Soonka Maalinta 9-aad ee Carafo iyo waynaanta Ajarkeeda Eebow na garansi Idilkeenba!!!

0
Sunday August 19, 2018 - 07:08:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soonka Maalinta 9-aad ee Carafo iyo waynaanta Ajarkeeda Eebow na garansi Idilkeenba!!!

    Soonka Maalinta 9-aad ee Carafo iyo waynaanta Ajarkeeda Eebow na garansi Idilkeenba!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soonka Maalinta 9-aad ee Carafo iyo waynaanta Ajarkeeda Eebow na garansi Idilkeenba!!!
Beri Isniinta oo ah maalintii 9aad ee bisha Dil-Xijja (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda. Beri  waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, oo kamid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka, sida uu Xabiibka Suubbanaha Muxammad (scw) uu u yidhi. ”Xajku waa Carafa”, taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa.
Ducada maalinta Carafa
Maalin la duceysto waxaa ugu fadli badan ducada maalinta sagaalaad ee Carafa, sidaa darteed ayeey Xujeeyda afkooda ka go’eynin maanta oo kale xuska Alle, iyadoo ka shidaal qaadanaya Rasuulka (scw) hadalkiisii uu yiri ”Ducada waxaa ugu fadli badan ducada maalinta Carafa, wax la yiraahdana waxaa ugu sii fadli badan waxaan anniga iyo Nebiyadii iga horeeyay ay yiraahdeen oo ah Laa Ilaaha Illallaahu Waxdahu Laa Shariika Laha, La-hul-mulk-wa-la-hul-xamd, Wa huwa Calaa Kulli Shey’in qadiir”. Guud ahaan muslimiinta (aan xujeeyda ahayn) waxaa loo jideeyay inay soomaan maanta oo kale, maxaa yeelay wuxuu Nebigeena (scw) ku boorriyay guud ahaan muslimiin inay badiyaan acmaasha wanaagsan maalmahan aynu jirno, soonkuna wuxuu ka mid yahay acmaasha wanaagsan inta la qabto. Nebiga (scw) wuxuu soomi jiray maalinta sagaalaad (maantoo kale) ee bisha Dil-Xijja. Sida laga weriyay mid ka mid ah xaasaska Rasuulka hadal ay tiri wuxuu Nebiga (scw) soomi jiray maalinta sagaalaad ee Dil-Xijja iyo maalinta Caashuuraa iyo saddex maalmood bil kasta.
Maalinta mash-huudka
Maalinta Carafa waa maalinta loogu magac daray "maalintii mash-huudka”, waa maalinta qofkii si Alle dartii ah u sooma uu Ilaahay u dhaafayo denbigiisa labo sanno, waa fadli aad u weyn oo nooga yimid xagga Eebbe(sw) ee naxariista badnaa, mudanna in laga faa’iideysto. Qof kasta oo muslim ah waxaa dushiisa saaran inuu weyneeyo nimcooyinka ay wataan maalmahan.
Buurta Carafa, 15 km ayey u jirtaa Makkah
Salaadda Namira
Xujeeyda waxay beri salaadda duhur iyo casarkuba ku tukanayaan Namira, iyadoo la wada jamcinayo oo la soo gaabiyay, loomana dhaxeysiinayo dhexdooda wax sunno ah. Markay qoraxda dhacdana waxay aadayaan Musdalifa, halkaasoo uu Xaajigu salaad jamac-la-dib-dhigay ah ugu tukanayo salaaddii maqribka iyo cishaha. Xaajiga waxaa u bannaan inuu seexdo Musdalifa ilaa laga gaaro waaberiga, dabadeedna wuxuu aadayaa Mina, isagoo badinaya xuska Alle iyo deni dhaaf-dalbidda laga dalbayo Eebbe (sw), wuxuuna soo guranayaa quruurixii/dhagxaantii (aan weynayn) ee uu ku gani lagaa buurta "jamratul-caqaba” subaxa maalinta gooraca ee Mina.
Waxaa la ogsoon yahay in tobanka maalmood aynu ku jirno ay yihiin sideedaba maalmo uu Eebbe (sw) weyneeyay, iyadoo uu ka faddilay maalmaha kale. Waxaana taas inoo caddeynaya xaddiis uu soo saaray Imam Bukhaari, uuna ka weriyay Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo ka sii weriyay Rasuulka (scw) oo leh "ma jiraan maalmo camalka wanaagsan loogu jeceyl badan yahay xagga Eebbe maalmahan tobanka ah, saxaabadii ayaa yiri xittaa ma waxay ka fadli badan yihiin maalinta jihaadka jidka Alle, wuxuu Rasuulka yiri xittaa jihaadka jidka Alle, aan ka ahayn nin la baxay naftiisa, hantidiisa dabadeedna aan waxna kala soo noqonin”.
Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha caddeynaya fadliga tobanka maalmood ee hore bisha Dil-Xijja, iyadoo uu Eebbe (sw) ku dhaartay tobankaas maalmood. Dhaarta shey lagu dhaartana waxay tilmaamaysaa weyninka iyo faa’iidada uu waxaas lagu dhaartay leeyahay. Wuxuu Eebbe (sw) yiri "waxaan ku dhaartay fajarka iyo habeenada tobanka ah”. Waxay yiraahdeen Cabdullaahi Binu Cabbaas, Ibnu Zubeyr, Mujaahid iyo qaar ka mid ah salafkuba: tobankaasi waa tobanka hore ee Dil-Xijja. Caalimka weyn ee Mufasirka loo yaqaano Ibnu Kathiir-na wuxuu yiri "sidaas ayaa sax ah”.
Takbiirta maalinta Ciidda
Waxaa Sunno ah in la badiyo maalinta ciidda iyo guud ahaan tobanka hore ee Dil-Xijja oraahda takbiirta (allahu akbar), ku mahadinta Eebbe (alxamdulillah) iyo nasihidda Eebbe (subxaanallah), waa in kor loogu dhawaaqaa masaajidyada, guryaha, waddooyinka iyo goob kasta ay ka suurtoobi karto oraahda xuska Alle, si loo muujiyo cibaadada, loona weyneeyo Eebbe (sw). Raggu si kor ah ayeey ugu dhawaaqayaan, halka dumarka ay hoos ahaan u oranayaan. Qaabab kala duwan ayaa loo yiri takbiirta, hase ahaatee sida laga weriyay Cabdullaahi Binu Cabbaas waa: Allahu akbar, Allahu akbar Laa Ilaaha Illallaahu, Wallaahu akbar Wa Ilillaahil-xamd.
kulanka jumcada iyo salaadda ciidda
Berito oo ah maalin jumco ah ayaa ku beegan maalintii ciiddul-adxa, sidaa darteed waxaa qofkii tukaday salaadda ciidda ka dhacaysa inuu tukado salaaddii jumcada. Zeyd Binu Arqam wuxuu yiri: " waxaa tukaday Rasuulka (scw) salaaddii Ciidda, dabadeedna wuxuu dadkii u ruqseeyay inay tukadaan salaaddii jumcada oo wuxuu yiri : qofkii doona inuu tukado ha tukado". Inkastoo ay jirto taasi, haddana waxaa imaamka la gudboon inuu isagu oogo salaadda jumcada, si qofkii doona inuu tukado u tukado.
Ugu danbeyntii waxaan guud ahaan muslimiinta, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan u soo gudbinayaa inay ku ciidaan ciid wanaagsan, Ilaahay ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, aamiin



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured