Wasiir Guri-barwaaqo oo Joojiyey Barnaamij Suugaaneedyadii Ciidal Adxa ee Telefishanka Qaranka,Shaqaalaha oo Lagala aamusay Xaqal Iidkoodii Iyo amar la yaab leh oo uu Faray Maamulka Telefishanka!!!!!!!!!!!!!

0
Friday August 24, 2018 - 02:16:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Guri-barwaaqo oo Joojiyey Barnaamij Suugaaneedyadii Ciidal Adxa ee Telefishanka Qaranka,Shaqaalaha oo Lagala aamusay Xaqal Iidkoodii Iyo amar la yaab leh oo uu Faray Maamulka Telefishanka!!!!!!!!!!!!!

    Wasiir Guri-barwaaqo oo Joojiyey Barnaamij Suugaaneedyadii Ciidal Adxa ee Telefishanka Qaranka,Shaqaalaha oo Lagala aamusay Xaqal Iidkoodii Iyo amar la yaab leh oo uu Faray Maamulka Telefishanka!!!!!!!!!!!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Guri-barwaaqo oo Joojiyey Barnaamij Suugaaneedyadii Ciidal Adxa ee Telefishanka Qaranka,Shaqaalaha oo Lagala aamusay Xaqal Iidkoodii Iyo amar la yaab leh oo uu Faray Maamulka Telefishanka!!!!!!!!!!!!!

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi faarax Guri barwaaqo ayaa gebi ahaanba joojiyey barnaamij suugaaneedyadii maalmaha Ciidul adxa ee laga baahin jiray Telefishanka qaranka Somaliland kaas oo daawadayaashu ay ka heli jireen Maaweelo maadaama lagu jiro maalmo fasax laga yahay shaqooyinka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sababta Joojinta Barnaamijkan ku sheegay in aan loo hayn wax kharash ah oo lagu qabto barnaamijyadaas,Waxaa kale oo Wasiirku guud ahaanba Joojiyey barnaamijyada ay dadweynuhu kaga qayb qaataan Telefoonada ee Sida Tooska ah ‘’Live’’ Looga baahin Jiray Telefishanka Qaranka.


Mudane Guri barwaaqo Waxaa kale oo uu amar ku bixiyey in aan wax waraysi ah laga qaadin fannaaniinta oo Munaasibadaha Ciidaha laga duubi jiray barnaamijyo madadaalo ah,Wasiir Guri barwaaqo waxa uu faray madaxda telefishanka qaranka inay taas badalkeeda baahiyaan barnaamijyadii suugaanta ee la duubay munaasibadii Ciidul fidri ee la soo dhaafay taas oo sumcad xumo ku ah Telefishanka qaranka ee Xukuumadu ku bixiso dhaqaalaha badan si uu bulshada u gaadhsiiyo barnaamijyo Madadaalo,Waxbarasho iyo    Wacyigelinba.
Geesta kale Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo Shaqooyinkooda guta Maalmaha qaran ee fasaxa ah Sida Ciidul Adxa Ayaan helin Xaqal iidkii uu Sharcigu u Waajibiyey in la siiyo maadaama ay shaqaynayaan xili shaqooyinka qaranka fasax laga yahay.
Sida uu Dhigayo Qodobka 22aad Farqadiisa Labaad ee Xeerka Shaqaalaha dawlada oo u dhigan Sidan ‘’Munaasibadaha Ciidai-Fidriga 1yo Ciida Carrafa waxa Ia siinayaa shaqaalaha dawladda xaqal- Ciid xadigiisu dhan yahay afar doloolow dalool (1/4) mushaharkooda.’’.

Sida aanu ku helnay Warar xog ogaal ah waxay arrintani Niyad jab ku noqotay Shaqaalihii shaqooyinka qabanayay Maalinta Ciidal adxa Kuwaas oo qaarkood shaqada soo galeen Xili ka horeeya Salaadii Subax Isla markaana shaqada ku Jiray ilaa Habeenimadii.
Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa u arkay Go’aanka Wasiirku ku Joojiyey Barnaamijyadii fanka ee Maalmaha Ciida mid Ujeedadiisu tahay in albaabada loo xidho Telefishanka Qaranka,Telefishanada kale ee Madaxa bannaan ayaa Maalmaha Ciidal Adxa waxay dadweynaha ku xidhan u tebiyeen barnaamijyo gaar ah oo maddadaalo u badan.
Xuseen Faarax Bare
Xuseen09@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured