud midkoodbaa Sacad Muuse ah!!!taasina waata keentay inay dhinac ka rarnaato Xukuumadiisu.
Hadaba waxa arrimahaas oo dhan kaba sii daran oo iyanna tilmamaysa qabyaalada qoys ee Madaxweyne Muuse Biixi qaranimadii ku dhaawacay, waxa uu sidoodii u daayey oo aanu haba-yaraatee xata isbedel ku samaynin masuuliyiin tiro badan oo xilal digreeto Madaxweyne ku magacownaa, kuwasoo weli sidoodii u haya xilal kala duwan. Waxana Kamid kooxda uu habka qabilaysan Madaxweyne Biixi indhaha uga laalinaayo masuuliyiinta ay isku beesha yihiin ee kasoo hadhay Xukuumadii Siilaanyo Safiiro tiro bådan oo dhaqaale ku qaata fadhiga.
Waxana Kamid ah Safiirada Madaxweynuhu habka qabiilaysan uu ugu daayey xilalkooda afartan Safiir ee hoos ku qoran.
Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed (Sacad Muuse reer Shirdoon).
Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka Norway Sulub Warsame (Sacad Muuse Reer Axmed).
Safiirka Somaliland u Fadhiya Dalka Sweden Sakariye Xasan (Sacad Muuse Jibril Abokor)
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium-ka Maxamuud Cabdi Dacar (Sacad Muuse reer Axmed). La soco qaybaha dambe.
Saylacnews@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured