Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Gar-darrada ay Soomaaliya Ka Waddo Xuduudda Bari ee Dalka Somaliland..."..Xamar iyo Garoowe Ragga kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa," Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

0
Tuesday August 21, 2018 - 17:44:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Gar-darrada ay Soomaaliya Ka Waddo Xuduudda Bari ee Dalka Somaliland..."..Xamar iyo Garoowe Ragga kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa," Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Gar-darrada ay Soomaaliya Ka Waddo Xuduudda Bari ee Dalka Somaliland..."..Xamar iyo Garoowe Ragga kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Gar-darrada ay Soomaaliya Ka Waddo Xuduudda Bari ee Dalka Somaliland..."..Xamar iyo Garoowe Ragga kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa," Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga fal-celiyey hadallo colaad iyo hanjabaado xambaarsan oo maalmihii ugu dambeeyey kasoo yeedhayey masuuliyiinta maamulka Soomaaliya ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe .
Madaxweynaha oo maanta khudbad uu munaasibadda ciidal Adxaha shacabka u jeediyey kaga hadlay arrintan, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanay Somaliland marnaba maanka ku haynin dhiig daata iyo colaad la abuuro, isla markaana ay ka go’an tahay nabadda iyo deris-wanaaggu, "Haddii aynu Somaliland nahay dhammaanteen waxa aynu raacsannahay sunnaha nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato’e ee ah dhiigga Islaamku waa xaaraan, gudaheenna, jaarkeena iyo cid walba nabad iyo walaaltinimo ayeynu u haynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey hadallada dhagaraysan ee kasoo yeedhaya masuuliyiinta ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, isaga oo caddeeyey inaanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu daato dhiig Soomaaliyeed, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Walaallayaal ayaamahan ay xaaraanta tahay in dhiig la daadiyo ama colaadba la abuuraa, dawladdii Soomaaliya oo dhaar ku maraysay inay Somaliland soo weerarayso oo aanay dagaalka joojinaynin. Waa mid la yaab leh oo maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah Muqdisho iyo Garoowe jooga ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa Fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaadhay ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.”
Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay Somaliland tahay qaran taabbo-galay oo isku filan, isla markaana iska difaacaya gardarro kasta oo kaga timaadda cadowgiisa, "Soomaaliya waxa aan u sheegayaa haddii ay maanta weerarkaas soo qaadaan inaanu haynno difaac innagu filan iyo dalka iyo dadkaba ay ciidanka iyo dawladduba gelinayaan, waxanu u sheegaynaa inay dawladda iyo ciidamadu ku filan yihiin inay dalka ammaan geliyaan oo aan dalka lagu soo duulin oo aan khalkhal la gelinin oo nabadda aanu intaas ku baaqaynaa aanay ahayn baqe iyo taag-darro’e ay tahay waayo-aragnimo iyo danta guud oo la eegayo, ciddii ka maarmi weyda ee wixii hore ee maanta Xamar iyo Garoowe kasoo hanjabaysa miyir-qab uma aragno, haddii ay nasoo weeraraanna dadka iyo dalkaba waanu daafacaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured