Faallo:-Madaxweyne, Waxa La gaadhay Xilligii aad ku ogaan lahayd Galdaloollada Dhismaha Xukuumaddaada Iyo Khaladdaadkii dhacay, tayada xukuumada uu soo dhisay oo loo arkayay Mid aan Xal,Xul iyo Xisbi toona ahayn...

0
Saturday August 18, 2018 - 02:12:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Madaxweyne, Waxa La gaadhay Xilligii aad ku ogaan lahayd Galdaloollada Dhismaha Xukuumaddaada Iyo Khaladdaadkii dhacay, tayada xukuumada uu soo dhisay oo loo arkayay Mid aan Xal,Xul iyo Xisbi toona ahayn...

    Faallo:-Madaxweyne, Waxa La gaadhay Xilligii aad ku ogaan lahayd Galdaloollada Dhismaha Xukuumaddaada Iyo Khaladdaadkii dhacay, tayada xukuumada uu soo dhisay oo loo arkayay Mid aan Xal,Xul iyo Xisbi toona ahayn...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Madaxweyne, Waxa La gaadhay Xilligii aad ku ogaan lahayd Galdaloollada Dhismaha Xukuumaddaada Iyo Khaladdaadkii dhacay, tayada xukuumada uu soo dhisay oo loo arkayay Mid aan Xal,Xul iyo Xisbi toona ahayn...

‘’Qarankeenu Jiri maayo hadii talo wadaaga iyo wadaagista khayraadka dalka cid loo gaar yeelo,Waxaynu doonaynaa Somaliland xoogan oo shacabkeedu ku midaysan yihiin awood qaybsiga Siyaasadda’’ Khudbadihii Ololaha Doorashada ee Madaxweyne Muuse Biixi
"Ninka dhaliisha Runta ah igu dhaliilla Laba Goor ayuu mahadsanyahay.Ninka ii Guul wadeeyaa ma mahadsanna, Ninka Wax Run ah igu taageera Mar ayuu mahadsanyahay, Ninka Been iga Sheeggana Aakhiro ayuu wax ii tarayaa,"......Md.Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha JSL Jul 4, 2017
Hargaysa(HWN):-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku fadhiistay Kursiga ugu sareeya ee hogaaminta qaranka 13-kii bishii
December ee sannadkii 2017-kii.
Madaxweyne Biixi waxaa hogaamintiisa cusub horyaalay hal xidhaalayaal minqiyaas u ah sida uu qaranka Somaliland uga bixin karo duruufaha is barkan ee uu ka dhaxlay xukuumaddii ka horaysay ee Siilaanyo gadhwadeenka ka ahaa kana soo wada jeedeen Xisbiga Kulmiye,isagoo Ololihiisii Doorashada Ku Galay Halku dhegyo ay ka Mid yihiin Beri Maanta ka Fiican, Hogaamiye Go’aan Qaadasho leh,Horaa loo Soconayaa, Saraynta sharciga IWM.
Akhriste Xusuusnoow in Weedh kasta oo Madaxweynaha Loogu Ololeeyay inay Ka turjumayso aragtida dhabta ah ee Xisbigiisa Kulmiye ka aaminsanaa Madaxweyne Biixi taas oo ay Shacabkana ka iibinayeen.
Duruufahaas uu dhaxlay waxaa ugu weynaa Sicir bararka saamaynta ku yeeshay nolosha mujtamaca Somaliland oo laga rabay sidii uu u suulin lahaa isla markaana qiimo ugu yeeli lahaa Shilinka Somaliland,Waxaa kale oo Madaxweynaha laga filayay inuu qaato kaalintiisii hogaamiye-nimo isla markaana uu u hawl galo sidii uu isugu soo dhawayn lahaa quluubta shacabka Somaliland ee ay kala qaybisay doorashadii xamaasada xumayd ee Madaxtooyadda iyo Sidii uu u soo dhisi lahaa Dawlad Kooban oo aqoontu hagayso.
1. Dhismaha Dawladeed ee Madaxweynuhu Go’aamiyey & Saluuga laga Muujiyey
Waxaa si weyn loo sii falanqayn jiray Nooca dawladeed ee Madaxweynuhu soo dhisi doono hadaba Dharaartiisii iyo Xil la wareegista qaran kadib waxa uu Madaxweynuhu Maalintii ku xigtayba soo dhisay Golihiisa Xukuumadda oo ka Koobnaa 23 Wasiir Iyo 9 Wasiir ku Xigeen,Waxayna falcelinta dareenka Bulshadu dhaliyey dood ku saabsan tayada xukuumada uu soo dhisay oo loo arkayay Mid aan Xal,Xul iyo Xisbi toona ahayn dalkana aan ka saari Karin xaalada adag ee uu ku suganaa iyo in Wejiyada Golihiisa wasiiradu u bateen kuwo aan khibrad maamul lahayn,Taasoo saluug xoogan laga muujiyey,inkasta oo dad tiro yari ay u arkayeen dawladii loo baahnaa in madaxweynuhu soo dhisay.
Xisbiga Kulmiye ee Xukuumadda jirtaa ka dhalatay ayaa xitaa aaminsan in aanay garanayn Wejiyada uu madaxweynuhu cugtay ee ka mid noqday golihiisa wasiiradda.
"Madaxweynaha ayaanu Xisbi ahaan la Xisaabtamayna Dadka uu magacaabay nama Khuseeyaan oo Barnaamij ayaanu u dhiibnay isaga kii ayaanu ka rabna fulintiisii in uu isagu fuliyo , hadii uu suuqa ka soo urursanaayo iyo hadii uu Xisbiga ka qaadanayo iyo hadii uu dayaxa ka keenaayaba isaga ayay u taala dadka uu xilalka u magacaabay"
Sida waxa yidhi Guddoomiiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) Waxaanu intaas ku daray in Xisbi ahaan ay Madaxweyne Muuse Biixi uga fadhiyaan inuu fuliyo balanqaadyadii uu Shacabka u Jeediyey Xiligii ololaha doorashada madaxtooyadda.
"Laakiin anagu Xisbi ahaan waxaanu naqaana wixii aanu umadda u balanqaadnay ee uu fagaare walba (Muuse) uu ka yidhi in uu fuliyo waa intaas,Kuwa uu xilalka u magacaabay nama khuseeyaan oo anaga Ayaan garanayn 90% isaga ayuunbaanu garanaynaa,Nimanka wasiiradda ah wajiyadooda ayaanaan xita Xisbi ahaan garaneynin iska da’aa Xisbinimo’e " Ayuu yidhi Gudoomiye Jaamac Shabeel oo Magaalada Hargeysa Waraysi gaar ah ku siiyey Telefishanka Bulsho Tv.
Geesta Kale Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ah Kaadiriintii qaybta weyn ka soo qaatay Ololihii doorashada Madaxtooyadda gaar ahaana Guclo ugu Jiray Sidii Murashixiinta Xisbiga Kulmiye u hannan lahaayeen hogaaminta dalka ayaa isaga laftiisu waxa uu saluug ka muujiyey dhismaha xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Isagoo sheegay in isaga iyo Madaxweynuhu ay isku ogaayeen in 20 Wasiir ay noqdaan golihiisa wasiiradu lana baa’biyo Jagooyinka Wasiir iyo Wasiir ku xigeen oo dhaqaale ahaan aanu dalku qaadi Karin "Heshiisku Wuxu Ahaa In Qodobka 1aad Xukuumadda Muuse Uu Soo Dhiso noqoto mid kooban oo Xukuumad 20 Wasiir ah, Balse Hada Waa 32 Wasiir, Qodobka 2aadna Waxa Uu Ahaa oo aan ku taliyey in 11 Wasiir Beelaha Dhexe ay noqdaan Iyo 9 Beelaha Darafyada Ah, Maantana Waa 32 Wasiir Oo 22 Beelaha Dhexe ay haystaan Iyo Beelaha Kale ee darafyada iyo dadka laga tirada badan yahay Oo 10 Wasiir Haysta,Waxaan kale oo aan rabay in Golaha wasiirada laga dhex arko dad garbo waaweyn leh oo aqoontoodu ay balaadhan tahay oo waddankan qaada taasina may dhicin” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Telefishanka HCTV Waraysi gaar ah ku siiyay Caasimadda Hargaysa.
Geesta Kale Wuxuu Prof Samatar qiray in aanu ilaa hada arag cid ku qanacsan dawlada uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay "Ilaa hadda ma arkin cid tidhaahda Xukuumadda Muuse Biixi way saxsantahay".
1. Sicir Bararka oo Madaxweynuhu aanu Wax Xal ah u hayn
Geediga Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Biixi wuxuu Saanqaadkeedii Kowaad laga rajaynayay sidii ay xal uga gaadhi lahayd Sicir bararka maaruqay nolosha shacabka iyadoo la filayay in Madaxweynuhu faham fiican ka haysto dariiqa uu u marayo wax ka qabashada amuurtan maadaama ay ka mid ahayd qodobada lagu imtixaamayay laguna shirabayay madaxweynaha, waxa uu Mudane Muuse Biixi raacay dawgii ay martay Xukuumadii uu xilka kala wareegay ee Madaxweyne Siilaanyo waxaanu markiiba magacaabay Gudi ka soo talo bixisa wax ka qabashada sicir bararka kuwaas oo ka mid ahaa golihiisa wasiirada, amuurtani waxay abuurtay dood ku saabsan in aan madaxweynaha wax qorshe ahi uga meel oolin ka go’aan gaadhista Sicir bararka.
Waxay bulsho badani tuhunsanaayeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu Boqolka Cisho ee ugu horeeya mudo xileedkiisa uu birta dhaafin doono xiddidadana u siibi doono sicir bararka maadaama sida uu ku celceliyey uu uga galaan gal badan yahay Murashixiintii kale ee doorashada kula loolamaysay,hasa yeeshee dhaqanka magacaabida guddida oo ah hab soo jireen ah oo laga dhaxlay Nidaamkii Shuuciyada kuna aroora in marka ay xaajo ku adkaato hogaamiyaha uu ku dadaalo sidii uu indhaha dadweynaha isaga duwi lahaa waa falsafadaas ta uu Madaxweynuhu qaatay.
Mudo ka badan intii la filayay inuu Madaxweynuhu kaga go’aan gaadhi karo maaraynta Sicir bararka ayay talo ka qaadatay, waxaanu Madaxweyuhu qiray in Xalka Sicir bararku uu ku sino balaadhay,iyadoo loo baahan yahay ayuu yidhi in si fiican loo derso waxa keenay Sicir bararka iyo hoos u dhaca Shilling Somaliland ugu danbayn waxay xukuumadu soo saartay go’aano kooban oo ay ku soo uruurisay maaraynta Sicir bararka iyo qiimo u yeelista Shilling Somaliland isla markaana inta badan laga soo minguuriyey go’aamadii dawladii ka horaysay ka gaadhay sicir bararka.
Go’aanka guddidan oo soo baxay 13-kii bishii march 2018 ayaan haba yaraatee wax is bedel ah ku keenin inuu hoos u dhaco Sarifka dollarka oo ilaa iyo hada Cirka ku shareeran iyadoo boqolka dollar uu Suuqyada Somaliland ka marayo in ka badan hal milyan oo Shilling Somaliland.
Sidoo Kale Maceeshada amase Daruuriyaadka qaybihiisa kala duwan ayaa inuu kor u kaca mooyee aanu wax isbedel ahi ku iman intii ay jirtay Xukuumada Cusubi.
1. Xanafihii Ka Dhashay Doorashada & Siduu Madaxweynuhu uga Baaqsaday Isu soo Jiidka Shacabkiisa
Dhanka Kale waa dhab in markasta oo doorasho dhacdo uu nugayl ku yimaado isku xidhnaanta bulshada laakiin doorashadii madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday dabayaaqadii sannadkii tegay waxay shacabka ku reebtay riiq ilaa iyo hada aan maaro loo helin,waxay muujisay in ummada Somaliland ay ku kala tagtay natiijadda doorashadda,hasa yeeshee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa doorashadiisa kadib cadeeyay inuu isu taagayo Midaynta quluubta shacabka Somaliland ee ay kala fogaysay loolankii doorashadu isagoo iftiimiyey in si uu u daaweeyo boogaha ka dhashay doorashada uu sed bursiimo ka siin doono dawladiisa beelihii ka soo Horjeeday Doorashadiisa waxaanu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inuu ku ciiri doono Beelihii Codadka badan siiyey ee suurtogeliyey inuu hogaaminta qaranka qabto.
Wuxuu shirar xidhiidh ah la yeeshay Haldoorka iyo Qoor-weynta beesha ay ka soo jeedaan hogaamiyeyaasha Mucaaridka Somaliland si uu ugu qanciyo inuu dawayn doono boogaha muuqda ee doorashadu ka tagtay iyo go’aan ka gaadhista tabashada doorashada taas oo xisbiga Waddani saluug badan ka tirsanayay.
Qodobkan laftiisa Xisbiga Waddani waxa uu u arkayay dariiq khaldan oo Madaxweynuhu u maray tabashadooda maadama uu reereeyay sida ay yidhaahdeen qadiyadooda Isla markaana ay Xisbigooda ku jiraan beelo kala duwan.
Balanqaadkaas madaxweynaha oo la filayay inuu ka dhabayn doono ayaa durba quus lagala kulmay kadib markii Sadbursiimo shaasheeyay qaranka uu dhismaha xukuumadiisa ku alkumay,saami fiican ka siiyay Beelihii Ololihiisa Doorashada Taageersanaa,Inkastoo iyaga laftigoodu ay xaq u leeyihiin inay Talada dalka ka muuqdaan hadana waxaan la qarin Karin in wadaaga taladii qaran ay dhan u dulaantay Waxaa is dabooli waayay Balanqaadkii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka Sheegay Madashii Dhaarinta iyo Xil la wareegista iyo Go’aanada is tabcaynaya ee ka soo baxay taas oo ilaa iyo hada aanu wax garawshiiyo ah ka bixin.
Xaaladahaasi isbarkani waxay dhaliyeen in Beeshaasi ay Dabayaaqadii Bishii June ku Yeesheen Buurta Gacan libaax kaas oo Warmurtiyeedkii ka soo baxay gunaanadkiisii oo ku beegnaa 1-dii Bishii July ay far waaweyn ku xardheen sida qaab dhismeedka xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ay ugu janjeedho dhanka beelihii soo saaray khaas ahaan beesha madaxweynaha iyo Beesha Bariga Burco.
1. Khilaafka Ka Taagan Komiishanka Doorashooyinka Qaranka
Xisbiga Waddani ayaa dharaarihii xumada doorashada sheegay inay dhacday Ku shubasho iyo wax is daba marin ay ka danbeeyeen Xukuumadii Xiligaas iyo Xisbigeedii Kulmiye,Sidoo Kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa isna sheegay in hadii ay ku shubasho dhacday isaga lagaga shubtay, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa isna ka dhawaajiyey in Gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal lagaga shubtay intaas oo dhawaq ahi waxay warmo ku ahaayeen Komiishankii dhex dhexaadinayay doorashadda.
Hadaba Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa 22-kii Bishii March shaaciyey inay Kalsoonidii kala noqdeen Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyagoo sheegay inay Xisbi ahaan ka tirsanayaan khaladaad dhinacyo kala gedisan leh,Komiishanka Doorashooyinku ilaa hada wax garawshiiyo ah kamay bixin sidii ay u qancin lahaayeen Xisbiga Waddani maadaama uu yahay dhinacyada ay u garsooraan ee Kalsoonidooda ay ku Joogaan Xafiiska ’’Xisbiga WADDANI isaga oo sababeeyey waxa uu kalsoonidii kala noqday Guddida Doorashooyinka Qaranka taariikhdu markii ay ahayd 22-kii -bishii Saddexaad ee sannadkan 2018-ka isaga oo u maray dariiqa sharcigu tilmaamay. Waxa la yaab leh in aan komishanku kalsooni kala noqoshada Xisbiga WADDANI waxba ka soo qaadin, hawshiina si caadiya isaga wato ilaa hadda.
Xisbigu waxa uu caddeynayaa in aanu waxba ka ogeyn qaybna aanan ka ahayn wixii ay sameeyeen komishinku ka dib 22-kii bishii saddexaad 2018. sii wadashadda howlaha KDQ ee uu ka maqan yahay xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland waa gef, meel ka dhac iyo sharci darro, waxa aan uga digeynaa KDQ sii wadashadda howshaas haddii ay tahay xeer, magacaabis xubno muhiim ah ama shaqaale halbowle ah.
War-saxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada JSL dhawaan waxaa lagu sheegay in Komishanku soo diyaariyey xeerka doorashooyinka, axsaabtuna ka qayb qaateen, golaha wasiiraduna ansixiyeen ka dibna Golaha Wakiilada u gudbiyeen.
Waxa aan shacbiga Somaliland, xukuumadda talada haysa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo daneeyayaasha doorashooyinka halkan uga cadeynayaa in aan Xisbiga WADDANi qayb ka ahayn xeerkan iyo wax kasta oo komishanku uu sameeyey ka dib markii xisbigu kalsoonida kala noqday bishii saddexaad 2018.’’ Waxaa Sidaas Yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro.
Sidoo Kale Xisbiga Waddani Waxay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u gudbiyeen asbaabaha dheliyey inay kalsoonida kala laabteen Guddida doorashooyinka iyagoo soo jeediyey in la kala diro 7 Xubnood ee Komiishanka doorashooyinka hasa yeeshee Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Mas’uulka ugu sareeya ee Somaliland ka taliya muu qaadaan doorkiisa hogaamineed ee isu soo jiidka Komiishanka Iyo Xisbiga Waddani si loo helo xal dhexe oo la isugu yimaado maadaama uu qaranku ku dhisan yahay Talo wadaag iyo is qancin.
Madaxweyne Dareensanow inaad tahay bashar ay wax hoos mari karaan laakiin ka falcelin kara inuu saxo khaladka aad gashay ee kuu muuqda.
1. Maxaa Maanta la Gudboon Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland?
Markaynu intaas kaga nimaadno qodobadaas kor ku xusan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Maanta hor yaala inuu Go’aan Taariikhi ah ka qaato Qadiyadda saamiqaybsiga Kuraasta baarlamaanka Somaliland ee doorashadoodu dhici doonto horaanta sannadka 2019, Iyadoo daneeyeyaal badani ay hada u arkaan in rajadii lagu qabay qabsoomida doorashadaasi ay haadaan ku sii socoto,Maadaama aan la isla meel dhigin xal rasmi ah oo dhinacyada ay khusayso doorashadu ay isla ogol yihiin, Meel marinta Heshiiskii dhexmaray Somaliland iyo Maamulkii Khaatumo oo dhaqangelistiisa lala sugayay Madaxweynihii ku guulaysta doorashadii Madaxtooyada ayaa in bilihii la soo dhaafay waxaa la eegay go’aanka Madaxweynuhu qaato, Iyadoo Tibaaxo ka soo baxay Maamulka Khaatumo ay Walaac ka qabaan in Heshiiskaasi Guud ahaanba uu burburo waxayna eeda arrintaas isaga riixeen dhanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale waa in Madaxweyne Biixi dib ugu noqdaa Siyaasadihiisa Arrimaha Gudaha Iyo Dibadda isagoo ka Shiidaal qaadanaya Faramaha ku furan Xukuumadiisa ee ay ka mid yihiin Dagaalka Tuko-raq ee u dhexeeya Somaliland Iyo Maamul Goboleedka Punt land, fulinta go’aamadii guddidii dhexdhexaadintu ka soo saareen Colaad beeleedka soo noqnoqotay ee ka dhacday deegaanka Ceel afweyn oo iyo dagaalada dublamaasiyadeed ee kaga imanaya dhanka dawlada federaalka Somalia oo waajib ka dhigaya in Somaliland Istiraatijiyad cusub u Jeexdo Siyaasadeeda arrimaha dibada si loo soo nooleeyo maqaamkii ay Somaliland ka taagnayd adduunka oo hoos u dhac ku yimid dhawrkii sanno ee u danbeeyay,Taas oo Keentay in Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid uu qaato doorkii wasaaradda arrimaha dibadda isla markaana uu ka qayb galay Shirkii ka dhacay magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka ee lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Mar kale Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ahaa Saraakiishii qaybta weyn ka ciyaaray in Madaxweyne Muuse Biixi Hogaaminta qaranka qabto ayaa waxa uu Weyd ku tilmaamay Maqaamka ay maanta marayso Siyaasada arrimaha dibadda ee Somaliland "Siyaasadii Buuxday Ee Dibadda Somaliland Anigu Waxaan Qaba Inay Fadhid Noqotay Oo 27-Ka Sanno Halkii Aynu Gaadhi Lahayn Maynaan Gaadhin, Marka In Badan Ayaan Ku Doodaayey Caawana Aan Ku Doodayaa…” Ayuu Prof Samatar Yidhi.
Aan Faaladeena Ku soo Khatino Tuduc ka Mid ah Maansadii Daba taxan ee uu 1997 tiriyey alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye.
Ma deggena badweyntuye,
Maxaa ii dammaanad ah
Duufaan hadduu kaco
Inuu doonni noqon karo,
Seebab lagu dabaasho leh?
Abdiqani Abdillaahi Ahmed (Asporo)
Asporo23@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured