Madaxweyne Intaa Wasiir Sacad Cali (Dulka Muumin ah, Hooska Daalin) Xukuumadaada ku Jiro Kalsooni Shacab kaa Dhimatay.Qore Farxaan Cali Guuleed.

0
Thursday August 23, 2018 - 02:32:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Intaa Wasiir Sacad Cali (Dulka Muumin ah, Hooska Daalin) Xukuumadaada ku Jiro Kalsooni Shacab kaa Dhimatay.Qore Farxaan Cali Guuleed.

    "Shan afraad shan afraad Birta kii ka aslaa Oori deydeyayee Aroosow magacaa? Ilko dhiigle maxaa Lagu aaminayaa".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shan afraad shan afraad Birta kii ka aslaa Oori deydeyayee Aroosow magacaa? Ilko dhiigle maxaa Lagu aaminayaa".
Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire, waxa uu noqday shaqsigii xil umadeed qabtaa ee loogu neceb yahay madaxdii soo martay dalka iyo kuwan joogaba labada. Wasiir Sacad Cali Shire Xukuumad uu Kamid yahay ama Xil uu ka hayo laguma aamini karo masiirka qaran ee Siyaasada dibeda Somaliland oo u baahan difaac iyo dedaal siyaasadeed oo diblumaasiyan ah, shacabkuna kuma kalsoona Xukuumada uu Wasiirka yahay Sacad Cali Shire oo beenta iyo runtu aanay u kala soocnayn. Runtiina durba wuu sadheeyey, isla markaana xaaraantimeeyey Xukuumadii Madaxweyne Muuse Biixi ee dhowaan uun la doortay. Kaddib markii uu Xil wasiirnimo qabtay Wasiir Sacad oo loo baahnaa in lagu maxkamadeeyo khiyaamada uu qaranka u maleegay.
Wasiir Sacad Cali Shire waa Kuma?.
Sacad Cali Shire Waa Wasiir Beenaale Calooshii u shaqayste ah, isla markaana dhibka iyo dhibaatada dalku dhex-dabaalanaayo isaggu ina soo gaadhsiiyey, sidoo kale waa shaqsi dulka muumin ah, hooska Daalinna ah. Wasiirkani waxa uu iibiyey qaranimadii iyo madax-bananadii Somaliland, iyadoon la dhaadin, sidoo kale Wasiirkani waxa uu xaraashay hantidii ma guurtada ahayd ee qaranka Somaliland lahaa nooc kastoo ay tahayba.
Sidee qaranka looga badbaadin karaa Haadaanta uu Wasiir Sacad Cali Shire ku riday. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa la gudboon inuu degdeg xilka uga qaado, isla markaana uu xabsiga dhigo, isagoo la xisaabtan ku samaynaaya shirqooladii uu wadanka u gaystay, hadiise Madaxweynuhuu taas samayn waayo, waxa dalku geli doonaa burbur iyo jalalaase ina dhaxalsiiya hog inaynu ku dhacno. Waxa kaloo muhiim ah in Madaxweynuhuu qiimeeyo meeqaanka qaranimada Somaliland taagan tahay, isla markaana dib u eego 10-sano ka hor halkay joogtay.
Runtii xukuumadihii ka horeeyey tan hadda joogta waxay dedaal weyn geliyaan oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen una ahayd siyaasada qaran sidii Himilada Ummada ay ahmiyada kowaad uga dhigi lahaayeen, oo ah sidii dalkan iyo dadkan reer somaliland beesha caalamka ictiraaf uga heli lahayad, gaar ahaan IGAD, AU, UN, US , EU iyo wadamo badan oo kale.
waxaan odhan kara intii xukuumadihii hore joogeen, waxay somaliland kasbatay saaxiibo badan oo geeska ah iyo kuwo caalamiya labadaba, waxaana lagu xasuusan karaa Furitaanadii in ka badan 50 xafiisyo wakiil-dibadeed laga kala furay yurub, Maraykan, Bariga dhexe iyo bariga fog ee dhulweynaha Asia iyo qalabeyntooda, heshiiska Berbera corridor ee u dhaxeeya Ethopia & Somaliland, safarkii haweenayada Africa u qaabilsan state department maraykan ka ku timid Somaliland ( mrs.jendayi frazer), oo wax weyn ka bedelay siyaasada maraykanka kula macaamilo Somaliland, oo soo dedejisay qarshaha maraykanka ee laba geesoodka ahaa, socodaalkii wasiirka Africa u qaabilsan UK ku yimid Somaliland oo ahaa safarkii u horeyey ee wasiir dawlada Uk ku yimaado taas oo dawlada Uk ay kor u qaaday mucaawinada Somaliland ay siiso, iyo weliba casuumadii Wasiirka arrimaha dibeda UK David Millband u soo diray madaxweynahii hore somaliland Daahir riyaale oo booqasho rasmi ah ku tagay xiligaa Uk, sidoo kale, socodalkiisi 9 ka wadan ee Africa oo qadiyada somaliland lagu xoojinayey qaarada afrika oo in badan reer galbeedku inagu riixeen, taas oo keentay in la inoo soo diro guddi xaqiiqo raadis ah oo ka socda AU badhtamihii 2008. oo runtii ahaa midho dhal iyo guulo waaweyn oo la taaban karo oo dhinaca diblomaasiyada.
Waxa sidoo kale xusid mudan in siyaasada arrimaha dibedda somaliland xilligii hore ahayd mid cad marka laga hadlayo wadahadalada somalia oo ahayd in marka uu yimaado maamul dimqaraadiya oo si xor ah dadka koonfurta somalia u soo doorteen ay maalintaas hor fadhiisanayaan, taas oo runtii la odhan karo waa mid ay meel adag iska tageen xita cadaadis kasta oo lagu saaray.
Guntii iyo gebo-gabadii Wasiirka arimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire, waxa uu noqday Waslad xaaran ah oo ku taala Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taasoo u baahan in la qalo. Waxan ku misaalaynaa Tuuganimada Sacad Cali Shire uu qaranka ku sameeyey, ereyo kooban oo miisaankoodu culus yahay  oo ku jira maansadii Isa sudhan ee Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi.
"…Qarafsiga aroortii qadhaab doonashada guud qofna looma diidee haddii aan quwaax helo dadka kalena wada qado maxaa lay qaleeyaa? Ma wax baan qalloocshoo Qarankiyo dalkaan dhacay? Ma wax qiiro kiciyoo Laga qoomamoodaa? Dalku lacag ma haystee Shilimada ka soo baxa Qof haddaan la wada siin Qiyaash maashka ugu weyn Miyey qaybsamaysaa? Haddii laysku wada dilo Hadhow yaa mas’uul ka ah? Haddii berrito lay rido Ama geeshku igu kaco Anigaan wax meel dhigan Sidaan yeeli doonaa? Miyaan tuugsan doonnaa? Ma waxaydin jeceshiin Inaan daasad qaatoo Ceebeeyo Filibiin?
W/Q
Farxaan Cali Guuled
Faarax22@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured