Taaga Cusub ee Xukuumadu Usoo Iibisay Dekedda Berbera, Waa Mid Taarikhda u Geliya Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

0
Thursday August 23, 2018 - 03:03:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taaga Cusub ee Xukuumadu Usoo Iibisay Dekedda Berbera, Waa Mid Taarikhda u Geliya Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Taaga Cusub ee Xukuumadu Usoo Iibisay Dekedda Berbera, Waa Mid Taarikhda u Geliya Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taaga Cusub ee Xukuumadu Usoo Iibisay Dekedda Berbera, Waa Mid Taarikhda u Geliya Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Eng Siciid Xasan Cabdilahi. W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan
Madaxweyne kasta oo soo xukumay Dalkan yar ee bila aqoonsiga ah (Somaliland) waxa diiwaanka u gala, waxyaabihii uu dalka usoo kordhiyey iyo siduu u daboolay baahiyaha qaranku leeyahay intay doonta ha leekaatee. Waana taarikh qoran iyo dhaxal wanaagsan oo ay tahay in la xuso si diiwaanka bulshadu u galiso, kuna baraarugsanaato.
Sidaas daraadeed waxa ila qumanaatay inaan Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Md. Siciid Xasan Cabdilahi, oo nasiib u yeeshay, kuna guulaystay Taarikhda markii ugu horaysay intii Somaliland jirtay iyo mudo dheer ka horba, inay Dekeda Berbera keenan qalab qiimo badan oo casri ah, kaasoo Dekeddu baahi-weyn u qabtay.
Qalabkan oo ah, sadex shay oo wax badan ka tari doona baahida aas-aasiga ah ee Dekedda, isla markaana kor u qaadaya hanaanka shaqo ee Dekedda iyo isticmaalka Maraakibta waaweyn oo si fudud ugu soo xidhan doonaa Marsadeena, Qalabkan cusub ee dhowaan uu soo bandhigay Maareeyaha Dekedu, waxa uu kala yahay, TUG BOAT, oo ah, kan soo xidha maraakiibta oo casriya iyo qalabyo kaloo ay ka mid yihiin PILOT BOAT iyo weliba Dab-demiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd.
Sidaas awgeed, waxan leeyahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, aduunka taarikhbaa ka hadhee, Maanta waxad umaddiina u keenteen dhaxal wanaagsan oo qiimo badan, waana talaabo aad dheer tihiin intii Madaxweyne ee Somaliland soo martay iyo weliba intii maareeye ee Dekedda Berbera soo maamulay,  oo aanu jirin maasuul taray Dekedda Berbera waxaad maanta tarteen, iyadoo ay xusid mudan tahay in Maareeyaha Dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi inuu sannaad gudihii guulo lama ilaawan ah gaadhsiiyey marsada Berbera.
Gabo-gebadii waxaan ku amaanaya Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo 8 blood ah, xukuunka haysay inay noqon doonto mid qaranka Somaliland u qabata himilooyin waaweyn oo aynu in badan lahayn. Maadaama oo ay Dekedda Berbera maanta nasiib u heshay inay yeelaato Taag casriya oo cusub, waxan ka filayaa Xukuumada Madaxweyne Biixi guulo waaweyn oo kale inaynu gaadhi doono insha Alla.
W/Q
Aqoonyahan 
Saki Saleeban Xasan
Saakisu122@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured