ASTAAMAHA XUKUUMADAHA FASHILMAY

0
Saturday June 08, 2013 - 08:12:21 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ASTAAMAHA XUKUUMADAHA FASHILMAY

    AHMED ADAN HAYBE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AHMED ADAN HAYBE

ASTAAMAHA XUKUUMADAHA FASHILMAY

AHMED ADAN HAYBE

Marka maadadu qiimo badato ,qiyamka wanaagsani lumo kana horimanayo caabi weyn oo dhinac kasta ka hareeraynaya wanaagga iyo xaqa, taasi ayaa horseeday inay soo baxaan dawlado aan wax ku ool ahayn oo aan dabooli Karin asaasiyadka dawladdnimo ee bulshadu sugayso. Waxaana luma waajibaadka xukuumadeed iyo dareenkii masuuliyadeed waxayna isu rogtaa qalab ay kooxi ku shaqaysato, taasi oo keenta in bulshada waxa laga qaada mooyee wax lagu celiyaa ay yartahay.

Ma jiro erayo kooban oo hehiis lagu yahay (General Consensus} oo lagu qeexi karo dawladaha fashilmay. Haddana Hayadaha qiimeeya fashilka dawadnimo waxay kuu soo kooban astaamahan

1) Iyadoo buuxin kari wayd aadeegga (Public Services} bulshada uga baahantay.

2) Awooda maamul oo liidata.

3)Iyadoo awoodi wayda inay xidhiidh la yeelato caalamka.

Waxa iyana ku jira astaamaha xukuumad fashilantay xukuumadda dhexe oo ah mid taag daran, musuqa iyo dembiyada oo aad u baaha ,aqooyhanadi iiyo dadkii dabaqadda dhexe oo si joogto ah u baxaya iyo dhaqaalihii oo si weyn hoos ugu dhacaya.

Soomaaliduna waxey tiraahdaa “Arin Xumo Abaar Ka Daran” markey ka hadlayaan maamulka fashilmey

Waxaana lagu soo koobay 12 qodobookala ah bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda ( social, Economics, political.

ASTAMAHA BULSHADA (SOCIAL INDICATORS}

1)Bulshada inta mudan oo si joogto ah dalka uga baxaya iyo aqoonyahanadii, xirfadlayaashii. ("brain drain" of professionals, intellectuals}

2)Qaxootiga iyo barakacaayasha gudaha oo bata taas oo keenta cunto yaraan, cuduro, biyo nadiifa oo la waayo, guryaha danta guud oo aan jirin.

3)Cadaadiska dhinaca nolosha oo kordhaya cuntada,hoyga iyo guud ahaan deegaanka oo culays ku keenya bulshada ku hoos nool.. [Demographic pressures]

DHIBA DHAQAALAHA (ECONOMIC INDICATOR}

1- Dawladda fashilani si cadaalad ah uma qaybiso dhaqaalaha iyo khayraadka dalka sida fursadaha shaqo helidda oon loo sinayn, waxbarashada, mashaariicda horumarineed iyo dhamaan xaaladaha dhaqaale ee kala duwan ee dalka, kuwaas oo ku soo urura kooxda awoodda haysa iyo intay wadato.

2Dahaqaalaha bulshada oo hoos u socda ,heerka faqriga oo kordhaya, meheradaha ganacsiga oo baabaya, qiimaha badeecadaha oo si kedis ah isubedelaya, maaligelin oo njirin, daymaha oo ay iska bixin waydo dawlaadu iwm.

3- Qiimaha lacagta dalka oo hoos u dhaca. Dhaqaalaha qarsoon (hidden economies}, oo aad u kordha sida ganacsiga daroogada iyo kotorbaanka (Drug trade, Smuggling}.

Waxa kale ood awladda fashilantay ku habsata inay bixin kariway do mushaharka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada, iyo inay dabool ikari waydo waajibaadka maailiyadeed ee bulshada ay masuulka ka tahaysida Xuquuqda hawlgabka muaadiniinta. (Pension}

DHINACA SIYAADDA (POLITICAL INDICATORS}

1Musuqaiyo wax is dabamarinta oo si weyn ugu faafa kooxda haysa xukunka isla markaana aanu jirin cadayn, xisaabtan iyo dabagal midkoodna. Waxayna keentaa kalsoonidi ibulshada oo hoos u dhacda ama la waayoba.

2 Adeeyada bulsho oon samaynayn horumarin uu hoos u dhaco mooye.Sidaa adeegii waxabarashada, caafimaadka, nadaafadda,iyo gaadiidka dadweynaha. Iyo weliba qalabka iyo hantidii dawladda oo goobo ama shakhsiyaad kooxda awoodda haysa.Ku xidhani adeegsanayo Sida, Gaadiidka, baanka dhexe, ciidamada, adeegyada dilomasiyaeed.iwm.

Markan waxa kuu soo baxaya astaamaha dawladda tayada leh oo iyana aynu ka hadli doono. Is qiimayn ,khayaali iyo humaag beenaad warbaahinta loo adeegsado dawlad kama dhigto mid tayo leh wuxuun bay sii muujisa tayada xumada kooxda awoodda haysa.

Markaaynu astaamahan kooban ee lagu qiimeeyo maamulada fashilmay akhrino waxay ku soo koobamyaan Xikmadda uu khaliifkii3aad Cisman Binu Cafaan uu ku qoray warqadiisii u horaysay ee uu ukala diray madaxdii gobolada markii la doortay, waxaanu ku yidhi::

“Allah madaxda wuxu faray inay noqdaan qaar ilaaliya oo waxtara dadkooda, loo ma dirin inay waxuun ka uruuriyaan ,cadaalad waxa ugu fiican in aad eegtaan xaaladda dadka muslimiinta iyo waxay ku sugan yihiin, dabadeedna aad siisaan waxay xaq yeesheen,kana qaaddaan wixii xaq loogu yeeshay,iyana eega dadka aan muslinka ahayn ee ku hoos nool maamulkiina iyana siiya waxay leeyihiin kana qaada wixii lagu leeyahay ee xaqa” (Buugga HogaankaToosan Bogga 15}

Xikmadda Amiir Cismaan Binu Cafaan (RC) ayay ku fadhidda nidaamka Dawlad wanaag ee aynu rabnaa.

WAA BILAHI TAWFIIQ




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured